Recent Posts

Pages: 1 [2] 3 4 ... 10
11
Qaybta Su'aalaha / Re: Su'aal: Chronic Inflammation?
« Last post by SomaliDoc on November 17, 2019, 12:42:47 PM »
daawooyinka hurka iyo balbalka hoos u dhigo ee "anti-inflammatory" waa sax, way waxyeello badan yihin haddii la joogteeyo, laakiin haddii qiyaas lagu qaato oo dhakhtarka taladiisa la raaco dhib ma keento, marka taasi ha ka welwelin ee talada dhakhtarka raac...

midda kale daawooyinka steroid-ka oo ugu badan kuwa loo isticmaalo "inflammation-ka" waxtar bukaanka dhakhso uu dareemo way leeyihin, laakiin dhibkooda wuxuu yimaadaa markii si khalad ah loo cuno ama la joogteeyo.
12
Qaybta Su'aalaha / Re: Su'aal: Saameynta push upka?
« Last post by SomaliDoc on November 17, 2019, 12:40:39 PM »
Push-up waa nuuc ka mid ah jimicisiyada lagu dhiso murqaha gacmaha iyo xabadka, wax dhib ahne ma keento illaa inuu qofka horay uga xanuunsanaa seedaha iyo murqaha mooyee, taasoo jimicsigaasi uusan xamili karin.
13
Qaybta Su'aalaha / Re: Su'aal: Madax kala guurka?
« Last post by SomaliDoc on November 17, 2019, 12:39:37 PM »
Wcs walaal,

1- Calaamadaha lagu garto madax-kala-guurka ka akhriso qoraal aan horay ugu faahfaahinnay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3834.0

2- Pressure-ka indhaha ku dhaco waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Glucoma", waxa keeno iyo sida loo daaweeyaba ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0

3- Waxyaabo badan ayay noqon karaa qaabka loo haayo xaaskaaga, waxaa fiicnaan lahayd in la waraysto oo baaritaan loo diro si loo ogaado waxa keeni kara astaamaha ay ka cabanayso ee fadlan dhakhtar u gee.
14
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Myasthenia Gravis?
« Last post by Nalka3803 on November 14, 2019, 09:26:25 PM »
Asc walal somali doc ahead umahadsantihin  waxanqaba sual adinko mahadsantahey  waxan ahey bukan muda xanunsanay tabardari curyamisay anakwada qof gacmaha lugaha dhunta afka carabka bishimaha damanka ay awodlahey mayd cml muda 5yrs cuuryan an waxbo dhamin dhaqtarkasto an utagoh idhaho waxadqabtid malahan mRI laysaray waxmaqabtid hada ayaa ano quustay dhaqtarki neorology utagay waxu idhahey cudurkan qabta murqaha kudhaco murqaha grves wana cudur an ciyow lafahmin nairobi xita wan tagay wax maqabtid idhahe adanku imaday xitaa w
Thyriod unbad iga bartay hada waxan jogah wadanki baritankisa mayaloh  dawane mataloh cunugan nujinayey naski wankjaray dhuntiya waxka cuni wayey carbki wakahadliwayey indhah isha barkeda xitA isodhacday hada dawan qatah iqorey wadanlabo lagahelin doseka dawad imasaxno madamo baritanka ujirin adanku ronaday dawadi lkn qof wax qabsankarto ma ihi hadan howl yar qabto tacbN noqona  maran hawo gadis aday isk ficnaday mudane qurnsara lay geyn jirey  walaygaladaley hada unban p.a. ogaday cudurkeyga labo bil kahor waxi informatiom dheri ah iyo talo inan Nairobi kahelaa baritankisa iyo imune systemla dhaqdis am a thymusgland qalinlisa dr ado  mahadsan jwab degdeh lasugah
15
Qaybta Su'aalaha / Re: Su'aal: dhuuso badan iyo aaryo caloosha?
« Last post by Aidarus Mohamed on November 13, 2019, 06:15:11 PM »
Walaalayaal calaamadaha aan post-gii hore ku sheegay waxan ka ilaabay labo calaamadood oo kala ah;-
1:- Dhuuso badan
2:- aaryo caloosha ku wareeganeyso

