Author Topic: Su'aal: 8 bil jir hargab ku soo noqnoqday?  (Read 3183 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Emmy.anin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: 8 bil jir hargab ku soo noqnoqday?
« on: July 23, 2015, 01:07:43 PM »
waxaa i jooga wiil, hada waxaa uu jiro 8bil, Hoyadisa way shaqeysa subixi wuxuu caba caanaha caruurta iyo solid food habenkina wuxu caba naska hooyadisa. Xaqiiqatan wu ka yar yahay miizaankisa, waxaan ku arkey hargab aan dhamaad laheyn, waxaan la xariirey dhaqtar caruur maka ay uu zaa'id ku aha wuxu iso qorey qalajiye, maamlo kadib sidisa ayuu kusoo labtay hargab qufac iyo sankisa wuu qoyan yahay, dhaqtarki mar labaad ayaan u tagey wuxuu igu dhahay ka jooji daawada si uu jirkisa iskaaga difaaco jermiska cudurka. waxaan ahey Aabe xaqiiqatan uma dulqaadan karo marka uu qufacayo waan ka damqanaya. Fadlan haleyla taliyo oo haley sheego talaabdan qaadi laha waan jahwareray?





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: 8 bil jir hargab ku soo noqnoqday?
« Reply #1 on: July 25, 2015, 11:29:56 AM »
Marka hore cunugga u geey takhtar caruur si loo ogaado nafaqadiisa iyo difaaca jirkiisa intaba.
Midda xigta waan ka xumahay hooyooyinka aanan nuujin caruurtooda iyagoo caafimaad qaba, hooyo kasta haddii ay ogaan lahayd faa'idada cunugeega ugu jirto in ay nuujiso xaga korriinka jirka iyo maskaxda iyo difaaciisa guud iyo xittaa xaga garashadiisa caano kale ma siin lahayn, fadlan halkaan ka akhriso faa'idooyinka naas nuujinta aan la soo koobi karin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html

Midda xigta, hadduu cunugga qabo allerji ama neef ama sanka hilib ku leeyahay uu cabburmo ama afka ka neersado oo quuman ku soo laalaabtaan ama aan jawiga iyo cimillada aan laga daboolin intaba way keeni kartaa burunkiito in ay ku soo laalaabato.
Haddii difaaca uu hooseeyo oo cunno ku filan uusan helin iyadane way keentaa in ay ku soo laalaabato infekshanka.

Si loo ogaado waxa keenay waxaa habboon in la ogaado cilalda waxa ay tahay si looga hortago.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16557
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: HARGAB XAB WATA DHIB MA KEENI KARAA XABKA?

Started by Dayahadde1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4634
Last post April 04, 2016, 01:36:59 PM
by SomaliDoc
Maxay Kala Yihiin Hargab iyo Ifilo?!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 18915
Last post July 01, 2009, 08:54:37 PM
by SomaliDoc
Suáal: Waa maxay hargab iyo kaneeco iswata?

Started by BodingBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11266
Last post December 11, 2009, 07:35:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hargab wato xaako adag oo cagaaran?

Started by CabdikariimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6797
Last post May 19, 2011, 08:09:53 PM
by SomaliDoc