Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hodanlove on December 28, 2018, 09:37:21 AM

Title: Su'aal: Waa dhowr sano iga qaldan caadada?
Post by: Hodanlove on December 28, 2018, 09:37:21 AM
Asc asxaabta somalidoc waan idinka mahad celinaya sida no cawisan hadan kudo galo ujedkeyga waxaan ahay hoyo hesta carur waxaa dhowr sano iga qaldana caadada ilaa marki danbe aan daremayo xanuun saaid ah waliba marka ey iga socoto waxaan kalo isku arkay markey week ka dhiman tahay waxaan darema calamadaha walaca o kale mudana uur ma yelan waxaan la xariiray dhaqatir badan oo qurbaha dagan waxey igu dhaheyn waxba ma jiraan igarali ahada hadan badiyay qoralka thanks.
Title: Re: Su'aal: Waa dhowr sano iga qaldan caadada?
Post by: SomaliDoc on May 05, 2019, 11:54:59 AM
Caadada oo kaa khaldan, xanuun aysan horay kuugu hayn jirinne aad isku aragtay waxaad u baahan tahay inaad heerarka hormoonadaada la baaro sababtoo waxaa dhici kara inuu khalkhal dhinacaasi jiro mararkaas oo kale haweentu waxay dareemi kartaa lalabo, naasaha oo ku danqado, dhabar xanuun siyaado ah, caajis farabadan iyo diiqad, waa calaamadaha badanaa la dareemo markaad uur qaadid ama xilliga wallaca ku jirtid.

Haddii ay arrimahaan joogto noqdaan, fadlan dhakhtar arrimaha haweenka ku takhassusay la xiriir, wixii faahfaahin ahne ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2154.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2154.0)