Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdiyare54 on December 18, 2018, 12:07:53 PM

Title: Su'aal: Haddii hormoonka Estrogen-ka la yareeyo?
Post by: Abdiyare54 on December 18, 2018, 12:07:53 PM
Waan Ku Salaamay Dr Aad Ayaan Kaaga Mahadcelinayaa Howsha Wanaagsan Aad Bulshada U Heysid Salaan Kadib Waxa Aan Maqlay In Hadii Hormoneka Estrogen La Yareeyo isla Markaana Hormoneka Testosterone Kor Loo Qaado Uu Qofka Ragga Ah Faaiidooyin Bdn u Leeyahay Suaasheydo Waxey Tahay Maxeey Faaiido Bdn Leeyihiin Mana Jirtaa Hab Dabiici Ah Tusaale Ahaan Cunooyin Ama Daily Activity Aan Sidaas Ku Samayn Karo Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Haddii hormoonka Estrogen-ka la yareeyo?
Post by: SomaliDoc on April 19, 2019, 09:28:38 PM
Labada hormoon ee kala ah Estrogen iyo Testosterone way isla shaqeeyaan, hadduu mid kaco kan kale way nusqaamaa, caadiyan ragga wuxuu Alle ku badiyay hormoonka testosterone, dumarkane hormoonka estrogen, laakiin mid walba hormoonka kale in yar ayuu ka haystaa oo isku dheelli tiran, hadduu qofka daawo u qaato inuu hormoonka kordhiyo ama mid yareeyo waxaa dhacayo khalkhal dhibaato ayayne keeni kartaa. tusaale ahaan haddii hormoonka testosterone la kordhiyo iyadoo wax dhib ah jirin sida markii GYm-ka la ciyaarayo oo kale waxaa ka dhalan karo dhibaatooyinka ku xusan qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5810.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5810.0)