Recent Posts

Pages: 1 2 [3] 4 5 ... 10
21
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Laserka lagu bab'iyo dildillaaca maqaarka?
« Last post by Yasiincali on July 06, 2019, 10:21:10 AM »
Asc suaal yar laserka stretch marks ama dildilaaca lagu baa biyo Somalia malaga helaa
22
Qaybta Wacyi Galinta / Cabsida iyo Welwelka Xilliga Roobka.!
« Last post by SomaliDoc on July 05, 2019, 01:11:12 PM »


Bismillah,

Casharkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay cillad nafsi ah oo dad badani qabaan, laakiin aysan badanaa soo hadal qaadin maadaama ay ka cabsanayaan in lala yaabo, sababtoo ah waxay dareemaan welwel, diiqad iyo culeys nafsi ah markuu jawiga roobka la dareemo meesha dadka kale ay dareemaan farxad iyo rayn-rayn.

Ogow kama hadlayo ka cabsashada biriqda, gugaca ama onkadka taasoo ah cabsi dabiici ah oo qof walba dareemi karo, laakiin markuu daruuraha is qabsadaan oo saxansaxada roobka la dareemo ayaa waxaa qofkaasi ku soo daga welwel, cabsi, diiqad iyadoo qofka u sawirmayso dhimasho iyo waxyaabo la mid ah, qofka ma jecla inuu kaligiis joogo xilliga roobka, nalalka in la damiyo ma ogola, in meel fadhiyo ma ogola guriga ayuu dhex socsoconayaa inta roobka ka istaagayo.

Cilladaan oo dumarka ku badan waxay salka ku haysaa cilladda welwelka ama diiqda nuuca loo yaqaano "Generalized Anxiety Disroder", sababtuna waa jawiga roobka oo ka mid ah waxyaabaha cilladaan qofka ku kiciyo, faahfaahin ku saabsan cilladaan "GAD" horay ayaan cashar hore uga hadalnay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5901.0

Cilladaan ma ahan wax qofka ku raago, maadaama ay salka ku hayso cilladda diiqada, qofka wuu la qabsan karaa ama wuu ka gudbi karaa isagoo aan wax daawo ah qaadan, laakiin waxaa muhiim ah in qofka uu waajaho cabsida ku taagan, si uu isaga baab'iyo cabsidaan ku soo dagayso, inuu helo saaxiib ama ehel arintaan uu la wadaago si uu uga kaashado in cabsidiisa ay sal iyo raad toona lahayn, hadduu qofka roobka u bixi karo ama ku qubaysan karo waa talaabo fiican, haduuse saas samayn karin inuu is maaweeliyo ama wax akhrisiyo dhagaysi ku mashquulo xilliga roobka iyadane waxay ka qeyb qaadataa in maskaxda lagu tababaro inay la qabsato jawiga roobka.

Sidoo kale in Alle aad barasid inuu kaa qaado cabsiyada aad dareentid iyo waxyaabaha diiqada kugu kiciya waa arrin muhiim ah oo wax walba in laga hormariyo ay waajib tahay.

Ogow dad badan ayaa arintaan u fasira fulaynimo ama waalli laakiin taasi sax ma ahan oo waa cillad nafsi ah oo welwelka salka ku haysa, qofkane wuu ka gudbi karaa ee yaan niyadda lagaa jabin.

Midda kale adiga kaliygaa inaadan ahayn oo dad badani arrintaan kula qaba inaad ogaatid iyadane waa muhiim sababtoo ah dadka badanaa kama hadlaan arrimaha nuucaan ah maadaama ay ka cabsanayaa in lala yaabo ama dhimirka laga tuhmo maadaama wax dadka ku farxaan inuu qofka dhibsanayo.

