Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed bisle on December 03, 2018, 02:10:09 AM

Title: Su'aal: Xanuun xabadka iyo naqas?
Post by: Axmed bisle on December 03, 2018, 02:10:09 AM
Asc wll waxaan rajaynayaa inaad icaawin doontid si aan u ogaado xanuunkaan ihaya.

Wll bil iyo bar ayaan waxaN dareemayaa xanuun xabadka ah sidoo kale neefta oo igu yar markaan iskala bixiyo xabadka lafta kutaala waxaan kadareemayaa qac sida laba laf oo kala baxay sidoo kale markaan saa'id uneefsado iyadana sidoo kale ayaan maqlaya markaan ayaamo jimicsiga ka nasto xanuunka xabadka wuu iga ba'aa markaan isdhaho malaha wad cafimaaday ayaan push up dheelaa hadana xabadka ayaa ixanuuna sido kale neefta qaadashadeedu way idhibta.

Bir aan weight saxa lahayn ayaan ku jimicsaday dhowr maalmood ma isleedahay saamayntu waa iyada.

Baryahaan waxaa iiwehliya madax xanuun iyo margiyo xanuun, madaxa oo aad moodo inuu culays iga saaranyahay kaga daran dhagaha ayaa aad iixanuuna mar marka qaar sida inay qarxeen cml.

Wll waxaan rajaynaya inaad icaawin doonto inzha allah ilhy haku naxariisto aduun iyo aakhirabe
Title: Re: Su'aal: Xanuun xabadka iyo naqas?
Post by: SomaliDoc on March 29, 2019, 08:02:53 PM
Xanuunka aad feeraha ka dareemayso, markaa iskala bixisidne ay jucsamayaan, kadibne aad nafis dareemayso waa cillad dadka qaar isku arkaan waxayna la xiriirtaa carjwada isku hayso lafaha feeraha, faahfaahinta cilladaan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0)