Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: HassanDeeq on May 16, 2018, 07:52:53 PM
-
Asc wr wb dhamaan hawl wadeenada iyo shacabka ku xiran somalidoc.
Salaan kadib xaaskayga waxay lee dahay uur 6 bilood iyo badh ah waana ilmihii 4aad waxay isa saartay Computer si ay u ogaato ilmaha ay sido nooca uu yahay balse waxaa loo sheegay in ay IBBIDU hoos jirto oo ay u baahan tahay in Doctor la xiriirto si ciladaas looga daaweeyo ilaa iyo hadana wali wax Doctor ah lama aysan xiriirin oo sidii ayay isaga joogtaa waxayse ka sheegataa culays saa’id ah oo dhanka caloosha qaybteeda hoose ah iyo fadhiga oo dhibaya oo ay xanuun dareemayso marka maxaa dhibaato ah oo ay ka dhaxli ama keeni kartaa haday IBBIDU hoos jirto ma cilad weyn baa mise waa wax iska caadi ah oo aan dhib badan keenaynin jawaab DegDeg ah insha allaah aad ayaana ugu mahadsan tihiin shaqada weyn ee qiimaha badan ee aad shacabka u haysaan ilaahay maalinta qiyaame ajarkeeda iyo abaalkeeda oon nusqaan lahayn ha idin siiyo aamiin,
-
Ibida oo hoos jirto waa xaalad u baahan in hooyo walba lala socodsiiyo si ay ugu dhasho isbitaal haddii xaalad degdeg ah timaado loogu samayn karo qalliin si iyada iyo dhallaankeeda loo badbaadiyaa, ibida haddii ay hoos ku taallo macnaheedu wuxuu yahay meeshii uu cunuga ka soo bixi lahaa ayay u dhaw dahay ama ku aadan tahay, taasi waxay keeni kartaa xilliga foosha in cunug cadaadis saaro ibida maadaama u dhaw dahay meeshuu ka soo bixi lahaa, sidaasne ibida ku fuqdo cunuga oon soo bixin, taasi waxay keeni kartaa dhiig-bax siyaado ah, cunugane wuu dhimanayaa maadaama oksajiinkii hooyada ka helay oo ibida u soo marayay ay go'day, taasi ayaa keenayso cabsida.
Inkastoo muddo ay ka soo wareegatay ka jawaabidda su'aashaada, laakiin waxaan rajaynayaa in wax dhib ah uusan dhicin oo Alle si nabad ah ku kala keenay xaaskaaga iyo cunuggaaga, laakiin xaaladahaan oo kale waa qasab in hooyada dhakhtar lala xiriiriyo.