Recent Posts

Pages: [1] 2 3 ... 10
1
Qaybta Su'aalaha / Re: Su'aal: Waxyaabaha sababa in dhiigu yaraado?
« Last post by Cali Asaaro on Today at 08:33:57 AM »
 Dhiiga yaraanta waxaa sasabo oo ugu wayn waa in ay kugu yaraato birta ama iron  ama in uu dhaawac ku gaaro uu dhiig badan ka baxo marka almuhim waxaa kuula talin lahaa inaad cunto cunooyinka ay jirto iron  oo aad ku dadaasho markaad wax cunayso inaa cunto isku dheeli tiran.
2
Wcs walal  biyaha oo aroortii la cabo faaidooyiin badan ayaa ku jira oo aan la soo koobi karin waxayna ka hortagaan cuduro aan daawo lahyn marka waxaan kuula talin lahaa inaad cabto aroor walba 1liitar oo biyo nadiif eh  waxba ha cunin hana cabin mudo 45daqiiqo  mudadaas kadib sida caadiga ahayd u cun una cab.
3
Wcs walal  hadaan isku dayo suaashada jawaabteeda waxay tahay, waxaad tiri cuncunka maan lahaan jirin markaan inanta ahaa markaan guursaday ayaan isku arkay waliba aroos cusub ayaan ahay baad tiri ,marka siday ila tahay waxaan umalayna infection uu kaaga soo gudbay dhinaca odeygaaga  marka waxaan kuula talin lahaa inaad dhaqtar general medecine ah u wada tagtaan labadiina si uu idinka baaro infectoin ama waxa sababay cudurkaaga cfmd ayaan kuu rajaynaa.
4
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Waxaan u malaynayaa in gooryaan caloosha iiga jiro?
« Last post by Indho on July 05, 2015, 08:05:26 PM »
Asc, ramadan kariim, waxan ahay wiil dhalinyaro ah, waxan shaki badan ka qabaa in parasite ama gooryaan caloosha igaga jiro, waliba kan magaciisu yahay entrabius  vermicularis, astaamaha aan isku arkay waxa ka mida, cuncun dabada ah, yalaaligo ama yakhyakhsi, caloosha oo marmarka qaar iska kay socota, waxyar ka dib cunada gaajo ayan dareemaya, hadana cuno badan ma cuni karo. Waan caatoobay oo waxad mooda inan jidhkaygu cunada nafaqo ka helayn. Hadaba suaashayda muhiimadedu waxa weeyi sidee lagu baadhaa parasite-kan aan isaga shakisanahay waayo under microscopy laguma arki karo ugxanta markaa qaababkale oo lagu baadhi iyo talo iyo tusaale caafimaadba waan idiinka baahanahay.waxaan ku noolahay wadanka Germany.
5
Qaybta Wacyi Galinta / Sidee ku ogaan karaa dhakhtarka aan u baahanahay?
« Last post by SomaliDoc on July 05, 2015, 02:39:04 PM »


Waa su'aal muhiim ah oo qof kasta oo xanuunsan is weydiiyo, waana mushkiladda ugu horreysa ee soo waajahda bukaannada ku nool wadamada aanan lahayn nidaam kaladambayn caafimaad iyo qaab xawilaad iyo la tashi saxan oo dhakhaatiirta ka dhaxeeyo.

Inkastoo Soomaalida lagu tiriyo dadka aad ula xiriira takhaatiirta, hadane aqoon ku filan uma lahan qaabka ugu habboon ay daryeel ugu raadsan lahaayeen arrimahooda caafimaad, midaan oo ka timid nidaamkii caafimaad raadinta oo aanan jirin iyo takhaatiirta takhasusaatkooda oo lagu wareeri karo.

