Author Topic: Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression)  (Read 13795 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3758
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression)
« on: April 27, 2008, 01:42:58 AM »
Quote
“waqti badan baan ooyey. Isma hagaajin karo, liiska shaqooyinka ah inaan qabto aad bay u dheertahay, waxa aan dareemayaa inaan hooyo fashilantay ahay.”

“uma eeki mid go’aan gaadhi karta inaan ahay. Maskaxdaydu waxa ka buuxa fekredo qasan, waxaan dareemayaa inaan qoyska qaribayo. Waa inaan faraxsanaado laakiin waxaan dareemayaa darxumo.”

“ilmaha waa ooyayaa, ma aamusiin karo. Waxaan dareemayaa fashilaad, laakiin waan cadhaysanahay. Kadib waxaan dareeemayaa denbi xad badan. Iyadu qalad malaha, laakiin anaa leh.”

“waxaan iga lumay dhamaan kalsoonidii. Waxaan dareemayaa fool xumo, waana fool xumahay.”

Diiqada umusha kadib waa xanuun soo mara umusha ugu yaraan tobankii (dumarba) hal marka ay ilmo dhalaan. Tusaalooyinka xaga sare ku qorani waa dhacdooyin caadiga ah fekerka iyo dareenka ee ay kaliifto diiqada ay umushu la kulanto.

Qoraalkan waxa loogu talogalay dumarka ku sugan diiqad umusha ka dib iyo asaxaabtooda iyo reerahooda.

Qoraalkan waxa uu ujeedaa:

  • In uu kaa caawiyo in aad (garato) inuu ku hayo xanuunka diiqada umusha
  • kuu sharaxo waxa sababa xanuunka diiqada umusha
  • kaa taageero sidaad uga fekerto sida ugu fiican ee aad isu caawisid
  • iyo (in uu ku siiyo) talo meelaha kale ee aad taageero ka helaysid

Waa sidee xataa haddii aan akhri karin diiqad awgeed?
Hadii aad u diiqadaysantahay waxay u dhowdahay in aad xataa qoraalkan akhri karin. Malaa waa kugu dheeryahay ama kugu adagyahay? Fadlan haka werwerin. Waxa halkan ku qoran macluumaad badan, markaa marba in yar qaado. Haddii meelaha qaarkood kugu cuslaadaan, malaha waxa fiican in aad lataliyaha caafimaadka ama dhakhtarkaaga kala tashato. Ama kusoo laabatid markaad fayow dareentid. Hadii dabiib ama lataliye ku siiyo buug, malaha waxa kuu fiican inaad iyagu kula akhriyaan.

Waa maxay diiqada umushu?
Diiqada umushu (PND marka la soo gaabiyo) waa diiqad dhacda marka ilmo la dhalo. Diiqadu waxay marmar bilaabantaa muddada uurka, laakiin waxa loogu yeedhi karaa diiqada umusha hadii dhaafto marka ilmuhu dhasho ka dib.

Xanuunka diiqad umushu waa mid si joogto ah u dhaca. Waxaynu ognahay toban ilaa shan iyo toban boqolkiiba dumarka dhala inuu ku dhaco. Waxaana suurto gal ah in nambarku intaa ka badanyahay sababtoo ah dumar badani kaalmo ma doontaan ama dareenkooda cid uma sheegaan.

Sidee diiqada umushsu uga duwanyahay diiqadda kale ee ‘caadiga ah’.
Astaamaha PND –gu waa sida diiqadaha kale. Waxa ka mid ah niyad hooseesa ama inaaney cajabin waxyaalahaa had iyo jeer caadiga ah. Waxa keli ah ay ku kala duwanyihiin dareenkanu wuxuu bilaabmaa sadexda bilood ugu horeeya marka ilmuhu dhasho. Waa suurto gal in (xanuunka) diiqada umushu kadib intaa bilowdo, laakiin hadii astaamuhu bilowdaa sanad kadib dhacaan markii umushu dhashey, waxay u dhowdahay in aad loogu yeedhin xanuunka diiqada umusha.

PND-gu waa la mid diiqada ‘caadiga ah’, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan diiqada caadiga ah http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0

Miyey jiraan dhibaatooyin kale oo umushu la kulanto?
Waxa jira labo astaamood oo qiiro aad ah wata oo dumarku mar-mar ku dhaca marka ay ilmo dhalaan.

