Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hamze_a on December 25, 2018, 01:37:43 AM
-
ASC dhamaan bahda somali doc aad baa ugu mahadsan tihiin shaqada wanagsan aad uhaysan bulshada soomaliyed ee la daalaadhacaysa xanuunada
Dhaktar markaan banooniga ciyaarayo aan xiiqo waxaa aad iixanuunta naaska midigta meeshu ku yaalo oo ah bara wadnuhu ku yaalo meesha la siman iyado aad moodid in sanqadh ka baxaso
-
Wadnaha wuxuu ku yaallaa dhinaca bidix, haddii aad xanuun ka dareemaysid naaska bidix hoostiisa markaad jimicsi samaysid ama aad orodid waxaa laga yaabaa inuu ku soo hayo xanuun xididada wadnaha galo oo loo yaqaano "Angina", faahfaahinta xanuunkaan iyo astaamihiisa ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=668.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=668.0)
Haddii ay cilladaan joogto noqoto waa muhiim inaad dhakhtar la xiriirtaa sida ugu dhakhsiyaha badan.