Haddii aan halkaan dhowr tusaalo ku xuso iyo takhasusaatka lagu wareero oo aan u arko in ay muhiim tahay in la kala ogaado waa kuwan hoos ku qoran:

A- Psychiatrist, Psychologist, Neurologist iyo Neurosurgeon:  Afartaan takhasus oo aadka u kala duwan waa kuwa ugu badan ee soomaalida ay ku wareersan tahay, maxaayeelay badanaa waxaan aaminsan nahay hadduu qofka maskaxda ka buko sababtay rabto ha ahaato in intaan dhakhtarba kii la helaba uu caawin karo.

"Psychiatrist" Hadduu qofka dhimirka la'yahay oo uu qabo xanuunnada lagu tiriyo waalida maskaxda oo daawo in la qoro u baahan sida niyad jabka, isku-buuqa, skitsofreeniyada, cillada waswaaska, dhakaakaha iyo wixii la xiriiraba qofka ugu habboon oo aad la xiriiri karto ama takhtarkaaga guud kuu xawili karo waa "Psychiatrist", si aad psychiatrist u noqoto waa in aad marka hore iskuul caafimaad 6 sano ka soo baxdaa, tababar dhakhtarnimo soo martaa, kadibna taqasus ahaan aad u diyaarisaa maadadaan.

"Psychologist" Hadduu qofka uu leeyahay cillad xagga dhaqanka ah oo aan u baahnayn in daawo loo qoro oo lagu xallin karo wada-sheekaysi iyo isqancin iyo dabeecad badalis sida qofka laga daaweynayo ku walfidda maandooriyayaasha ama caado xun, xanaaqa siyaadada ah, cunno cunista siyaadada ah, hurdo socodka iyo wixii la mid ah waxaa ugu habboon oo howshiisa tahay "pychologist", si aad u noqoto psychologist uma baahnid in aad iskuul caafimaad soo martid waxaad soo baranaysaa madada psychology kadibna iyadaa ku sii taqasusi kartaa haddii aad u baahato.

"Neurologist" waa takhtar ku taqasusay cudurrada guud, kadibna kaga sii takhasusay cudurrada neerfaha ku dhaco waa dhakhtarka ugu habboon inuu daaweeyo cilladaha ku dhaca neerfaha sida Faaliga, Laleemada iyo xasuusta oo lunto, Qallalka, Qoorgooyaha noocyadiisa kala duwan, Madax xanuunada cudurka ah sida goonjabka, Cillada xididada maskaxda iyo kuwa kaaba.
Dhakhtarkaan badanaa waxaa kuu dirayo dhakhtarkaaga cudurrada guud ku takhsusay "physician", takharka neurologist waa qof iskuul caafimaad ka baxay, kadib sameeyay tababar iyo taqasus cudurrada dadka waaweyn ama caruurta kadibna kaga sii taqasusay xanuunnada neerfaha ku dhaco, waxaa jira takhtar neurolgist caruurta ah iyo takhtar neurologist dadka waaweryn ah, wayna kala duwan yihiin.

"Neurosurgeon" waa takhtar ku taqasusay qalliimada maskaxda iyo xangullaha waxaa loogu tagi karaa ama laguugu xawili karaa markii madaxa dhiig ku furto oo qalliin lagama maarmaan ay tahay, markii madaxa biyaha galaan si looga soo saaro sida caruurta madaxa wayn ku dhashaan, markii xidida maskaxda ay bararaan oo in ay dillaacaan ay dhici karto, burooyinka kala duwan ee maskaxda ka soo baxo, qalliinka dhaawacyada maskaxda iyo kuwa kale oo badan.
Takhtarkaan wuxuu ka soo baxay iskuul caafimaad, kadib wuxuu soo maray tababar iyo takhasus qalliinka guud, kadibna wuxuu kaga sii takhasusay qalliinka maskaxda iyo xangullaha, wuxuu takhtarkaan xiiseyn karaa ama xoogga saari karaa qalliinka maskaxda caruurta ama dadka waaweyn ama labadaba.

