Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kadario on July 09, 2018, 06:35:14 PM
-
ASC...
Marka hore salaam dhamaan Dhakhtarka iyo Akhristayaasha Mawduuca.
Magacaygu waa Khadar Adam oo ku nool USA,Northern California,San Fransisco.
waxaan rabaa inaan Dhakhtarka Su'aal waydiiyo, taas oo ah waxa loo yaqaano
Chiropractic Doctor hadaan isku dayo Af Soomaali ku noqonaysa Dhakhtarka
ku daaweeya Cudurada cadaadinta lafaha.
waxaan rabaa in aan ogaado dhibaatada ka imanaysa in aad qoortaada ama
laf dhabarta jabiso adigoo cadaadinaya.
-
Cilmiga jucinta lafaha ee loo yaqaano "Chiropractic" wuxuu u baahan yahay farsamo ku dhisan aqoon ee qof walba ma samayn karo, haddii qof aan aqoon u lahayn cilmigaas uu kuu sameeyo waxay keeni kartaa in lafuhu is dib maraan ama xangullaha qoorta illaa laf-dhabarta dhex mara inuu dhaawac gaaro, taasoo naafo ama cuuryaan kaa dhigi karto.