Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raadshe on March 26, 2019, 12:56:00 AM
-
Salaamu calaykum,
Diktoore, waxaan ahay nin muddo labo sano ku dhow xaas leh, welise aan awlaad helin. Maalin dhoweyd ayaan anigoo baaraya cilladaha dhalmo la'aanta keena waxaan arkay 'Ciladda XXY Syndrome'. Maxay tahay cilladdaasi, cudur Soomaalida ku dhacase ma yahay?
Mahadsanid