Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdullahi Mohamed on July 29, 2018, 09:23:46 PM

Title: Su'aal: Waxaan qabaa af-shiir?
Post by: Abdullahi Mohamed on July 29, 2018, 09:23:46 PM
Walaal waxaan rabaa in la iiga jawaabo suaalo dhoor ah intii allaah idinka fahan siiyo
(1)waxaan qabaa af ur ama af shiir in mudo ah
(2)waxaan isku arkay shiir dhanka jirka hadaan qubeysto wax yar kadib waan shiirayaa
(3)cidiyaha ayaa ijilcay mararka qaarna xanuun ayaan ka dareemaa
(4)waxaan isku arka sanka oo qoyaanka kuyar ama diif la aan xitaa haduu hergab igu dhoco diif malihi
Khaakho la'aan laqida candhuufta oo i dhibeyso candhuuta oo adag ciridka iyo carabka waa i dhiigaan marka aan cadayanayo
(5)feero oo iga xanuuna bartamaha ama meesha feereaha uu isaga imaado
xanuunada la igu sheegay GAAS. NEERFO. BAGTEERIYADA CALOOSHA. Mar aan dhakhtar neerfaha utagay waxuu igu yiri xididada ayaa nafaqo waayay marka uu sidaa ilahaa gacmaha ayaa i jareen jiray in kastoo wali uu jiro jareenta
(6)waxaan kaloo isku arkay markii dhiiga la iga qaadayo dhiig maba soo baxayo si dhib ah ayuu ku soo baxayaa waxaan is idhi xidida ayaa ku xirmay.
Intaa kadib walaal waxaan oo dhan waxaan u soo taxay waxaa weeye cilada afka ka jirto armeey xiriir laleeyihiin yacnii af urka ameey sabab u yihiin 

Title: Re: Su'aal: Waxaan qabaa af-shiir?
Post by: SomaliDoc on January 22, 2019, 08:13:23 PM
Walaal cabashadaadu way tira badan tahay, qaar badanne xiriir ayaa ka dhaxayn karo, waxyaabo kalane waxaa laga yaabaa inay salka ku hayaan waxaad iska dhaadhicisay, mid midne looma kala qaadi karo oo waad ku sii warayraysaa talada aan ku siinayo sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtar la xiriirtid si laguu waraysto, laguu wiisiteeyo, daawane lagugu qoro.