Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulahi abdirahman on November 25, 2018, 09:33:07 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena dhidika badan?
Post by: Abdulahi abdirahman on November 25, 2018, 09:33:07 PM
Asc doctor, aad ayaan kuu salaamayaa, magaceyga waa abdulahi, digtoore waxaa si aad ah ii dhibay dhidid, haddii ay qabow tahay, haddii ay kuleyl tahay, haddii aan socdo, haddii aan shaah cabo, haddii aan masjid ku tukanaayo, mar waliba waan dhididaa digtoore, 3 daqiiqo kaliya haddii aan socdo dhidid ayaa jirkeyga oo dhan qoynaya, mana aqaan sababta, waligey ma arkin qof iga dhidid badan, digtoore waxaa iigu daran ayadoo aysan cadceed jirin marka aan iska dhidido.

Marka waxba yaanan hadalka badine digtoore dhididkaas xad dhaafka ah maxaa sababa maxaana daawo u ah.

Inaad ii jawaabi doonto ayaan rajaynayaa digtoore, mahadsanid jazaakallaah.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena dhidika badan?
Post by: SomaliDoc on March 26, 2019, 08:30:00 PM
dhididkaas xad dhaafka ah oo hadane joogtada ah waa cillad ay dadka qaar ku dhashaan, waxaana loo yaqaanaa "Hyperhidrosis", fadlan faahfaahinta qoraal aan horay uga hadalnay arintaa ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0)