Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamedcal on December 28, 2018, 09:56:17 PM
-
Asc Dr maxaa keeno ciridka oo cadaada. Waxaan isku arkay in ciridkeyga colour kiisa uu isku badalaaayo cadaan sidii qof anemia heyso oo kle. sidoo kle maxaa xiriir oo ka dhaxeeyo pele gums iyo gum disease
Mhdsanidiin
-
Hadduusan ciridka lahayn barar, danqasho, dhiig iyo inuu booskiisa ka durqo ma qabtid cilladda yiridka ama "gingivitis", halkaan ka akhriso cilladaas iyo astaamaheeda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1409.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1409.0)
Midda kale hadduu ciridka cad noqdo, wax xanuun ahne uusan kugu haynin waa in dhiig yari iska baartaa marka hore, hadduu dhiigaagu uu fiican yahayne, wax dhib ah ma lahan oo dadka qaar way cad yihin ciridka, qaarne way madaw yihiin.