Maadaama ay adag tahay in aad tafaasiishaan aad ogaato si aad u doorato takhtarka aad u baahan tahay waa in aad la kulantaa dhakhtar guud, hadduu qofka xanuunsan uu caruur yahay, ka soo billaw dhakhtar caruur "pediatrician", hadduu qof weyn yahay ka soo billaw dhakhtarka cudurrada guud "physician", hadduu aad aaminsa tahay qofka inuu qalliin u baahan yahay ka soo billaw dhakhtar qalliin guud "General surgeon"
Waxaa laga yaabaa waxa aad ka cabanayso in intaasba ay kaa caawin karaan oo aadan u baahan in laguu gudbiyo dhakhtar kale.

B- Orthopedic doctor iyo Rhematologist: labadaan takhasus waa kuwa aad la isugu qaldo, wayna kala duwan yihiin daaweynta ay ku siin karaan.

"Orthopedic doctor" waa takhtar qalliin oo ku takhasusay qalliinka lafaha, waxay howshiisa tahay lafa-jajabka iyo burburka, xanuunada lafaha ku dhaco ee qalliinka u baahan sida burooyinka lafaha ku dhaco, qalliinka laabatooyinka sida kalabaxa, seed go'a, "Orthopedic doctor" waa takhtar ka soo baxay iskuul caafimaad, kadib tababar qalliinka lafaha soo maray oo takhasus ku soo qaatay.
Takhtarka qalliinka lafaha waxaad u baahan kartaa kaliya markii xanuunka kaa hayo kalagoyska uu gaaro heer qalliin sida riixa aadka u daran, buuxista lafaha sinta iyo xaalado kale.

"Rheumatologist" waa takhtar ku taqasusay daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka, murqaha, seedaha oo aan u baahnayn qalliin, xanuunada loogu tago waxaa ka mid ah roomaatiisamka, riixa, lafo-beelka, murqo-xanuunka, fibromyalgia iyo xanuuno kale oo tiro badan oo aan soomaalida aad aysan u garanayn, xanuunadaan qof kaga habboon takhtarkaan ma jiro waxaana kuu diri karo takhtar ku taqasusya cudurrada guud "physician" inkastoo hadduu physician-ka uu soo maray tababarkaas uu baahidaas uu dabooli karo maadaama takhasuska "rheumatology" uu ka mid yahay kuwa dhifka ah.
Waana sababta keentay in xanuunada roomaatiisamka aan u la tagno takhaatiirta qalliinka lafaha, waxaana ka habboon in aad ua tagto takhtar "physician" ah.

C- General practioner iyo Physician: Soomaalida labadaan takhasusba waxay u yaqaanaan dhakhtar guud, waxayse ku kala duwan yihiin waxyaabo badan.

"General practioner" waa takhtar iskuul caafimaad ka soo  baxay, kadib soo maray sanadkii tababarka dowladda u soo shaqeeyay ama isbitaalka jaamacadda soo maray, waxaa takhtar guud loo yiri inuu daryeeli karo ragga, dumarka, caruurta oo xanuunadooda wixii uusan daaweyn karin u gudbiyo takhaatiirta ka sarreysa.
Takhtarkaan waxaa dhici karto inuu daaweynta qeyb bulshada ka mid ah inuu jacelysto ama xiiseeyo oo in muddo ah ku soo dhex jiro sidaasne uu ula baxo magaca qeybtaas ama dadkaba ugu yeeraan sida dhakhtarka caruurta ama dhakhtar haweenka ama dhakhtarka qalliinka iyo wixii la mid ah, laakiin sida saxda ah jidkii takhasusyada loogu talagalay ma soo marin, waana takhaatiirta ugu badan ee ka howlgala dalka soomaaliya, takhaatiirtaan dunida kale looma ogola in ay furtaan xafiis u gaar ah illaa ay takhasus sameeyaan oo badana waxay ka shaqeeyaan xarumaha caafimaadka iyo isbitaalada ay dowladdu maamusho, wuxuu takhtarkaan awoodaa inuu barto takhsuska caruurta oo shahaaado ku qaato ama haweenka ama dadka waaweyn oo "physician" noqdo ama takhasusyo kale

