Dad badan ayaa aaminsan in markii muddo la joogaba, uu qofku u baahan yahay inuu is qaras-bixiyo, oo loola jeedo sifeynta Caloosha.
Xoolalaydu waxay taas u adeegsadaan Caanaha Geela. Beeralaydu waxay isticmaalaan dhir ay ka mid yihiin:-Carmada, Raqayga, Salamakiga iyo kuwa kale. Reer-magaalku waxay cabbaan Saliid ama Kaniiniyaal lagu iibiyo Farmasiyayaasha oo lagu baxo.
Qarasta ama dacarta waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa (Bile ama Gall), waa dheecaan qaraar oo jaallo iyo cagaar ah waxaa dheecaankaan soo saaro unugyada beerka waxaana lagu aruuriyaa xamiitada oo markii qofka cunno cuno ayaa la soo daayaa si ay uga qeyb qaataan shiiditaanka cunnada dufanka leh.
Dadka aanan laheyn qarastaas calooshoodu ma shiiddo dufanka sidaa awgeed waxay dhigaan saxaro dufan leh, marka waxaan ka fahmeynaa halkaan in qarastu aysan aheyn wasakh ku aruurtay caloosha una baahan in laga faarujiyo si loo sifeeyo.
Isqaras-bixinta waa caado aan sal iyo raadba ku laheen caafimaadka waxayna ka mid tahay caadooyin badan oo ay aaminsantahay soomaalida.
Hadda ka hor nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah ayaa waxaa ku soo booday Xanuun wata Shuban iyo Matag, waxaana la soo dersay xaaladda ay Soomaalidu yiraahdaan 'Horay iyo Gadaal'. Taas oo socotay laba maalmood oo xiriir ah.
Markii wixii dheecaan jirkiisa ku jiray ka baxeen oo fuuq-baxay, wuxuu dareemay in carabkiisa oo noqday qaraar (dacar oo kale) iyo inuusan cunnada si fiican u qaadan karayn.
Ninkii ayaa u yimid dhallinyaro kale oo saaxiibbadii ahaa. Wuxuu uga sheekeeyay xaaladda uu ku sugan yahay. Waxay Saaxiibbadii u sheegeen ninkii: in ay Qaras ku kacday, si fiicanna uusan u Qaras bixin, loona baahan yahay inuu helo Dawo culus oo si fiican u Qaras bixisa...!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Ninkii dhallinyarada ahaa, ayaa u yimid Takhtar, wuxuuna ku cawday inay ku kacsan tahay Qaras, uuna u baahan yahay helitaanka Dawo uu si fiican ugu qaras baxo...!!.
Takhtarkii markuu arkay sida uu u fuuqbaxsan yahay iyo tabardarrida ka muuqo, ayuu isagoo dhoolla-caddaynaya ku yiri Ninkii:-"Wadaayow dhammaan wixii biyo iyo dheecaan ahaa ee ku jiray jirkaaga waa ay kaa baxeen, Qaras bixid la'aan ayaad ka sheeganaysaa, adiga ayaaba waxaad u baahan tahay in wixii Qaras ee magaalada taalla in lagugu shubo"!!.
Taasi waxay aheed sheeko gaaban oo ka tarjumaysa dhibaatada ay yeelan karto qaar ka mid ah caado dhaqameedka.
Haddii aan u imaado su'aashaada labaad lugaha aad ka cabanayso sida ka muuqdo cabashadaada xiriir lama lahan baabasiirka maxaa yeelay maalintii aadan shaqada aadin kuma xanuunaan.
Lugaha oo ku hura ama kululaadaan waxa ay ka imaanaysaa inta aad fadhido luguhu way gororaan waxaana ka buuxsama qulqulka dhiigga sida la yaqaanna caafimaad ahaan meeshii dhiiggu ku aruuro way kululaataa taa ayaa keeneyso in aad ka dareento kuleel ama hur.
Waxaa taas uga hortagi kartaa adigoo lugaha dhaqdhaqaajiya qaabka ay u yaallaane ka badala si murqaha u shaqeeyaan kabuubyane aaadan dareemin.
Cabitaanka aad badsatane xiriir lama laha kuleelka aad dareemeyso.
Wixii aad qabto su'aalo kale waad na soo weydiin kartaa
http://somalidoc.com