Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on July 03, 2009, 10:39:32 PM

Title: Findoob (Acne)
Post by: SomaliDoc on July 03, 2009, 10:39:32 PM
(http://somalidoc.com/Topics/findoob.png)

Waa maxay Findoob ama Finqooq?
Findoobka ama Finqooqa sida dadka qaar u yaqaanaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.
Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.

Maxaa keeno Findoobka?
Inkastoo waxa toos u keeno finankaan aan la ogeyn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:
1- Daawooyinka qaar
2- Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada jinsiga oo kacsan ee loo yaqaano "Androgens" ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtyada haweenka ay uurka leeyihiin, halkaas ayaana loogu magac daray).
3- Bakteeriyo (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysan haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib).
4- Qanjirrada finanka oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)
5- Diiqada (welwelka iyo fekerka) - Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.
6- Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.

Sidee looga hortagaa Findoobka?
Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.
Si joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun ama kiimiko kalaba.
Finanka ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.

Yuu ku badan yahay Findoobka?
Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tanoo u badan xaga gabdhaha).

Findoobka ma leeyahay daawo?
Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finanka aad ka cabanayso nooca ay yihiin.
Maxaa yeelay waxaa jiro xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.

Maxaa talo i siinaysaa?
Iska ilaali in aad marsatid kareem ama daawo takhtar aan kuu qorin, waxaa dhici karto in ay wajiga kaa foolxumayso ama ku reebto haaro aan kaa fuqi doonin ama dhaawac maqaarka in aad is gaarsiisid.
Fadlan la xiriir takhtar haddii wajiga nabro ku leedahay si laguu daaweeyo.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Findoob (Acne)
Post by: Ashwaaq on August 09, 2009, 09:06:49 AM
A/S/C salaan kadib waxaan rabaa in aad war iga soo siisaan  finyaalkaas ka soo baxa wajiga  wax aan iskaka daaweeyo
Title: Re: Findoob (Acne)
Post by: SomaliDoc on August 09, 2009, 03:48:42 PM
Walaal haddii aad jeceshahay in aad iska daaweyso dhibaato maqaar u tag dhakhtar ku taqasusay cudurada maqaarka.

Mahadsanid
Title: Suáal: Barabaro madow oo wejiga ku samaysmay?
Post by: Ashwaaq on August 20, 2009, 07:55:29 AM
A/S/C salaanta islaamka kadib aad ayaad u mahadsantahey  run ahaantii aniga waan u tagey dhaqtar maqar waxuuna isoo siiyay kaniini uu yiri wajiga ayuu salida ka dhameynayaa nabrahana way dagayaan
alxamdulilaah horta waan ka reestay bararkii iyo nabrihii muuqmuuqdey  balse waxaa meesha ku harey  barobaro madoow kaas o  wajigana dooriyay marka maxaan  sameen karoo oo isaga saacidikaraa barabarahaas madoow?

MAHADSANID
Title: Re: Findoob (Acne)
Post by: SomaliDoc on August 26, 2009, 02:05:12 PM
Fadlan ku laabo dhakhtarkii kuu qoray daawadaas.

Mahadsanid
Title: jawaab
Post by: Ashwaaq on August 29, 2009, 09:53:54 AM
 waxuu i soo siiayay boomaato ladhaho dornafit  ee waa sidee boomatadaas?
Title: Re: Findoob (Acne)
Post by: SomaliDoc on August 30, 2009, 09:37:07 AM
Daawada ma ahan mid aan garanayo ee haddii magaca uusan qaldanayn, fadlan noo sheeg magaca chemical-ka ama waxa ay ka samaysan tahay.
Title: Re: Findoob (Acne)
Post by: Gentleman1 on September 27, 2009, 05:51:42 AM
A/s w/w. Dhamaan wan idin salaamay dhaqatirta qimaha iyo qayaha badan wadna ku mahadsantihin sida hagar la'anta ad dadka ugu fa'ideynesin taasina wa mid ad bilad sharaf ku muteysan karta iyo ajar xaga alle idin kaga qoran. Inta kadib waxan donaya in macluumad la iga siyo cun cun xaga wajiga o marki an biyo wajiga ku dhaqo iyo marka an dhidido an daremo tankale aniga waxan ka cabanayay finka ilaa 13jirkeyga lakin hada wan karonahay alle mahadi waxan kalo donaya dawo baa'bin karta madmadow ga ku haray wajiga.washuk ran cala xusni acmalikum.thnx all of u.by gentle man1
Title: Re: Findoob (Acne)
Post by: SomaliDoc on October 24, 2009, 09:59:53 PM
Xaaladdaada waxa ay u egtahay waxa loo yaqaanno "Aquagenic Pruritus" oo ay tahay macnaheedu cuncun ka dhasho biyaha (Water-induced Itch) kaasoo uu qofku dareemo sida aad sheegtay markii uu qubeysto ama weeseesto isagoo aanan isticmaalin saabuunno ama shaambooyin ay dhici karto in uu xasaasiyad ka qaaday.

Waxaa cuncunkaan badanaa laga dareemaa gacmaha, lugaha iyo xagallada. cuncunkaan wuxuu qofku hayaa illaa 1 saac ama ka badamba.

Waxaa loo isticmaaloo kareemyo loogu talagalay in cuncunka ay joojiyaan oo la marsado qubeeska ka dib ama waxaa kaloo la marsadaa saliidda caruurta (baby oil), laakiin waa in jirka qallajisaa qubeyska ka dib.

Kareemka waxaan ka heli kartaa farmashiyaasha  waxaana loo yaqaannaa "capsaicin cream" ama haddii aad weydo waxaad isticmaashaa kareem anana ku jirin maadada "Lanolin" (lanolin-free Aqueous cream).

Mahadsanid
SomaliDoc