Digirtu waxaa lagu tiriyaa cunnada faa'idada badan xambaarsan oo hadane la woodi karo.
Digirtu waxaa loo yaqaanaa "hilibka saboolada" sababtuna waa faa'idada u dhiganta hilibka ee laga helo digirta.
Digirta waxaa laga helaa 20 walxood oo jirka faa'ido ugu jiro waxayna kala yihiin" fitamiin C, fitamiin K, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B6, folic acid, kaalshiyam, birta, magniisiyam, fosfayt, bootaasiyam, zink, kobber, sleniyam, dufanka omega 3, omega 6, borotiin iyo tamar - intaasba waa nafaqo ku kaydsan digirta.
Intaas ka dib, faa'idada ay u leedahay jirka waxaa ka mid ah:
- Sun-saaridda (Antioxidant): digirta waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu badan ee laga helo walxaha sunta ka saaro jirka, diraasad lagu sameeyay 100 cunno oo laga helo maadadaan sunsaaraha, digirta ayaa ugu horreysay.
- Dheefshiidka: Digirta waxay ka mid tahay baalaleyda, waxaana ku jiro waxyaabo badan oo uroon caafimaadka dheefshiidka, digirtu way sahlan tahay in calooshu shiido, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka, waxay kaloo yaraysaa halista cudurrada wadnaha iyo kacsanaanta sokorta.
- Dhisidda lafaha iyo murqaha: Sida aan kor ku soo tilmaannay in digirtu geli karto badalka hilibka oo uu qofka kaga maarmi karo cunista hilibka hadduu heesto digir, sababtuna waa borotiinka ka buuxo, hal koob oo digir ah waxaa ka helaysaa 15 mg oo borotiin ah.
- Dhiig-yarida: Digirta waxaa ka buuxo birta, qofka joogteeyane isma arkaan dhiigyarida, waana sababta loogula dardaarmo hooyooyinka uurka leh iyo caruurta oo u baahan bir badan inay ku dadaalaan cunista digirta.
- Xasuusta: Digirta waxyaabaha ka buuxo waxaa ka mid ah fitamiin B1 oo loo yaqaano "Thiamine", fitamiinkaan wuxuu aad ugu roon yahay caafimaadka maskaxda, wuxuu kordhiyaa foojignaanta, xasuusta, wuxuuna ka hortagaa hurdo la'aanta iyo diiqada. waxaa kaloo la arkay in digirtu yarayso halista cudurka xasuusta lumiyo ee "Alzheimer's disease".
- Adkaynta lafaha iyo ilkaha: digirta waxay adkaysaa lafaha maadaama ay xambaarsan tahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin, waxay kaloo yaraysaa baruurta aan jirka faa'idada u lahayn, sidaasne waxay ku yaraysaa cudurrada wadnaha ku dhaco.
Digirtu waxay ka mid ahaan jirtay cunnooyinka ay aad soomaalida ugu dadaalaan khaasatan xilliga cashada, caafimaad badane way ka heli jireen, laakiin waxaad mooddaa inuu isticmaalkeedu ku sii yaraanayo magaalooyinka, inkastoo waalidka uu badanaa ogyahay faa'idada ku jirto laakiin digir nacaybka waxay badanaa ka timaadaa caruurta iyo dhalinyarada, waxaana jiro dad badan oo aaminsan in cunista digirta aysan ilbaxnimada ka mid ahayn!!!, waana sababta keenayso in aan lagu darin liiska cunnooyinka laga dalbado maqaayadaha maadaama dalabkeedu uu yaryahay.!!
Akhriso qoraal ku saabsan cunnooyinka Birta laga helo:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1721.0
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com