"Physician" waa takhtarka kore oo soo maray dhowr sano oo tababar cudurrada guud ee ku dhaca dadka waweyn wuxuuna soo bartay daaweynta cudurada maskaxda, feeraha, wadnaha, uur ku jirta, maqaarka iyo qeybaha kale ee jirka. sidaas ayaana loo yiri tahktar cudurrada guud, isla takhtarkaan wuxuu awoodaa inuu qeybahaas mid ka mid ah ku sii takhasuso sida wadnaha waxaa markaa la oronayaa "Cardiologist" ama neerfaha "Neurologist" ama uur-ku-jirta "Gastroenterologist", takhtarkaan ma sameeyo qalliin.

D- Nephrologist iyo Urologist: labadaan takhasus iyagane aad ayaa la isugu qaldaa dad badan oo ku wareersane waan arkay.

"Nephrologist" waa takhtar ku taqasusay cudurada ku dhaca kilyaha oo aan qalliinka ahayn waxaana ugu horreeya badanaa cudurrada keeno in ay kilyaha ay howlgabaan oo dhaqis u baahdaan ama in la sifeeyo, waxay badanaa isla shaqeeyaan takhtar ku taqassusay cudurrada guud "physician". haddii aad leedahay cudur macaan / Sonkorow, dhiigkar ama cillad kale oo kilyahaaga dhaawici karto ama aad isku aragtid in shaqada kilyahaagu ay liitaan, takhtarkaaga guud wuxuu kuu xawili doonaa "nephrologist". haddii aad aamisan tahay in kilyaha lagaa hayo waa in aad marka hore takhtar "Physician" soo martid si uu kuugu hago labadaan takhtar midka aad u baahan tahay.

"Urologist" Waa takhtarka qalliinka kilyaha iyo kaadi mareenka, haddii kilyaha dhagax kaaga jiraan, haddii qanjirka (ragga) borostaatada uu bararan yahay, haddii ibta kaadida ay ciriiri noqoto, haddii buro kilyaha kaaga taallo ama haddii xubinta ragga aad qalliin uga baahan tahay waa takhtarka aad u baahan tahay in aad la xiriirto.

E- Takhasusyada isla shaqeeyo oo aan la kaa sooci karin: Waxaa jiro dhowr takhasus oo aadan kala sooci karin oo labadaba in aad hal mar u wada baahato ay dhici karto oo ay iska kaashadaan takhaatiirta, kuwaan uma baahnid in aad adiga kala ogaatid ee takhtarka gacanta kugu hayo ayaa kii ku habboon la tashan doono.
Waxaa ka mid ah haddii aad feeraha, wadnaha am uur ku jirta aad ka xanuunsan tahay, waxaa laga yaabaa in xanuunkaaga ay ku filan tahay daawo oo aadan u baahneyn qalliin sidaa awgeed xanuunkaaga heerka uu marayo ayay ku xiran tahay. tusaale ahaan haddii aad wadnaha ka xanuunsan tahay waxaa laga yaabaa in "Cardiologist" uu kugu filan yahay oo ah takhtarka wadnaha daaweeyo, haddii xaaladaada liidato oo qalliin u baahato waxaad u baahanahaysaa takhtar qalliin oo ah "Cardiothoracic surgeon", sidoo kale caloosha ayaa ka xanuusan tahay, waxaa laga yaabaa in daaweyn takhtarka "Gastroenterologist" in ay ku anfici wayso oo aad u baahato dhakhtar qalliinka caloosha ee "Gastroenterology surgeon".

