Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xoosh Docol on August 25, 2018, 12:18:22 AM

Title: SU'AAL: XANUUNKA MAAGIRIINKA.
Post by: Xoosh Docol on August 25, 2018, 12:18:22 AM
Asc, magacaygu waa Xoosh Docol oo jooga Gaalkacyo PL Soomaaliya.

Waxa isku arkay astaamo ay ka mid yihiin, kabuubyo, gariir dhinica midig sida isha iyo faraha, qeylo ka yeeraysa madaxa, indho xanuun markaan isku qabsado. Waxa aan tagay dhaqtar, waxaa laga iga helay ASO TEST ama Madaxfarad ama Maagiriin kaad u taqaanno, haddaba maxaa talo ah i siinaysaan weli waxa aan dareemayaa xanuunkii waxaana la ii qorey dawo 3 bilood wax isbeddel ahna kuma aan hayo?

mahadsanadiin,
Title: Re: SU'AAL: XANUUNKA MAAGIRIINKA.
Post by: SomaliDoc on January 25, 2019, 09:18:14 PM
Qaabka laguu hayo madax faradka ma keeno qaabab kale ayuu ku yimaadaa oo madax xanuunka ka mid ah sida: Tension headache ama Cluster headache, faahfaahinta madax xanuunadaan iyo waxa ay ku kala duwan yihiin ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0)

Waxaa kaloo arintaan keeni kara isku-buuqa maskaxda ama waxa loo yaqaano "mental distress", faahfaahinta ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1704.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1704.0)