Wixii faahfaahin ama talo dheeraad ah ee ku saabsan cilladaan nagala soo xiriir bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
23
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Kaniiniga Gliptus plus 50/1000?
« Last post by Samaara on July 04, 2019, 11:22:54 PM »
asc digtore waxan raba inan su all ku weediyo hooyadey ayaa mar dhaw sokor lagu sheegay wexey la xariirtay dhaqtar wuxu ushegay iney sokor qabto deedana wuxu u qoray dhaqtatkii daawada sokorta loo isticmaalo oo ay ka mid yihin cirbada laga qaato muruqa caloosha iyo kaniini magacisa yahay gliptus plus oo 1050mg ah marka Dr su aasha aan qaba wexey tahay qof hada dhaw sokor lagu shegay ma usticmaali karaa kaniin 1050mg ah.?
24
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Xanuun aad moodo qanjir barar?
« Last post by Maquste on June 29, 2019, 11:38:13 PM »
Asc ww dr waxaan isku arkay xanuun aad moodo qanjidh barar oo aan ka dareemayo saracda bidix oo waxaa idhibaya suunka hadii aan fadhiisto  xininta bidixna waxaan ka daremaya sidii inay ka soo durkayso xaga hoose oo aad mooda korka soo galayso balse wax saasa oo xanuuna kama dareemayo ee  balse way yara kabuubyotaa inta badan mar aan dr ka usheegayna wax dhiba ma arko ayuu igu yidhi ee maxaad iga siini lahaydeen idinka oo aad iyo aad ugu mahadsan wacyi galinta aad umadan uhaysaan WABILAHI TOWFIIQ
25
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Olole talaal ee cudurka meningitis?
« Last post by Ibrahim Abikar on June 29, 2019, 09:44:20 PM »
Asc Doctor, talka Kenya waxaa kasocta olola talal ee cuthurka meningitis. Talalka waxaa lasiiya tatka udaxeyo 1-29 sano. tatka qaar waxaay qabaan talalka waa lugumadalooba( way of family planning) marka daktari suasheyta; waxaas maxaa kajiro? maxaa talalka loosineynin tatka waweyn? .thanks
26
Qaybta Su'aalaha / Re: SU'AAL: DHIIGAYGA MARKAAN ARKO WAAN MIYIR BEELAA?
« Last post by SomaliDoc on June 27, 2019, 07:29:06 PM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga jawaabaynaa sababta ay dadka qaar markay arkaan dhiig ay u suuxaan ama miyir daboolmaan, cilladaasi waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Vasovagal Syncope" waana qeyb ka mid ah habdhiska neerfaha jirka taasoo markuu qofka la kulmo wax uu dhibsanayo ay neerfahaasi si xawli ah u shaqeeyaan, kadibne qofka wuxuu dareemaa wadne garaaciisa oo yaraado, cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco, kadibne qulqulkii gaari lahaa maskaxda ayaa yaraado, qofkane sidaasi ayuu ku miyir daboolmaa.

Arintaani waa loo kala nugul yahay oo dadka isku wada mid ma ahan, dad ayaa adkaysi u leh dhiigga, dadne urka dhiigga ayay ku qasmaan oo ay ku miyir daboolmaan, dadne aragtida ayayba ku suuxaan. badanaa cilladaani wax dhib ah ma keento oo qofka badanaa daawo uma baahdo, waxyar kadibne qofka miyirkiisa dib ayuu u helaa.

Astaamaamaha la dareemo:
Qofka cilladaan qabo, marka hore wuxuu dareemaa wareer, kadibne lalabo, kadibne aragga oo daciifo, kadibne qabaw iyo dhidid badan, kadibne hamaansi iyo aragga oo mugdi galo, qofkane markaasi istaagga ayuu ka dhacaa hadduusan seexan ama fadhiisan. daqiiqad ka dibne wuu soo naaxaa. waa muhiim qofka markuu soo naaxo in aan horay laga istaajin sababtoo ah jirka wuxuu u baahan yahay dhowr daqiiqo si cadaadiska dhiigga u saxmo, haddii kale qofka mar labaad inuu suuxo 15 daqiiqo gudahood ayuu halis ugu jiraa.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee keeno?
Waxyaabo badan ayaa keeno suuxdinta nuucaan ah, waxaa ugu caansan kuleelka saa'idka ah, aragga dhiigga, dhiig-shubidda, dareemista halis dhaawac iyo daalka xad-dhaafka ah.

Sidee looga hortagaa suuxdintaan?
Markaa dareentid astaamaha cilladaan ee kor ku xusan, waxaa qofka lagula taliyaa inuu dhabarka u seexdo, lugaha kor u qaado si qulquulka dhiigga uga kala joogsan maskaxda, sidaasne suuxdinta uga badbaadid.

Ogow ma jirto daawo looga hortago arintaan ama loo qaato, laakiin qofka wuu caadaysan karaa, wuuna la qabsan karaa aragga dhiigga hadduu dhowr jeer la kulmo, waxaana arintaan badanaa lagu arkaa ardayda caafimaadka baranaysa, kuwaasoo badanaa dib dambe la qabsada oo caadi noqdo.

