Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamoud Abdiaziz on December 03, 2018, 03:37:29 PM

Title: Su'aal: Waa maxay daawada Cirrhosis?
Post by: Mohamoud Abdiaziz on December 03, 2018, 03:37:29 PM
Asc SomaliDoc Wa Mahadsantihin Marka Waxan Rabey in Aan Suaal Idinka Weydiiyo Cudurka Cirhhosis Dawadisa Qofka Qaadan Rabo Mala Isticmaali Gara Rashinkisa Caadiga Ah Teeda Kale Qofkan Diabates kana Iyo Dhigarba Wuu Qaba Wana Maamo Da'ah 65 Jir Ah.
Wall In Aaad Jawabta Ila So Dhaqsatin Jeclaan Laha
Title: Re: Su'aal: Waa maxay daawada Cirrhosis?
Post by: SomaliDoc on March 29, 2019, 08:09:28 PM
Cirrhosis waa qolfoofid ama adkaansho, meelaha lagu arko waxaa ugu badan beerka taasoo ka dhalato markuu xanuunka cagaarshowga qofka ku daaho, beerka wuxuu yeeshaa kurtumo iyo qolfoof, wuu shuuqaa, shaqadane wuu gaabiyaa, daaweyn rasmi ahne ma lahan oo waa kaalmaati waxyaabaha qofka la siiyo, marka taladaydu waa  inaad dhaktharka hooyo gacanta ku haayo la waydiiyaa xaaladeeda iyo xanuunadeeda kale inay saamaxayso in daawooyinkaasi qaadato.

Xanuunkaan "Liver cirrhosis" waxaa la socdo, astaamaha howlgabka beerka oo aad ka akhrisan kartid casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5648.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5648.0)