Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Waran on November 23, 2018, 09:59:00 PM

Title: Su'aal: Caruurta bilaa Oxygenta ku dhalata?
Post by: Waran on November 23, 2018, 09:59:00 PM
Dhakhtar waan ku salamaya marka hore, suaashaydu waxay tahay maxaa sababa caruurta bilaa oxygenta ku dhalata, iyadoo waliba xundhurtuna ku mar maran tahay.

Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Caruurta bilaa Oxygenta ku dhalata?
Post by: SomaliDoc on March 26, 2019, 08:19:09 PM
Caruurta oo bilaa oksajiinta dhalato waxaa loo yaqaanaa "Neonatal Hypoxia", waa cillad caruurta ku imaan karto bilaha dambe ee uurka ama xilliga foosha, waxyaabaha badan ee keeno waxaa ka mid ah, cunuga oo kafka ku daaho, xariga oo ku marjismo ama qulqulka dhiigga ibida oo xiranto xag nafaqo darri awgeed ama hooyada oo sigaar cabto ama xinjir dhex fadhiisato...

Sidaa awgeed, hadduu cunuga ku dhasho oksajiin la'aan waa in si degdeg ah loogu xiraa oksajiinta si loo badbaadiyo maskaxdiisa, haddii kale waxaa ku dhacayo xanuun la dhaho "Cerebral Palsy" oo ah curyaamidda maskaxda, faahfaahinta ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,8099.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,8099.0.html)