Wali leyma so jawabin docror. Ma waxa u aragteen Su'al an muhiim aheyn??
Abdijama, walal waxan kugula tallin lahaa dulqad yeelo, inta dhakhtarka kaaga soo jawaabayo su'aashaada qiimaha leh, waad dareemi kartaa culeyska jira awgeed, in Doc markasta diyaa r u yahay in uu ka xaqabtiro bulshadiisa baahiya caafimaad guud iyo mid gaar ahaan. Su'aashada ku saabsan "Herbalife"
Haddii fakir yar aan kaa siyo, in dhakhtarka kaaga soo jawaabayo, Herbalif waa Company weyn oo caalamka ka shaqayo oo caalami ah, isla markaas hawshiisu tahay sida ula dagaali lahaa nafaqo darrada ka jirta caalamka.
Waa shirkad ka shaqaysa in kabadan 90 dal in kabadan oo misan leh suuq-geyn aad u balaaran oo dalkasta xarun kuleh, islamarka samaysa xayeeysiin xaga Nutrition ka si dadka uga hesho beec mushtar xad dhaaf ah, welib tan ila 1980 ayaa shirkadda ka shaqaynaysay adduunka. Si ay u kasbato macaamiil farabadan.
Middas waa Fahan guud ee Herbalife.
Midda istacmaalka ah, waxa wanagasan sheyga suuqa yaalo in aad ka haysato aragti qeexan inta aadan ku degdegin, kulama siyaad sato cunista vitaminska oo warshadaysan waxa badan karaa dhibkeed, madama wadankeeni aysan ka jirin Wax ama agency si toos ula socda waxa dalka lasoo gelinayo
Tallo guud, walal nutrition ama isnafaqayn haddii aad doonayso waxa kugu filan waxa dalka si dabiici ah uga baxa in aad istacmasho.
Khudaarta nuucyada kala duwan.