Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qoorgaab120 on November 30, 2018, 02:03:31 PM

Title: Su'aal: Xanuun kaadi-haysta illaa inta ka hooseyso?
Post by: Qoorgaab120 on November 30, 2018, 02:03:31 PM
Asc: Dhaqatirta Somaliyed wan idiin mahadcelinaa sida wanagsan ee mutadhawacnimada ah ee aad bulshada  aad uga haqab-tirtaan intii karaankina ah Baahida Caafimaad, mahdsanidiin.
Markaan su'aasheyda usoo laabto waxaan isku arkay,  xanuun kaadi-haysta ilaa inta ka hooseeyso, marmar waxan ku dhibtoodaa sidaan u bilaabi lahaa kaadida waxad moodaa in ay dib u laabaneyso, way go'godaa waxan dareema in aysan iga dhamaan, waxan dareema xanuun gaar ahaan markaan jiifo lkn markaan socdo ila intaan doono wan haysa karaa kaadida, mararka qaar markaan suulida ka baxo waxan ka dareemaa kilida bidix ama 2kiliba  wax kuleel camal ah.
 Markaan aqriyay casharka prostitis ka ku saabsan qaar badan oo calamadaha ah ayan isku arkay lakin da'daas magaarin 27 sano ayan jiraa.
Waxan dareemayay kaadi go'go ilaa waqti dheer lkn xanuun kle ma jirin,
Marka majiraa cudurkale oo ku dhaco isla meeshaas oo u eg? sideese? Loo baaraa loona daweeyaa?.

 mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Xanuun kaadi-haysta illaa inta ka hooseyso?
Post by: SomaliDoc on March 28, 2019, 08:30:29 PM
Haa, qaabka laguu hayo iyo da'da aad jirto markaan isku fiiriyo waxaan u badinayaa cilladaada inay tahay "Ciriiriyowga Ibta", afka qalaadne lagu dhaho "Urethral Stricture", waa cillad aan badanaa laga aqoon xanuunka qanjirka prostate-ka laakiin dhalinyarada ku badan maadaama cilladda qanjirka ay ku badan tahay dadka waaweyn, faahfaahinta ciriiriyowga ibta ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1865.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1865.0)