Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saakow on February 22, 2019, 11:45:16 PM
-
Asc
Dr. Waxaan ahay wiil dhaliyaro ah oo dhawaan guursaday intii hore caadi bay ahayd dareenkaygu. Lkn hadda waxaa dhacay inaan hamoonayo geedkiina uusan saani u kacayn ama si dhakhso ah u damayo anoon hawshiiba bilaabin. Dhibkaas ayaa i haysta Dr. In muddo ah ee maxaad igula talin lahayd ee aan sameeyaa.
Aad ayaad u mahadsan tahay Dr.
-
Mararka qaar in si kumeel gaar ah ay xubinta kuugu kicisi ama hammiga kaa yaraado waa arrin dabiici ah, laakiin markay joogto noqoto ayaa xal la raadiyaa, dhalinyaro badan ayaa guurka ka dib isku arka dareenkooda iyo hammigooda oo aan ahayn siduu ahaan jiray guurka ka hor taasina waa arrin salka ku hayso fakrado khaldan sida in qofka kacsigiisu joogto iska ahaan doono maadaama guurka ka hor uu dareen yar ku kacsan jiray.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan howlgabka kacsiga iyo siyaabaha loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0)