Marka doorashada takhasusaatkaan waxay ku xiran tahay xaaladaada iyo heerka ay marayso.
Tusaale kale waa xanuunnada ku dhaca dhuunta sida cillada qanjirka thyroid-ka, waxaa laga yaabaa in "pysician" oo xaaladaada ku filan aad hesho, ama uu kuu xawilo takhtar "endocrinologist" oo ah takhtar ku taqasusay cudurrada hormoonnada ku dahca sida thyroid-ka, ama uu kuu diro takhtar qalliin dhagaha, sanka iyo cunaha ku taqasusay oo la dhaho E.N.T doctor, dhakhtarkaan waa takhtar qalliin oo qalo tusaale ahaan xanuunada ku dhaca sanka sida hilibka sanka ka soo baxo, dhuunta sida burooyinka dhuunta ku yaallo, quumanka ama dhegta sida dheg-dillaaca iyo wixii la mid ah.

Taladaydu Waa: in aad takhtar guud mar kasta ka soo billawdo maadaama aadan aqoon u lahayn in aad kala xulatid dhakhtarka ugu habboon xaaladaada, takhasus kastane wuxuu salka ku hayaa takhasus guud, tusaale ahaan xanuunada ku dhaca dadka waaweyn waxay marka hore ka soo billaabaan "Physician" oo takhtar cudurrada guud oo ku hagi karo haddii uu u arko xaaladaada in ay xawilitiaan ama la tashi u baahan tahay, sidoo kale caruurta waxaa ka soo billaabaysaa takhtar caruurta oo guud "Pediatrician" isagaa kadib takhasuska aad u baahan tahay kugu hagaajin karo, sidoo kale takhtarka qalliinka guud isagaa kuu wareejin karo wuxuusan awood u lahayn sida qalliinka maskaxda, wadnaha iyo wixii kaloo la mid ah.
Waxaa dhacdo marmarka qaar adigoo ka soo billaabay takhtar takhasus gooni ah leh in xanuunkaaga uu mar dambe helo takhtar guud, sababtane waxay tahay in takhtarka takhasuska goonida ah muddada ku shaqeynayay in uu dhakhso garan waayo xanuunadii aanan takhasuskiisa shaqo ku lahayn wayna dhacdaa, sidaa awgeed meel hoose ka billaw si waqtiga iyo qarashkaba kuugu dhaqaaloobo.
Way dhici kartaa in aad la kulantid dhakhtar cudurrada guud ah, hadane takhasus ku leh qeyb oo labadaba ku shaqeeyo.

