Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Huda salah on November 25, 2018, 12:26:28 PM
-
Asc dr waxaan daremaa xanuun naasaha ah xanunkasoo ubadan naaska midig wax dhakhtarana umaan tegin ilaa isbuuc markuu ixanuuno waan ladnadaa mudo kdib hdana wey ixanuunan mudo 2sano ah xanuunkan bn isku arky xnuunkaso wliba markaan jiif kasoo koco ayaan aad udaremaa
Mahadsanid
-
Waxyaabo dhowr ah ayaa keeni karo naaso xanuunka, hadduusan jirin barar, burtuqyo iyo isbadal maqaarka ama ibita ku dhacay, xanuunka kale waxaa laga yaabaa inuu yahay mid muruqa naaska ka hooseeyo inuu ku xanuunayo ama naaska laftirkiisa in cadaadis aad saartay inta aad hurdaysay, taladaydu waa inaad dhakhtar la xiriirta si laguu wiisiteeyo, si loo ogaado xanuunka aad ka cabanayso nuuca uu yahay.
Sidoo kale waxaa jiro naaso xanuun badanaa la socdo xilliga caadada, taasoo wax isbadal muuqaaled oo naasaha aan la arkin, faahfaahinta ka akhriso casharkaan kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6513.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6513.0)