Murugada ilmaha (Baby Blues)
Ka hore waa mid had iyo jeer dhaca waxaana la dhahaa “baby blues”. Kani waa diiqad sahlan oo ku dhaca ilaa sideed hooyo tobankiiba dhowrka cisho ugu horeeya marka ay ilmo dhalaan. Marka xanuunka “baby blues” uu hayo hooyooyinku waxay muujiyaan caadifad, waxayna bilaabi karaan oohin sabab la’aan. Hooyada cusubi sidoo kale waxay dareemaan cidhiidhi, daal iyo dhibaato hurdo xumi ah.

Dakhaatiirtu waxay u malaynayaan inuu sababo ‘baby blues’ ka isbedel ku yimaada dheecaanada (hooyada) xiliga ay umulayso, laakiin waxa jira waxyaalo kale oo sababa, sida dhibaatoda foosha, iyo farxada siyaadada ah ee ilmaha cusubi keeno. Waa xili aad nasasho dheeraada u baahantahay si aad awoodaada u soo ceshato, laakiin ay adagtahay.

Murugada ilmuhu wuxuu ku dhamaadaa maalin ama labo maalmood, kadibna wuu tagaa (dhoqso) sidii uu u bilaabmay oo kale. Ma’aha wax laga werwero hadii aanu dheeraan, markaas oo uu noqon karo diiqada umusha (post-natal depression).

Xanuunka fudaydka umusha (Puerperal Psychosis)
Dhibaatadan waxay ku dhacdaa umusha marka ay dhalaan, laakiin ma badna. Wuxuu ku dhacaa mid kunkii hooyo, aadna wuu uga khatarsanyahay xanuunka diiqada. Dhibaatadu waxay bilaabantaa labada wiig ee ugu horeeya umusha kadib, iyadoo uu wato dabeecad iyo caadifad aad u xun. Dumarka xanuunkani ku dhaco aad bay u wareeraan, iskuna darsamaan iyagoo rumaysan waxyaalo qariban oo iyaga iyo ilmahooda ku saabsan.

Qoraalkan looguma talo-gelin dumara dhibaatadanu hayso. Waxay uga baahanyihiin kaalmo gaar ah dhakhtarkooda. Daweenta caadiga waxa ka mid ah dawada iyo in muddo ah loo daayo qaybta ilmaha iyo hooyada (ee cisbitaalka). Waxa xasuus mudan, in kastoo xanuunka fudaydka umushu uu baqdin u leeyahay hooyada iyo reerkeeda, hadana daweentiisu waa sahlantahay dadka inta badanina way ka bogsadaan.

La soco qeybta xigta


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression)
« on: April 27, 2008, 01:42:58 AM »

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3758
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression) Qeybta 2-aad
« Reply #1 on: April 28, 2008, 10:21:16 AM »
Waa maxay astaamaha uu leeyahay diiqada umushu?
Dumarku waxay sheegaan astaamo, intooda badani hoos bay ku qoranyihiin. Astaamahanu waxay noqon karaan qaar kugu badan (culus) marka ilmuhu feejignaantaada aad ugu baahanyahay.

Kuwanu waa astaamo ama calaamado aad haysan kartid hadii uu ku hayo (xanuunka) diiqada umushu.

Caadifada ama dareenka
  • Dareemis murugo, quus, cadho
  • Oohin badan ama adoon awoodin inaad oydid
  • Dareemis qiimo darri
  • isbedel niyad, marba weji duwan
  • Dareemis denbi
  • Inaad waydo wax ku cajabiya
  • Inaad waydo wax ku raali geliya iyo madadaalo
  • Dareemis kacsanaan, naxdin iyo wewer
  • Dareemis cidhiidhi iyo cadho
  • Inaad dareemin sidii aad ilmahaaga ka rabtay

