Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Msaxane on November 23, 2018, 11:37:47 PM
-
Asc bahda website kan somali doc
Waa Maxamed Cali Cilmi oo jooga Burco oo 30jir ah .
Waxan caadeystay oo qabatimay in aan isku shido marawaxadda markasta oo aan gogoshayda joogo habeen iyo maalin, hadii aan hurdo iyo hadii aan soo jeedo, haduu xiligu kulul yahay iyo haduu qabow yahay. (Sleeping With A Fan On All Night)
Waxay ii noqotay balwad markaa dictoore
Maxay faaiido iyo qasaare labadaba ii leedahay? (benefits and side effects)
-
Wax dhib ah oo badanaa la xiriiro inaad hoos seexato marwaxadda ma jirto, inkastoo dadka qaar ay u daran tahay sida dadka qabo xanuunka quumanka ee soo noqnoqdo khaasatan kuwaasoo afka ka dheefsado, hawadaas qabaw ee afka galayso waxay caawinaysaa bakteeriyada inay cunaha ku taranto, sidoo kale dadka aadka u dhidido habeenkii markay jiiftaan uma roona inay marwaxadda isku aadiyaan, maadaama uu ku dhici karo xanuunka loo yaqaano "Pleurisy", faahfaahinta ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0)