Siyaabaha qaldan ee takhaatiirta aan ula xiriirno?
1- In go'aanka lagu dhiso warbixin qof bukaan ah inuu daawadii uu soo qoray takhtar hebel uu ku fiicnaaday, tan dhibka ay keeni karto waxay tahay in labada xanuunsan ee is wareysanayso aysanba isku xanuun ahayn, waxaaba mararka qaar dhacdo markii la sheekeesto in daawada xitaa la isla isticmaalo oo halkaa dhibaato kale ka timaado.
2- In xayeysiin takhtareed aad go'aankaaga ku dhisto, maxaa yeelay caafimaadka wuu ka reeban yahay in qofka takhtarka ah in uu is xayeysiiyo, qofkii aqoontiisa iyo farsamadiisa ay fiican tahay xayeysiin uma baahna, sidaa awgeed ma habboona in takhtarka uu iska baahiyo raadiyaha ama tv-yada, adigane in aad rumayso wax kasta oo la sheego sax ma ahan, waa la ogol yahay in isbitaal la xayeysiiyo ama daryeel cusub oo bulshada lagu soo kordhiyay, sababta loo diidan yahay in qof takhtar ah is xayeysiiyane waa labo sabab:
1-aad in aysan takhtarnimada ganacsi aysan noqon
2-aad in qofka aanan loo saarin awoodda rabbi oo caafimaadka gacantiisa ku jirto, takhaatiirta daawo ayay qoraan, laakiin caafimaadka iyo bogsashada eebbe ayay u taallaa sidaas awgeed ma noqon karto arin takhtar uu ku faani karo ama isku xayaysiin karo in uu reysiiyay ama daawadiisa iyo qalliinkiisa ay yihiin kuwo lagu guuleysto.!
3- In takhtarka qabiil iyo jufo ahaan loola xiriiro, waa dhib heysata bulshada waxaa laga yaabaa in bukaanka uu ku kalsoon yahay takhtar isku jufo ay yihiin iyadoo isla magaaladaas laga helikaro takhtar kaga aqoon badan xanuunka uu qofkaas ka cabanayo.
4- In da' lagu doorto takhtar, waana arrin jirta oo dad badan aaminsan yihiin in labadii qof kii da' wayn inuu aqoon badan yahay, taasina ma ahan mid sax ah waxaa dhici karto qofkaa da'da yar inuu ka aqoon badan yahay ama kaga ogaansho badan yahay wixii caafimaadka ku soo kordhay ama farsamooyin cusub oo ka badiyo qofkaan wayn oo laga yaabo in aqontii hore uu weli ku shaqaysanayo waana cilad heysata dhalinyarada takhasusaatka qaatay iyagoo da' yar oo dib wadankii ugu soo laabtay, sidaas awgeed da'da laguma qiimeeyo aqoonta iyo farsamada qofka uu leeyahay.
5- In takhtarka lagu doorto wadanka uu wax ka soo bartay ama jaamacadda uu ka soo baxay, tani waa sax in shahaadada uu qofkaas wato in ay magac leedahay laakiin xaggii aqoonta iyo farsamada qofka shaqo kuma lahan, khaasatan waxaa la arkaa qofkii ka yimid wadan awood iyo ogolaansho u siiya ardadyda caafimaadka barato iyo kuwa takhasusaatka diyaariyo fursad la tacaalid bukaanka ka badan qofkii ka soo baxay wadan la aaminsan yahay inuu hormaray, waxaa intaa sii dheer dhakhtarka aqoonta u leh meesha aad ku nooshahay iyo cudurrada ku badan iyo siyaabaha loo daaweyn karo wuu ka aqon badan yahay takhtar ka soo shaqeeyay ama wax ku soo bartay wadan aanan isku deegaan ama isku xanuuno aanan ahayn.

Ku dooro takhtarkaaga arrimahaan:
1- Takhtar kuula dhaqmayo si xushmad iyo ixtiraam ku jirto.
2- Takhtar jecel inuu dhagaysto ra'yigaaga iyo waxa aad ka cabanayso.
3- Takhtar kugu dhiirigelinayo in aad su'aalo weydiisid.
4- Takhtar kuugu sharxayo waxkasto qaabka aad u fahmi kartid.

Takhaatiirta leh sifaatkaan kor ku xusan waa kuwa ku guuleysta shaqadooda takhtarnimo, takhaatiirta waxay u badan yihiin sida la aaminsan yahay dad kibir badan oo aan bukaanka fursad siinin ay wax ku sharxaan maadaama takhtarka noocaan ahi uu aaminsan yahay inuu wixii bukaankaas dan u ah uu isaga garanayo kaliya, inuu u sharxane aysan muhiim u ehayn, waxaa dhici karto dhakhtarka noocaan ah inuu dhibsado su'aalahaaga ama kuula dhaqmo qaab qof aanan fahmi karin waxa uu rabo inuu kaa daaweeyo...

Waxaan aaminsanahay haddii aad arrimahaas ku qiimeysid takhaatiirtaada in aad si raaxo leh u samayn kartid xiriir wanaagsan adiga iyo takharkaaga, waliba ku dadaal takhtarka aad arrimahaan ku raadinayso inuu yahay takhtar guud oo aad si joogto ah xiriir idinkaga dhaxayn karo wixii kugu soo kordho adiga ama qoyskaagane talo fiican iyo takhtarkii aad u baahan tihiin idinka la talin karo.