Astaamaha jidhka (ka muuqda)
  • Awood darri iyo daal
  • Dhibaato xaga hurdada
  • hoos u dhac ama Kacsanaan, cidhiidhi aanad nasan karin
  • Caajis xaga galmada ah
  • Isbedel xaga cunada – in badan, ama in yar
  • Fekerka – marka dadku diiqada ku jiraan, waxay “khabiir” ku yihiin in ay si xun u fekeraan, oo dhinaca xun (ka fekeraan)
  • Nafta oo aad canaanatid – ‘’waxaan ahay hooyo aan fiicnayn”, “waan qaribanahay”, “ma fahmi karo buugan, waxaan ahay damiin!”
  • Werwer – “ilmuhu ma fiicna”
  • Go’aan gaadhis deg-deg ah - “Qaladka anaa leh”
  • Rajaynta sida ugu xun – “wax kastaba way xumaanayaan – wax hagaagayaa ma jirayaan’’
  • Feker rajo xumi ah – “Wax rajo ah ma leh. Mar-mar waxaan u maleeyaa in qof kastaba uu ku fiicanyahay inaan ka maqnaado”
  • Fekerid dadka kale – “Qof waliba wuu isku filanyahay. Qofna dan igama leh”
  • Iyo aduunka – “Waa meel aad uu qariban in ilmo la keeno…”
  • Fekredo – siyaabo badan buu u saamaysaa diiqadu.
  • Feejignaan darro
  • Awood darri aanad go’aan qaadan karin
  • Feker isku qasan

Dhaqanka
  • Diidmada dad la kulanka,
  • joojinta inaad debeda u baxdid
  • Inaad samayn waxyaalaha aad jeclaysan jirtay
  • Inaad samayn karin hawl maalmeedka – ama ku dadaal hawa dheeraad ah
  • Joojinta inaad go’aan gaadhid
  • Qaylo badan, muran, deganaansho la’aan

Hadii tani dhacday dhowr wiig ama bilood marka aad ilmo dhashay waxa suurtogal ah in diiqada umushu ku hayso.

Miyaan kaalmo waydiistaa?
Haddii uu ku hayo (xanuunka) diiqada umushu waxa muhiim ah inaad garato, Tan kale, kaalmona dalbato.

Dadku inta badan ma gartaan diiqada umusha. Waxay dhacdaa xili isbedel weyn leh, hooyooyinkuna inta badan ma gartaan waxa caadiga ah, ama waxay filaan. Mushkiladu qunyar bay u fidi kartaa, inta badana hooyooyinku waxay u maleeyaan inay iska xejin karaan, intii ay garan lahaayeen inuu hayo xanuunka diiqadu.

Sidoo kale, dumar badani way ka xishoodaan (inay sheegaaan) xanuunka diiqada umasha, iyagoo dadka kale ka qarinaaya.

Way fiicantahay in aad xili hore ogaatid, iyadoo ay jiraan dawooyin markiiba ku caawinaya.

Xasuusnow, diiqadu umushu waa mid inta badan dhacda, oo hela shantii dumar ah mid. Markaa fadlan la hadal reerkaaga, dhakhtarka, weydiisana kaalmo.

Yaa khatar u ah inuu ku dhaco diiqada umushu?
Qofkasta oo ilme (dhalaa) khatar ayuu u yahay diiqada umusha.Haseyeeshee, waxa jira saameeyayaal dhalin kara khatartaa. Waxa ka mid ah:
  • Hadii diiqad hore kuu haysey
  • Hadii foosha ilmuhu ay dhibaato kugu ahayd
  • Hadii ay cilaaqada reerkaagu xuntahay
  • Hadii ay jirto dhibaatooyin kale noloshaada
  • Hadii mujtamaca gooni ka tahay, ama asxaab ama reer ku caawiya
  • Hadii ayna hooyadaa ku joogin si ay kuu caawiso.

Haseyeeshee, khasab ma’aha qof kasta oo dhibaatooyinkani ku dhacaan inuu la kulmo diiqada umusha.

La soco qeybta xigta
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3758
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression) Qeybta 3-aad
« Reply #2 on: April 30, 2008, 06:53:23 PM »
Maxaa sababa diiqada umusha?
Dhalista ilme waa xili isbedel weyn leh. Hooyooyinka cusubi waxay la kulmayaan isbedel xaga jidhka, caadifada iyo bulshada ah. Waxa suurogal ah in diiqada umusha ay sababto isku jir arimahaas ah. Dhibaatooyinka kale ee xiligaa dhaca waxay ku yeelan karaan saameyn.

Isbedelka dheecaamada
Dhalista ilme waxay keenaan isbedel dheecaanada jidhka. Diiqada umushu wuxuu ku xidhnaan karaa isbedelkaa. Xaqiiqadu jirta waxay muujinaysaa in dheecaamadu aaney saameeye keli ah aheyn. Xaalkaaga, shakhsiyadaada keli ahaaneed iyo bulsho waa muhiimtan, sidoo kale.

