Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Nour on March 12, 2019, 02:18:22 AM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkaa kabuubyo markaan hurdo?
Post by: Mohamed Nour on March 12, 2019, 02:18:22 AM
Asc wr wb
Waan salaamayaa SomaliDoc
Ilaahay ha idinka abaal mariyo cilmigiina aad ugu tabarucausaan walaalihiina xanuunsanaaya, caafimaad kama ha idiin daami’mo inta bukna ee islaam ah na ha shaafiyo.

Suaashaydu waxay tahay:-
Waxaan ka shaqeeyaa meel warshad ah oo xoog-maal ayaan ahay ( Physical work ) markaa mudo 7 sanadood ba isku meel ayaan ka shaqeeyaa, sanadkii ina dhaafay 2018, bilihiisii u dambeeyay qiyaastii 3-dii bilood ii ugu dambeeyay waxaan isku arkay markaan seexdo KABUUBYO saacad hadaan hurdo ama nususaace mararka qaar anigoon wali gamin ba ayaan isku arkaa kabuubyo gacmaha ah kolba dhinaca aan u jiifo hadii aan gamasanahay xataa hurdada way iga soo toosisaa, Waxaan la kulmay dhakhtarkayga waan u waranay, wuxuu igu yidhi neerfaha gacmaha weeye markaa wuxuu isoo siiyay waxaan habeen ki gacmaha gashanaayo oo aan ku seexo ( waa waxa la gashado gacmaha markii laga murkacdo oo midab madow ah.
Wuxuu idhahay bil ka bacdi igu soo laabo hadii Aad ku fiicnaato waa sidaan rabnay, hadii kale waxay noqon qaliin lkn Waxaan kuu dirayaa dhakhtar kale oo ku takhasusay.
Muddo 2 usbuuc ah ayaan xidhan habeen waan ok markaan xidho lkn hadii aan xidhan waayo maalintii oo kale kabuubyadii wan arkaa.
Malaga yaabaa shaqadan adig imay sabab u tahay kabuubyada?
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkaa kabuubyo markaan hurdo?
Post by: SomaliDoc on January 12, 2020, 01:51:04 PM
Walaal Allaha ku caafiyo, shaqada aad haysidne mid ka dhib yar ha kuu sahlo.

Cilladaadu waxaa la dhahaa "Carpal Tunnel Syndrome" waxaa badanaa lagu arkaa dadka sida xad dhaafka ah gacmahooda ugu shaqeeyo weliba shaqooyinka ku celceliska leh, sida dadka type-ka garaaco iyo dadka warshadaha wax soo saaro ka shaqeeyo.

Dhibku wuxuu ka dhashaa in neerfaha jalaqlayda dhexmaro ee loo yaqaano "Median Nerve" in murqaha iyo seedaha kalagoyskaasi ku jro inay cadaadiyaan kadibne dhaawacaan maadaama si xowli ah oo celcelis ah aad gacmahaaga u adeegsanaysid, dhibku wuu sii badanayaa haddii qarashaka lagu siinayo uu ku xiran yahay howsha aad qabanaysid 7-daas saac ee shift-ga ku jirtid.

Sidaa awgeed xalkaagu waa inaad shaqadaasi mid ka badalan raadisaa, kadibne si dabiici ah ayuu culeyska neefaha uga dagayaa kabaabyadane way kaa baaba'aysaa laakiin haddii howsha ku sii wadid gacanta oo ku xanuunayso, qalliin ayaad ku qasbanaan doontaa si neerfaha iyo seedaha loo kala sikiyo, xalka uu dhakhtarka kuu sheegayne oo ah in gacanta lagu xiro qalabka kala jiidayo waa mid ku meel gaar ah kaliya. wixii faahfaahin ama su'aal ah hoos iigu soo qor.

Faahfaahin ku saabsan cilladaan iyo waxa kale ee keeno kabuubyada gacmaha ama cagaha ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1747.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1747.0)