Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cumaraani on March 27, 2019, 08:12:09 AM

Title: Su'aal: Wadnaha Oo Aad Ii Jiitama?
Post by: Cumaraani on March 27, 2019, 08:12:09 AM
Asc, Magaceeygu Waa Omar Noor. Salaan Kadib Dhamaan Bahda Somalidoc. Waxan Idinkaga Mahad-naqaa Hoowsha Fiican Ee Aad Bulshadda u Haaysaan,!

Su’aasheeyda Waxay Tahay:
Markaan Socdo Qiyaastii 4 Daqiiqo Gacantana Aan Ku  Qaado Culees La’eg 5Kg Ama Ka Yarbka, Waxad Moodaa Wadnaha Inuu Igasoo Bixi Rabbo,!


Waxan Dareemaa Sheey Isku Xeraaya Wadnaheeyga Iyo Dhuunta Inuu Soo Qaadaayo Dareen Xanuun Badan Oo Aad U Qabtid in Mindi Lagu Jeex-jeexayo Oo kale, Mana Fahamsani Waxaas Ineey yihiin Tubo Neef Sida Ama Xidid Dhiig Ku Caburan,


Xaaladaas Markaan Ku Jiro Ma Hadli Karo Xitaa Su’aal Kama Jawabii Karo Waxan Dareemaa Daal,Neef Tuur, Garaaca Wadnaha Oo Aan Dhaga Ka Maqlo, IYo Wareer, Aan Badneeyn.


Ugu Danbeeyntii Xaaladaas Inaan Kasoo Kabsado Oo Aan Caadi Kusoo Laabto Waxay Igu Qaadataa Qiyaastii 5-8 Daqiiqo. Dhaqtaroow Maxaa I Haaya,? Xanuunkeeyga Jawabtiisa Allaah Kusoo Waafajiyo Idinka Rabbi.