Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yoohuun on December 26, 2018, 11:21:04 PM

Title: Su'aal: mala dhihi karaa biyo bax deg dega ah?
Post by: Yoohuun on December 26, 2018, 11:21:04 PM
asc dhakhaatiirta sharafta leh waan salaamayaa suaasheydu waxa weeye qofku mala dhihi karaa biyo bax degdeg ah ayuu qabaa iyadoo laga qiyaas qaadanayo markuu siigeysanayo mise waa isagoo dhakhso biyobaxaa markuu galmada sameynayo
mida labaad qofka marka uusan mudo galmo sameyn marka ugu horeyso uu sameynayo biyuhu dhakhso way ka imaanayaan midaas iyadana mala dhihi karaa wuu qabaa biyobaxa deg dega ah mise marka labaad ama kuwa ka danbeeyo ayaa la dhihi karaa
suaasheyda kale biyuhu ma dhamaan karaan hadaad dhowr jeer oo isku xig xiga kaa yimaadaan wiil sxbkey ah baa ii sheegey inuu maalin 5 mar biyaha gacantiisa isaga keeney markii 5aad dhiig ayaa ka yimid dabcan mar walbana biyuhu wuu yaraanaayey mahadsanidiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Title: Re: Su'aal: mala dhihi karaa biyo bax deg dega ah?
Post by: SomaliDoc on May 01, 2019, 08:11:23 PM
Biyo-baxa degdegga ah loogama qiyaas qaadan karo siigeysiga, sidoo kale markaad muddo galmo moogaatid waa dabiici in dareenkaaga soo dhawaado, taasina lama dhaho cilald biyo-bax degdeg.

Hadduu qofka dhowr jeer oo isku xigta siigeysto, shawadane way sii yaraanaysaa, tubooyinka shahwada soo qaadane way dhaawacmi karaan, kadibne dhiig wuu soo raaci karaa shahwada. halkaan ka akhriso dhibaatooyinka siigeysashada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0)