Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kunciil8155518 on August 25, 2018, 09:14:54 AM

Title: Su'aal: Biyaha galo wadnaha?
Post by: Kunciil8155518 on August 25, 2018, 09:14:54 AM
Asc Dr suasheydu waxey tahay Biyaha wadnaha galo ma qeyb kamid aha  Tbda, maxa sababo cudurkaas, siduu qofka ugu dhacaa, side loo daweyaa, mala kala qaadaa? mahadsadin SomDoc
Title: Re: Su'aal: Biyaha galo wadnaha?
Post by: SomaliDoc on January 25, 2019, 09:20:29 PM
Biyuhu waxay galaan galka wadnaha waxaana xaaladaan loo yaqaanaa "pericardial effusion", waxyabaha badanaa keeno waa infekshanka sida Tb-da oo kale, badanaa biyahaas inta la soo miiro ayaa baaritaan loo diraa si loo xaqiijiyo jeermiska keenay, Haddii ay TB tahay waxaa qofka la siiyaa daawada Tb-da ee caadiga ah muddo 6 illaa 9 bilood u dhaxaysa.