Mahadsanidiin jawaabtiina insha allh waan sugayaa
16
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: dhuuso badan iyo aaryo caloosha?
« Last post by Aidarus Mohamed on November 13, 2019, 05:44:49 PM »
Asc walaalayaal
Wll si aad ufahamtaan xanuunka aan ka tabanayo  waxan rabaa in aan idiin sheego min bilaabo ilaa hada.
Xanuunkan waa caloosha waxa uu hada ihayaa ilaa 8 bilood wuxu igu dhacay anigoo jooga hargeisa xanuunka caloosha wuxu ahaa soo boodo mar umbaa caloosha leyga qabtay qabasho xad dhaaf ah marka calaamadaha aan isku arkayay marka caloosha leyga qabto waa sida tan:-
1:- Calool xanuun saaid ah
2:- matag
3:- saxaro kolba si ah midabkeeda mar waa jileec oo uu mucus ama dareer ku dahaaran yahay, mar waxa dusha ka saaran wax aad muudo candhuuf oo kala ah, mar waa madoow xigeen aan saaid aheyn yacnii madow qafiif ah, marne saxarada ayaaba igu dhageysay oo markan suulida tago waxbo igama imaaneynin.
4:- Kaadi badan oo habeynkii ah
5:- Caajis farabadan oo aan rabo in aan guriga iska joogo
6:- walwal aan aqoonin meesha aan ka walwalaya(walwalkan wuxu yimaadaa malmaha aan xanuunsanahay).
7:- shuban saaid ah oo aan fuuq baxayo

Kadib waxan utagay isbitaal weyn waxey iga qaaden dhiiga, saxarada, computer calooshane weey isaareen wax aay iga sheegeen ma jirto oo waxey igu yiraahden waxbo ma qabtid xitaa wn ka weynay bacteriyadii keeneysay gaas-ka, parasite-yada caloosha, gooryaano, dhiigar, sokor, hepatitis-ka waxbo ma qabtid ayeey igu yiraahden ee waxan ku gelineynaa tumbada caloosha si aan u,ogaano dhibka jira kadib tumbadii ayaan walaac ka muujiyay waana iska diiday maadama meesha aan deegan ku aheyn, bil kadib hadane waa leyqabtay caloosha si xad dhaaf ah malab ayaan iska isticmaalay iyo biyo diiran waan ka yara nafisay, kadib hargeisa waan ka soo tagay waxan imid Xamar waxaan bilaabay in aan badalo qaabkii aan unoolaaa yacnii waxan joojiyay raashinada qaar sida 1: digirta, heeda, caana geela, basbaaska, canjeerada, xilibka lashiilay, raashinka aay saliidu ku badan tahay, raashinka aay cusbada ku badan tahay ama dhanaanka ah, liin dhanaanta, cabitaanada gasacadeysan ee acid-ka ah, kaluunka gasacadeysan, kuwaan waxan aaminsanahay in aay qeyb ka yihiin in aan dareemo calool xanuun saaid ah aayna igu kiciyaan xanuunka, kadib raashinkan aan kor kusoo sheegay markan joojiyay ayaan waxan bilaabay in aan subaxdii isticmaalo Galeey isheeda qabto oo lasoo shiiday oo boonshaha ku badanyahay soor ahaan bn u,isticmaalayay waxan waday mudo 2 bil ah inkasto hada aan yara joojiyay lkn dib bn ubilaabaya, waxyaabaha aan isaga dareemay waxa ka mid ah waxa iga yaraaday
1: calool xanuunkii saaidka ahaa
2:- matagii aan matagi jiray marka caloosha leyga qabto
3:- Shubankii saaidka ahaa lkn wali waxa jira dheecanka, iyo candhuufta ku dahaaran saxarada, saxarada aan iska waayo mararka qaar, saxarada oo jajab noqoto

