Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yusuf Jama on June 11, 2018, 11:53:07 AM
-
Asalamacalaykum Dr Allah ha idinka jazaa siiyo khayr kaa aad bulshada somliyed u haysaan intaa ka dib.
Waxa rabay inaan ku waydiyo sual hooyoday waxay isku aragtay dhiig ka socda mudo intaa bishaa ramadaan ah waan qof wayn 70 jir ah ,horayna way isku gu aragtay mudo ima laga joogo 8 sano
Waxaan u geeyay dhakhtar baadhi taan ka dib waxaa la ii sheegay in Ilma galeen ka uu jiro Mass ( uterus mass)
Ka dib markii la saaray Ultrasound
Waxay igu taliyeen in lagu sameeyo qaliin (hysterectomy) kadibna cad laga qaado (Biopsy) mid kale hooyo waxay leedahay macaan hadayna bilawday daawada Horay umay qaadan jirin waayo waxay igu dhaheen Uma baahna hada waxa dawo ah cunada uun ka ilaali wxii macaan.
1. Qaliin Ma gali kartaa madaama ay macaan leedahay ?
2. maxaa keena ciladaa dhiiga ah?
3. Hadii laga saaro ilama galeen ka maxaa dhiba ka dhalan karta?
Wad mahad santahay
-
Haday dhiig isku aragto maamo da' ah waxay badanaa tilmaan u tahay xanuunka kansarka kaasoo ku dhacay minka ama luqunta minka, waana in baaritaan dheeraad ah la sameeyo sida aad hadda samayseenba. Haddii macaanku uu dagan yahay waa la samayn karaa qalliinka, in ilmogaleenka la saaro da'daan wax dhib ah ma keento, laakiin waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo in xanuunkaas uu faafay oo minka dhaafay, taasoo haddii la saaro macno wayn samaynin laakiin mar walba in la saaro ayaa habboon kadibne cad in laga gooyo oo baaritaan loo diro.