Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muxiyo on May 19, 2018, 03:50:55 AM

Title: Su'aal: Wadnaha maxaa dhibaaya?
Post by: Muxiyo on May 19, 2018, 03:50:55 AM
Asalama calaykum,

Waxaan salaamayaa dhammaan hawl wadeenada Somalidoc intaas ka dib diktoorka waxaan waydiinayaa suaal, ee fadlan qoraalkayga u dulqaado wuu dheeryahay

Dr mudo 3 bilood ah waxaan isku arkay wadne garaac ama wadne boodbood hadana wuu iga dagaayaa mudo 20minute ka dib.

Inaan dhiig kar leeyahay ayuu farmasi iga cabiray oo gacanta wuxuu iigu xidhay aalada dhiig karka lagula socdo wuxuuna ii sheegay inuu dhiigaygu joogo meeshii ugu wanaagsanayd.

Bil ka dib waxaan tagay dhakhtar takhasus kiisu yahay wadnaha ka dibna wuxuu i saaray computer ka wadnaha wuxuuna ii sheegay in wadnahayga caafimaadkiisu fiican yahay.

Balse 2da maalmood ee ramadan intaan soomanahay wadnuhu ima boodboodo imana xanuuno lkn markaan afuro ee aan cuno timir iyo sharaab paastana aan cuno ayuu i bilaabayaa garaac.

Suaashaydu waxay tahay maxaa keeni kara arinta noocaas ah ,maxaadse igula talinaysaa ?

Doctor Allah ha ku jeclaadee ii soo jawaab fadlab
Title: Re: Su'aal: Wadnaha maxaa dhibaaya?
Post by: SomaliDoc on December 26, 2018, 09:44:15 PM
Waxaa wadne garaaca kuu keenayo waa cudurka gaaska oo astaamahaas leh ee faahfaahinta ka daawo video-gaan: https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU (https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU)