Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilyaasmaxamed on December 18, 2017, 11:19:43 AM
-
Waa idin salaamay dhamaan bahda Somalidoc salaan kadib waxaan rabaa in inaan ogaado hadii ay jiraan wax cuduro ah oo laga dhaxli karo
mukulaasha ama yaayuurta qof walbo siduu uyaqaano ::)
-
Bismillah, ugu horeyn way jiraan cudur laga dhaxlo makulaasha ama Bisadda, maadama Bisadda ay tahay Xayawaan Guri joog ah, Haddan ku xanaanaysano Guriga, isla markaasna sahlayso in marwalba suuragal noqon karto in xiriir na dhexmaro.
Tusale xagga kitchen-ka, Aqalka, store-ka ama maqaasinada cuntada ku kaydsano & meelaha aynu fariisanno.
Sida darteeda, Bisaddu waxa gudbin kartaa cuduro badan, sida cudurada halkaan ku qeexi doono
1) toxoplasma waa parastie oo keena xanuun oo ku dhaca mindhicirada Bisadda kaas oo sabab u ah, marka Bisadda ay cunto xayawaano kala duwan, sida rodents ama jiirka iyo cayayaano kale.
2) fleas waa Dhuudhi/ Boodada waxa suuragal ah in ay ku daadato ama ka buuxsanto dhagorta Bisadda, islamarkasna ay keeni karto xanuuno lid ku ah Dadka, Qoyska iyo Deegaanka
3) waxa kale dhici kartaa in Mukulaashu xagtiimadeed ( cat's Scrtach) ay keeni karto Bacteria magaceed layiraahdo(bartonella)
4) waxa kale jira (sporotrichosis) waa Nuuc kamid ah Fungus-ka ku dhaca dadka
5) roundworm, ringworm, dhamaan waxa ay ka yimaadaan Bisadda.
YAASE KHATAR UGU JIRAA
Dumarka Uurka leh, Caruurta School age & Dadka Da'da ama Sheebabka.
Madaama ay u nugul yihiin wax kasto, maxa yeelay waxa lagu tirinayaa in uu yaryahay Difaacooda (poor immunity system)
SIDEE LOOGA HORTIGIKARA.
Fadlan, Bisaddada Guriga ku ilaaliso yeysan aadin deriska, gacan-gashi Adeegso markaad u qubeynayso, Ka fogey Meelaha Cunada kuu taalo, Ugu Dambeyntii ??
qaado tallaal lid ku ah Rabies-ka.
FG: waxa jira Cashar ka hadlayo, Xanuunada lagu kala qaado Bisadaha oo Hadda kahor Dhakhtarka ka hadlay. Fadlan linkiga hoos (Guji)
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1682.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1682.0.html)
-
Maasha allaah jazaaka allaah dectoore waan helay jawabti aan rabay alx