Si kasta ha ahaatee, dawooyink lidka ku ah diiqada, ama dawooyinka kale way ku caawin karaan. Weydii dhakhtarkaaga inuu kala gorfeeyo.

Isbedelka jidhka
Dhalista ilmuhu iyada ayaa iskeed daaliin (hawl) u ah, mar-marna sababta dhibaato jidhka ah, sida qaliinka caloosha. Ka fiyowga arintani ma sahlanaan karto. Ilaalinta ilme hawl badan waxay yareen kartaa nasashoda, waxa suurogal ah inaad hurdo kugu filan helin. Haddii aad caruur waaweyn leeedahay waxa suurogal inay feejignaantaada dalbadaan. Tani waxay sii kordhin kartaa daalkaaga.

Melaha cuno qaadashadaada ayaa xun, in kugu filana ma cunaysid. Marka tani jirto waxa hoos u dhici kara awooda jidhkaaga.

Dumarka qaarkood waxa ay dareemaan kalsooni dari, iyo is-cajin daro marka ay dhalaan, waayo araga jidkooda ayaa isbedela, waxa suurogal ah inaaney waqti ay isku hagaajiyaan helin. Isla markaa dumarka qaarkood si xad dhaaf ah ayey isu hagaajiyaan iyaga iyo ilmehooda si ay u qariyaan diiqada haysa awgeed. Hagaajinta araga iyo qosol iska doonka marka aaney dhab kaa aheyn waxa kugu keeni kartaa daal jidhka ah!

Isbedelka caadifada
Dumarku lama kulmaan dareenka ay filanayeen marka ilme uu dhasho. Marka ay ilmaha gacanta ku qabtaan dumar badani ma dareemaan jacayl degdeg ah. Waxa ay dareemaan daal iyo wehel. Tani waa caadi. Dumar qaar markiiba ilmaha way jeclaadaan, qaarna marba in yar bay sii jeclaadaan.

Muhiimadu waa in aanad werwerin ama hungoobin hadii ilmuhu sidaad filaysey noqon waayo. Waxa dhab ah in dumar badani ay caadifadi saameyso marka ay umulaan, isla markaa hadii wax xumaadaan si aaney dareemeen marka ay caadi yihiin ayey dareemaan.

Isbedelka bulshada
Dhalista ilme waa arin xiiso leh. Hawsha ilmaha waxay kaa mashquulin kartaa arimaha bulshada. Haysashada ilme waxay kaloo kaa mashquulin kartaa xidhiidhka walidiinta, iyadoo ay adagtahay in waqti helaan.

Sababtoo ah walidiin badan oo cusubi kuma dhowa reerkooda inta kale, noloshoodu waxay noqon kartaa mid cidla ah. Hooyooyin badani ma heli karaan dad caawiya. Gaar ahaan kuuwa aanan haysan hooyadood, waqtigani cidhiidhi buu ku noqon karaa. Xataa kuwaa ehel haystaa way ku adkaan kartaa kaalmo wax ku ool ah.

Jaraaidka, branaamijyada telifishanka, waxay sheegaan in haysashada ilme uu aad u fiicanyahay, laakiin aaney dhinaca dhibaatada wax badan ka sheegin. Waxa ay ka maqlaan saxaafada iyo dadka kale, duumarka marmar waxay moodaan in ay khasab tahay in xili aad u fiican u noqdo. Waxay u maleeyaan in hooyo kasta dhasho si dabiici ah, inay noqoto hooyo ‘toosan’. Arintani waxay adkaynaysaa kaalmo waydiisiga.

Laakiin waxyaalahan dahsoon (ee hooyada ku saabsan) runta way ka fogyihiin. Dhaliinku culays buu keeni karaa, hooyadunu waa masuuliyad loo baahanyahay in la barto, sida masluuliyad kastoo nolosha ku saabsan.

Dumarka maanta culays aan xataa saarnaan jirin hooyooyinkii hore ayaa saaran. Malaha way shaqo ayey u bixi jireen, oo cidla ayey dareemayaan (iyagoo waayey dhexgalkii dadka). Laakiin hadii ay shaqada ku noqdaan, culays wayn baa ka fuuli kara u orodka shaqada iyo ilmaha yar.

