Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CAGASAXAR on May 12, 2018, 09:32:43 PM
-
Asc doctor waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo 22 jir ah maalin ayaan yara kufay dhiig ayaa ugayimid boog ayayna inoqotay kadib bawdyaha ayaa finan gud guduudan igasoo baxeen ilaa bawdada ilaa anqawga isqabsatay waxaan aaday doctor wuxu idhahay wa Allergy ladhaho " Honech Schollein purpura"" xooga wuu igayara damay kadibna hada ayuu igusi kacay meelaha qaar boogo waaweyn ayey inoqdeen jidhka meesha boogta inoqonayso sidi meel igubatay oo biyo galeen cml ayey inoqonaysa
-
Henoch Schonlein purpura waa cillad keento dhiig-bax ka yimaada xididada yaryar sida maqaarka, kalagoyska, mindhicirrada iyo kilyaha. badanaa caruurta ayaa lagu arkaa inkastoo da' kasta ay ku dhici karto.
Waxaa lagu gartaa in jirka uu yeesho bar gaduud iyo madaw isku jiro una badan lugaha hoose, mararka qaarne barar kalagoysyada ah sida jilibka iyo anqabwga, calool iyo kaadida oo dhiig lagu arko.
Badanaa daaweynteedu waa kaalmaati, maadaama aan la ogayn waxa saxda ah ee keeno cilladaan inkastoo la aaminsan yahay inay taha cillad dhinaca difaaca jirka ah, mararka qaar infekshanka wuu soo kicin karaa.