Markan badalay qaabkii aan unoolaa oo aan joojiyay raashino badan waxaad moodaa hada in aan sidii hore dhamaamo dhanka calool xanuunka marka calaamadaha hada ama wali baaqi igu ah waxaa ka mid ah
1:- Raashiinada qaar markan taabto sida digirta ama heeda ama basbaaska ama cabitaanada aashitada leh waxan xanuunyar oo qafiif ah oo kala fogfog aan  ka dareemaa qeybta hoose ee dhanka midig caloosha
2:- Saxarada mar waxa lasocda dheecan gibigeedaba ku dahaaran, marne waxa lasocda wax aad moodo candhuuf kale ah, marne saxarada waa jajab oo waxey soo baxeysa ayadoo jajab ah aan isku xirneyn marna markaan suulida tago saxarada wn iska waayaa.
3:- Walwal aan caadi aheyn inta lagu guda jiro maalmaha xanuunka uu ihayo waana midka iigu daran hada oo wuxuu iigaga daran yahay qabashada caloosha aad moodo in aaysan aheyn sidii hore markan badalay qaabkii aan unoolaay.
4:- maalmaha uu xanuunka ihayo waxa badan qarowgeyga

Fiiro gaar ah:- hada waqtiga lajoogo xanuunkan markuu igu kaco wuxu ihaya mudo isbuuc ah ama laba isbuuc kadib nolosheyda caadi ayeey ku soo noqoneysa walwalkane wuu iga baaba,ayaa.

Fiiro gaar ah:- waxaad moodaa caalamadaha xanuunka in uu kolba si tartiib tartiib ah isu badalayo.

Fiiro gaar ah:- walaalayaal waxa iigu muhimsan oo uu caafimadkeygane ka bilaabankaro waxan aaminsanahy in aay tahay in aan shaki baxo oo aan ogaado xanuunka aan qabo dadka qaar baa idhahaya waxad qabtaa gaas calooled, qaar waxkaleey sheegayan marka in aan shaki baxo ayaan aaminsanahy in uu cafimadkeyga ka bilaabankaro
17
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Stroke ayaa ku dhacay?
« Last post by Feysalhaji on November 13, 2019, 03:12:42 PM »
Assalamu alikum Dr aabbe ayaan ka keenay UK muddo 1 yr laga joogo markii aan dalka keenay jimicsi in muddo ah markii aan ku waday ayuu iga diiday age-kiisana waa 76 sanno Stroke ayaana ku dhacay London isaga oo joogo 2010kii mana socon karo xiligaas ilaa hadda kadib dalka markii aan joogay ayaa DVT uu kaga dhacay lugta bidix cirbado Heparin ah ayuuna ka qaatay muddo saddex bil ah daawadii ayadoo saddex bil ka dhimantahay wuu diiday cirbadaha maxaa Alternative ah maxaa halis ah oo ka imaan karo hadii aan daawada DVT siin ?
18
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Cuncun ba'an ayaa i haayo?
« Last post by Jabra11 on November 12, 2019, 05:54:29 AM »
Waxaan salaamaya dhamaan bahda webset-kan SomaliDoc salaan bacdigeeda mahadi ha ka gaarte dadkii aas aasay webkaan iyo intii fikirkeeda lahaay iyo dhamaan dhaqaatiirta sharafta iyo cisiga mudan oo u heelan 24hours in ee bulshadooda ka haqabtiraan bahyaha dhanka cafimaadka hadii su'aasheydi u guda galo



dittore waxaa cuncun ba'an igu haayo oo in mudo ah daawo u la'ahay oo xita hadii dhaqtar u tagay oo wax is badal ahna aanan ka arkin dhagaheeyga marka waxaan codsanaaya waxii daawo tallo iyo tusaalaba oo ii horseedi karo caafimaad  waadna ku mahadsantihiin adeega fiican aad bulshada soomaaliyeed u heysaan
19
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Sanboorka markuu igu dhaco?
« Last post by Amina abdirahman on November 10, 2019, 08:26:37 PM »
Asc DR
Waxaan qabaa xasasiyad/sanbor marku igu dhaco wxuu isku badalaa hargab kadibna wuxu isku badalaa burukito ee maxa sababa
Maxase igula talin ina sameyo
20
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Beerka wuu i xanuunayaa?
« Last post by Baarqab106 on November 10, 2019, 08:03:42 PM »
Asc Dr Wxan Ku Weydiinaya Gabar Ila Dhalaty Wxe Ka Sheganaysa Beerka Oo Wu Xanunaya Cunadiina Wey Ka Hortimid Oo Cuno Ma Rabto Ine Qadato Lablabona We U Dheertahy Mrka Mxa La Dhihi Kara Waxas Oo Lagu Magacaba Dre
Pages: 1 [2] 3 4 ... 10