Dhacdooyin nolosha oo culays badan
Waxaanu ognahay dad la kulmay dhacdooyin hore oo dhibaato leh inay u jilicsanyihiin diiqada umusha, marka ay ilmo dhalaan. Tusaale, dhicis hore, hooyo la’aan, dhibaato xaga maalka , iyo guriyeenta ah. Ugu danbayntii waxa ka mid ah kuwa waaweyn ee diiqada keena isbedelka, waa yartahay wax bedela noloshaada oo ilme cusub la mid ahi.

La soco qeybta xigta
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3758
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression) Qeybta 4-aad
« Reply #3 on: May 02, 2008, 09:09:54 PM »
Maxaa ku caawin kara?
Waxa aad xasuusataa in uu jiro kaalmo – iyo talaabooyin aad adigu naftaada ku caawinaysid.

Talaabada hore
• Qiro in ay jirto in dhibaato.
• kala hadal lamaanahaaga ama saaxiib ama mid reerkaaga ah sida aad dareemaysid.
• Xasuusnow inaad ladnaan doontid
• La hadal booqdaha caafimaad ama dhakhtarka

Talaabada ku xigta:
Sidii aynu aragnay, waxa jira saameeyaal badan diiqada umusha, sababtaa awgeed waxa ku caawin kara daween kala duwan.

Dawooyinka (la qaato) ma I caawin karaan?
Kuwa ku lidka ah diiqadu way ku caawin karaan, in kastoo marka aad naaska jaqsiinaysid aanad qaadan karin. Kala hadal dhakhtarkaaga arintan. Way faa’iido badnaan karaan hadii ay ku hayso astaamo jidh ahaaneed oo diiqad ahi. Sida cuno xumi, hurdo yaraan, awood dari.

Hadii dhakhtarkaagu kuu qoro ku lidka ku ah diiqada, xasuuso inay qaataan ilaa laba wiig inay wax taraan. Waxa la rumaysanyahay inaan noocan daaweynta ahi aan naftu ku dhegin, in kastoo sida dawo kasta inay tahay in aanad mar keliya joojin. Waxa muhiim ah inaad muddada dhamaysatid, sida badan lix bilood. Dhakhtarkaagu arimahan oo dhan wuu kaala hadlayaa hadii u maleeyo in daweentanu faa’iido kuu leedahay.

Ma igu keeni karaa saameen kale?
Dadka qaarkood waxay kala kulmaan saameen kale, sida daal, af qalal, sida badan astaamahanu way istaagaan dhowr wiig gudohood. Ilaa markaa muudsiga macaanka, iyo biyo badan oo aad cabto way ku caawin karaan. In kastoo saameentan kale ay xumaan karto, hadana faaiidada (dawada) ayaa ka badan. Khaasatan qaadashada kuwa lidka ku ah diiqada waxay kaa taageeri karaan daaweenta kale, daaweenta hadalka. Dhakhtarkaagu wuu kula gorfayn karaa.

Waa sidee daaweentu?
Baadhistu waxay ina tusaysaa la talintu inay u fiicantahay diiqada umusha. Booqdahaaga caafimaadka waa ka igu fiican ee talo waydiisan karto. Waxay lahaan kartaa tababar gaar ah oo talada ah. Ama dhakhtarkaaga ayaa kuu gudbin kara la taliye ah xarunta caafimaadka ama neeras caafimaadka madaxa. La taliyehaaguu wuxuu kaala hadli karaa wixii aad dareensantahay ee tegey ama aad hadda ka fekeraysid.

Sidee ayaan naftayda u caawin karaa?
Waxa jira dhowr talaabo aad qaadi karto sidaad u dareentid ladnaan.