Wixii faahfaahin ah oo aad u baahan tahay hoos noogu dhaaf ama noogu soo dir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

http://somalidoc.com
27
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Waxaa la igu sheegay overian cyst?
« Last post by Nasrin20 on June 24, 2019, 05:56:58 AM »
Asc waan idin salaamayaa bacda salaan suaal ayn ubahanhy in la iga shaafiyo
Fer 2019 ayaa waxa la igu sheegay ovarian cysty waxay igu dhahyn waa buru biyood aan dhib lahyn waxaan qaaty dawo 14 cisho ah alhamdullah waan ku ladnaday computrkii dambe ee isareyn wuu baa ba,ay idhahyn
Maanta oo tariikhda tahay 25 Apr 2019 ayn dhakhtr aaday waxn lahaa uur 7 weeek ah
Waa ilmahii koowaad wuxuu igu sheegay dhakhtrkii inee so laabatay boro biyoodkii wuxu idhahy waa in xaladeeda lala socdaa 25 may igu so laabo ilmaha wuu ficanyahy

Markaa doctr suaashyda waa wax dhiba ma uuleedahy ilmaha iyo ani caafimaadkyga plz iga shaafi inta aad aqoon uleedahay ado mahadsan

28
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Daawada TB da ma isticmaali karaa?
« Last post by Adamu on June 22, 2019, 06:28:09 PM »
Asc Bahda Somali doc
Su'aashaydu waxa weeye Daawada TB da ma isticmaali karaa aniga oo aan xanuunkaas layga helin si aan ugu naaxo?
Waayo waxaan ahay Caato qaliir ah?
29
Qaybta Su'aalaha / Su'aal Waxaan isku arkay cunno xumo?
« Last post by Jokar on June 20, 2019, 10:20:13 PM »
Waan salaamayaa dhakhtarka ilaahay hakaa abaal mariyo wakhtiga aad sida hagar la'aanta ah noogu bixiso digtoore.
Salaan kadib su'aashayda waxay tahay waxaan isku arkay xanuun kaas oo ah cunno xumo iyo oomateed la'aan aad u xun heer waxan gaadhay saddexda wakhti aanan waxba cunin siiba quraacda mar alle marka cunto la isoo dhiigo way isoo uraysaa siifad kadib waan yalaalugoon oo matag baa I qaban cuntooyinka sonkorkgu ku badan tahay aad baan u dhibsadaa doctor talo isiii maxaa ii dawo ah? Cudurkuse mxuu yahay?
30
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Xanun dhanka maskaxda ku saabsan?
« Last post by kaltun-dagan on June 17, 2019, 11:41:22 PM »
Asc wr wb dr waad salamantihiin salan kadb waxaan rabaa inaad iga caawisaan laba suaalood maskaxda kusaabsan mida koowaad waa xanun odeygega hayo oo in kabadan sedax jeer mudo sanado ah isku arkay taaso ah maskaxda dhanka midig isha ilaa margiga oo halmar xanun qabatin ah qabto taso lawarero uu xita lalabo qabato sido kale wadna garaac lasocdo intas daqiqada xanunka heyo uu la rafto suasheyda kowad wa midaas
mida labad wa mid aniga isku arkay mudo laba sano laga joogo isla maskaxda kusaabsan hore iskuguma arag waxaa umalenaa inu sababay maalintas kahor iskuma arag waxay ehed maalin qabow xun dhacayo jakad aan garbo leheen ayan kubaxay wan dagdagsanaa taaso kentay si xun inu garbaha igaso dhaco qabow marka guriga imid qabowga sida iskaga yareyo biyo kulul iskaga shubay garbaha maalintas kadb waxan isku arkay dhanka bidax maskaxda ilaa kelida oo kababyo okale kadaremo iyara cuslato int badan maskaxda marba dhinac culeskas kadaremi jirey ila dhegta wax iney kababyo yar kujirto oo kale ah anigo kamurgay armuu stroke yahay malmahas habaryarteyda isbital kula jirney cudurkas kudhuftay scan baan isa saaray wax maqabtid ayaa la idhahay markas kadb waxan kalo isku arkaa sida madaxa dhinac inu iqoyan yahay okale ama wax biyo kaso dadanayo qabow yar kadaremayaa marna mel nabar kuyaalo oo kale ayey ixanuntaa
mahadsanidin dr iga raali ahaada qoraalka idinku badiyay asc wr wb
Pages: 1 2 [3] 4 5 ... 10