Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on November 28, 2017, 04:54:51 PM

Title: Su'aal: Maxuu yahay (Salivary Stone)?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on November 28, 2017, 04:54:51 PM
Bismillah, Asc.....Doc, waxan Doonnayaa in aan wax ka ogaado, Salivary Stone waxa uu yahay iyo Af-Soomaaliga waxa lagu dhaho.
Xaggeese ku dhaca?
Maxa keenna?
Side looga hortagi karaa?


Doc, waan kaga mahad celinayaa, Hawsha aad u haysto Bulshada Somaliyed.
Title: Re: Su'aal: Maxuu yahay (Salivary Stone)?
Post by: SomaliDoc on November 28, 2018, 08:17:34 PM
Salivart stones waa dhagaxaanta ku samaysmo tubooyinka isku xira qanjirrada calyada iyo afka, haddii dhagaxaantu xannibaan calyadu waxaa la dareemaa xanuun qanjirrada afka ah, af-qallayl iyo af-ur, waxaa lagu ogaadaa in qanjirradaasi lagu duro dheeh kadibne sawir raajo la saaro si loo ogaado in tubooyinku furan yihiin iyo inay xiran yihiin.

Markii la xaqiijiyo kadib, hadduu dhagaxa wayn yahay qalliin ayaa lagu soo saaraa, laakiin hadduu yar yahay ama aad iskaga shakkisaba in cilaldaas ku haysato, liin aad u dhanaan ayaa afka lagu dhibicyaa, biyo badanne waa la cabaa si qanjirrada u soo daayaan calyo badan, kadibne cadaadis dartiis dhagaxa uu banaanka ugu soo baxo.

Wixii faahfaahin ah ka akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6278.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6278.0)