Haddii aad ku wareersan tahay takhtarkii aad la xiriir lahayd, halkaan nagu soo waydii: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

Caafimaad baan idiin rajaynayaa
http://somalidoc.com
6
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Waxyaabaha sababa in dhiigu yaraado?
« Last post by Mohamedalhashi on July 05, 2015, 01:06:13 PM »
Asc somalidoc ramadaan mubarak waxaan allah idinka beryayaa inuu xasanaadka aad ummada u haysaan idin ka abaal mariyo jannatul  fardaws ayaan idinku ducyna INTAAS KA DIB WAXAAN LEEYAHAY DHIIG YARI JOOGTO AH WAXAANAN HALKAN KA AKHRISTAY QORAAL KU SAABSAN DHIIG YARIDA IYO ASTAAMAHEEDA MARKA WAXAAN IDINKA CODSANAYAA INAAD II SHEEGTAAN WAXA KEENA DHIIG YARAANTA.
7
Meel kaleba haka doonin!.

Anigan kula hadlaya ayaa xanuunsaday sanadkii 2007, waxa igu dhacay welwel, runtii waan garan waayay waxa i haya, ka bacdi waxaan kusii mashquulay xanuunkan aan garan'la ahay
halkaana waxa igaga kii korodhay diiqad, welwel hor leh iyo niyad-jab.

waan shaqayn kari waayay, aniga uun baa iska fekerayay.

waxa ka ii geeyay cilaaj wuxuu igu miisay dhir wuxuu igu dhejiyay electronic, waxba isma bedelaan.

cilaajkastaba markaan mudo ku wareego ee waxba is bedeli waayaan ayaan ka tagaa oo waxaan qabtaa mid kale oo cusub,
isaguna koow buu kasoo bilaabaa.

adigu markaan mudo sadex sano ah dhirtii isku gurayay ee ay waxba i tari waayeen, ayaa maalintii dambe waxa la ii sheegay shiikh meel jooga oo aan isagu dadka dhirtan badan siinin oo baadha uun.

waan u tegay, qur'aanka kariimka ah ayuu igu akhriyay, dhawr arrimood oo kale oo uu wax ku baadhana wuu i marsiiyay, wuxuu igu yidhi: waar  hadaad run doonaysid canuun cilaaj kuma hayee orod dhakhtar u tag.

Shiikh daacad ah buu ahaaye markuu intaa igu yidhi waxa iga degay culays aan ku qiyaasi karo 30kg oo sonkor ama bariis ah culayskood. ilaa waxa la iga dhaadhiciyay waxaad qabtaa jin, sixir iyo il'e.

qolyaha hore dhibaatada ay ii gaysteen ee ah dhirta noockasta leh ee ay igu miisayeen iyo qarashka igaga dhammaaday waxa ii dheeraa niyadda oo ay iga dileen, iyagoo iga dhaadhiciyay in aan qabo jin, sixir, il iyo waxyaabo badan oo ay dadku qaldaan.

Markuu shiikhii sidaa igu yidhi ayaan la xidhiidhay dhakhtaro aan la shaqayn jiray lkn iyaga laf ahaantoodu waxay isaga badnaayeen GP oo xanuunkan aadba umay fahmayn, iyaguna waxay ii qoreen dawooyinka dejinta ee hurdada badan.

inkasta oo ay naxdintii badnayd iyo cabsi gelintii cilaajyadu iga ba'day oo aan seexday, hadana welwelka waan sii dareemayay.

anigoo iska jaah-wareersan ayaan la kulmay webkan somalidoc.com,
waxaan galay qaybta xanuunada maskaxda.

markaan xoogaa akhrisanayay ee aan ogaaday in xanuunada maskaxdu aad ugu eegyihiin kuwan cilaajka, ayaan bilaabay in aan su'aalo idin waydiiyo.

In muddo ah markaan hadba su'aal idin waydiinayay ayaan fahmay xanuunka i hayaa nooca uu yahay, wuxuuna noqday OCD (obse. Combulsive disoder).

