Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ismoabdi4 on September 05, 2018, 11:08:34 AM

Title: Su'aal: Markaan miyiga aado waa caaroodaa?
Post by: Ismoabdi4 on September 05, 2018, 11:08:34 AM
Asc dhamaan waxaan salaamayaa Dadka ku sugan bogan iyo kuwa ku hawlan Hanaqadka boggan.
Alle ayaa mahad leh.
Si gaara waxaan u salaamayaa uguna Mahad celinayaa,  dictors-ka wakhtigooda U hurey caafimaadka umadda tan waxaan Leeyahay jasaa akallaah.

Su'aasheyda : markaan visit ugu baxo magaalada banaankeeda meelaha qaar
 (miyiga/baadiyaha ) waxaan noqdaa sidii qof caaroonaya oo kale kadib markan xoqo ( meesha i caarooneysa ) way casaata oo way kabrartaa kadib markaan ka soo tago meesha een imaado magaaladii wey iga ba'aan .

Kolkaa waa maxay sababta keenaysaa ?
Title: Re: Su'aal: Markaan miyiga aado waa caaroodaa?
Post by: SomaliDoc on January 31, 2019, 11:03:14 PM
Taasi waa allarji waxbaad dhibsanaysaa oo xasaasiyad ku qabtaa waxaa suuragal ah geedaha miyiga aad tagtay ku yaalla qaar, cunnada aad cunaysid IWM. Akhriso qoraal ku saabsan xasaasiyadda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=532.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=532.0)