(http://www.umm.edu/graphics/images/en/19242.jpg) | Cudurka Carpal Tunner Syndrome waa xanuun ku dhaca neerfaha loo yaqaanno median nerver. Median nerve wuxuu quudiyaa gacanta dhinaca suulka xiga iyo lafada farood ee ku dhaggan. Neerfaha wuxuu maraa meel cariiri ah oo ay la maraan waxyaabo kale sida seedaha faraha ka shaqeysiiya, markuu neerfaha xanuunsado wuu bararaa markuu bararo wuxuu cadaadis kala kulmaa waxyaabihii kula jiray meeshii cariiriga aheed markaas ayuu neerfihii howlgabaa oo dhinacii uu quudin jiray ayaa dareen la'aan iyo in murqaha ay daciifaan lagala kulmaa. Waxaa la aaminsanyahay neerfaha in seedaha ay dhaawac gaarsiiyeen weliba ay u bdantahay dadka seedaha faraha aad uga shaqeyssiya sida dadka teebka ama kumbuyuutarrada wax ku qora. Xanuunka wuxuu u gudbi kraa gacanta qeybteeda kore illaa garabka, wuxuuna xanuunka u badanyahay haweenka tiro dhan 3:1 oo macnaheedu tahay 1 nin markuu ku dhaco wuxuu ku dhacaa 3 naag. taasoo loo aaneeyay in tunnel-ka haweenka inuu ka cariirisan yahay kan ragga. Calaamadaha waxaa ka mid ah xanuun, kabuubyo, iyo dareen in ay wax kugu socdaan ama cirbado lagugu mudayo oo kale. Weli fikrad buuxda lagama heesto sida neerfaha u dhaawacmo. |