Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muxiyo on May 13, 2018, 01:00:00 AM

Title: Su'aal: Faa'iidooyinka diirka liin macaanta?
Post by: Muxiyo on May 13, 2018, 01:00:00 AM
Asc doctor.

Waxaan jeclahay cunista liin macaanka markaan xabad liin macaan ah cuno diirkeeda ma tuuro ee isaga waan cunaa.

Suaashayda waa Liin macaanta diirkeeda oo la cuno ma leeyahay faaiido caafimaad ama khasaare caafimaad.
Title: Re: Su'aal: Faa'iidooyinka diirka liin macaanta?
Post by: SomaliDoc on December 26, 2018, 12:23:34 AM
Diirkeeda waxaan u fahmay dahaarka cadcad ee liinta kor saaran ee ma ahan qolofta adaga ee liinta ku daboolan, haddii ay sidaasi tahay, diirka wax dhib ah ma keeno, waxaana ka jiro maaddo la dhaho "Citrus" oo vitamin C laga helo, faa'idane u leh jirka, marka waad cuni kartaa.