Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on November 29, 2018, 03:32:06 PM
-
Bismillah, Asc...Doc, waxan Doonayaa in aan wax ka ogaado Kaniiniga layiraahdo Clomifene ama Trade Name-kisa Clomid-50mg.
muxuu yahay, sidee loo istacmaala intee camal laga qaataa dose-ka, een sidookale intee maalin ayuu qofka qaadan karaa...?
Madaama Dumar badan waayahan dhakhaatiirtu u soo qoraan. een Ragguse ma qaadan karaa?
-
Clomid waa kaniini loo adeegsado in uu siyaadiyo bacriminta ugxanta haweenka.
Waxaa loo qoraa haweenka ka cabanaayo dhalmo la'aanta.
Sidoo kale xaaladaha qaar ee ragga la soo darso waa loo qoraa sida yaraanta hormoonka testosterone-ka.
Wixii faahfaahin ku saabsan cabbirka laga qaato iyo sida loo qaato, waxaan kugula talinayaa inaad dhakhtar la xiriirtid.