Maalintaas baa dhulka la i dhigay oo aan noloshaydii caadiga ahayd kusoo noqday oo shaqaystay oo niyadii ii degtay oo aan nefisay.

markasta waan idiin duceeyaaa walaal. alle kurbooyin aduunyo iyo kadeed aakhiro idin ma tuso, aduunka raaxo ku noolaada aakhirana jannada firdowza alle haydinku abaal mariyo.
8
Qaybta Wacyi Galinta / Re: Wax ka baro Ilka-baxa iyo Ilka-dawacada
« Last post by Darmaan123 on July 05, 2015, 08:53:23 AM »
Marka hore walal waad mahadsan tihiin.

Intaa ka bacdi walal dadka ilka-dawacda aaminsani waxay had iyo goor daliil ka dhigtaan oo ay dadka kale tusaan mararka qaar ilkaha ilmaha yar oo usoo baxa iyagoo jaale ah gaar ahaan miciyaha ay yidhaahdaan ilka dawacadaa gasha.

Dhawr jeer baan arkay miciyaha caruurta oo yellow noqday iyagoo weliba burbursan.

Miciyuhu waa ilkaha gawsaha ku xiga ee ay caruurta ka saaraan dadka ilka dawacada ayidsani.

THANK U BRO.
9
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?
« Last post by Mayusuf on July 05, 2015, 03:11:50 AM »
Waxaan ahay gabadh xaasa waxaan qabaa su'aal, waxaa jiro cuncun joogto ah oo iga haysto xubinta taranka cuncunka ma istaagayo ilaa aan biyo kulul ku istijaysto markaan, sidaa sameeyana wax xoogey buu iga go'naanayaa hadana dib ayuu ii bilaabayaa, cuncunka waa saayid waana inaan xoqaa xubinta hadii aanan iska ilaalina waxaan sababayaaba inaan garaafo gaadhsiiyo marmar dhiig keeni karta afka hore / dibnaha, cuncunka wuxuu si jira ilaa hoosta fog ee farjiga.

waxaan rajeynayaa jawaab waafiya, oo sheegeyso sababta keento, iyo waxa lagu daweyn karo.
dadeyda waa 25+, waxaanan ahay xaas cusub mudo bilo ah horena umaan lahaan jirin markaan inanata ahaa.
10
salaamu calaykum,

Doctor Ramadan Kariim.  walaal in  muddo ah ba waxaan la liitay xanuun qoorta iga haya oo ilaa nerve ha indhaha soo galla oon xanuun aad ah ka dareemo.  kadibna aan noqonayo sidii qof kacsan oo libiqsiga indhaha igu yaaranayso, indhaha dhabarkoodana xanuun saa'id ah baan ka dareema. halka dhafoorka iyo halkeeda ku beegan ee dambe (qoortana kasoo saraysa) iyagana xanuun aad ah baan ka dareema.  inta badan markaan biyo kulul saaro oon ku kubeeyo halkaa qoorta ama aan duugo in saacado ah ayaan nafisayaa. 

halkaa qoorta waxaan ka dareema meel aad nabar moodo oo xanuun badan. markaan duugayana, waxaan dareema xanuun badan oon ka dareemo ilaa nerve-yasha indhaha soo galla. 

nabarkan waxa u igu bilaamay wakhti aan qoortu markay iskay gasho aan dhawaq qac-qac ah ka siin jiray anoo qoorta hadba dhinac si deg-deg ah u jebinaya.  waxa kaloo aan dareemi jiray intaanu nabarku soo wada bixin markaan qoorta jabinayo sidiiyo electricity qoortayda ka baxayso oo ilaa madaxa saree gaadhsiisan.  umaan joojin ee waan iska wadan jiray qoor jebistayda ilaaa aan dhibtan kala kulmay.

su'aashu waxay tahay Doctor  labadan xanuun Osteoarthritis iyo Fibromyalgia midkee i haya?
mahadsanid
Pages: [1] 2 3 ... 10