  • Ka hadalka dareenkaagu waa muuhiim. Way kugu adkaan kartaa inaad lamaanahaaga kala hadasho, laakiin hadii aad dareenkaaga naftaada ku koobto, wuxuu dareemi karaa xidh-xidhnaan.
  • Tijaabi in aanad keli noqon maalin kasta. Isku hawl inaad asaxaabtaada iyo hooyooyinka kale la kulanto. Booqdaha caafimaadka meelaha aad kula kuulmi karto dumarka kale ee deegaankaaga. Mar-mar waxa jira ururka taageerada oo faaiido kuu yeelan kara. Sidoo kale ururada tabaruc ah, kuwaas oo xubnahoodu ay kuu bandhigi karaa kaalmo wax ku ool ah (ee cinwaanada buugan dhamaadkiisa)
  • Qaado kaalmo kasta oo waxku ool ah. Haka xishoon inaad taageero dalbato, ama dembi ha dareemin inaad qirato. Dumarka qaba diiqad khatar ah, waxa ay xaq u yeelan karaan taageero xaga caruurta iyo guriga ah.
  • Ha tijaabin inaad noqoto xaas markasta ‘hagaagsan’. Hadii gurigu aad u qurux badanyahay iyo hadii kale muhiim ma’aha.
  • Intii aad nasasho ka heli karto qaado, waayo daalku wuu kordhiyaa diiqada.
  • Hubi inaad cuno caafimaad leh aad cuntid.
  • Tijaabi inaad naftaada waqti uu heshid. Tani waxay u muuqan kartaa mid aan macquul ahayn, laakiin maydhasho (path) dheer, lugayn ama akhris magasiin ilaa sodon daqiiqo waad ku nasan kartaa.
  • Jimicsigu aad buu u faaiido badanyahay.

La soco qeybta xigta
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3758
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression) Qeybta 5-aad
« Reply #4 on: May 04, 2008, 06:19:13 PM »
Maxaa kalee aan sameyn karaa?
Wey adkaan kartaa inaad sameyso isbedeladan, maxaa yeelay sida diiqadu u saameeso fekerkayaga, dareenkayaga, iyo sidaynu u dhaqano.
Farsamadan soo socotaa waxa kale oo ay kaa caawin kartaa afkaarta, dhaqanka, iyo dareemada aan fiicnayn.

1. sameynta qorshe maalmeedka
marka dadku diiqadeysanyihiin inta badan ma jecla in ay wax qabtaan. Wax kasta wey ku adkaadaan, kadibna wax yar ayey sameeyaan.

Hadii tani adiga dhibaato kuu tahay, samee liis waxyaalaha aad doonaysid inaad sameeso, ka dib sii qorshee sidii aad arin kasta u sameen lahayd. Ka biloow tan kuugu sahlan, hana tiigsan meel sare. Eeg liiskaaga, kadibna sax intaad qabatay. Maalinta dhamaadkeeda waxaad eegi kartaa waxa aad sameesay. Jimicsiga jidhka waxa sare u qaadi karaa niyad-samigaaga. In yar marba ku dar qorshahaaga. Dhexgalka asxaabta, reerkaaga, iyo jaarka wey ku caawin kartaa.

Xasuusnow meel sare ha tiigsan. Wixii kuu sahlanaa hore hadda wey kugu adkaan karaan. Ka bilow meesha aad hadda joogtid, siina kordhi meeshii markaad ladnayd joogtey.

2. Gaadhitaaka iyo raaxaysiga
marka dadku diiqadaysayihiin waxa inta badan ilaawaan waxa ay soo hooyeen iyo jecelyihiin. Inta badan dadka wax badan baa u hagaagsan oo aaney ogeyn.

Marka aad qortid waxyaalaha aad doonaysid inaad qabato maalintii, dhinac dhig kuwa aad jecleysatey, kuwa aad (guul) ka gaadheyna dhinac dhig.

Tijaabi in aanad hoos isu dhigin. Dadka diiqadeysani ma qirtaann guusha ay gaadheen. Tijaabi in aanad naftaada barbar dhigin sidii aad beri ahaan jirtey. Ku boori naftaada waxa aad awoodaysid inaad maamusho. Marka aad diiqadeysantahay wax kasta qabashadoodu wey adagyihiin, sidaa awgeed waa inaad abaal marisaa, qirtaana (guushaas). Markaa samee maalinkasta wax ku raali geliya, nafta u abaalgud wey kuu caawinaysaa.

3. ABC isbedelada dareemada
waxay u dhowdahay in qof uu hayo diiqada umushu uu leeyahay afkaar qariban oo sababi kari niyad xumi. Tani way wada saameesaa wixii diiqad ah.

Ka feker arin dhacday dhawaan oo kaa cadhaysiisay. Waxa aad awoodaa inaad sadex qaybood u kala saarto:

A. dhacdada.

B. afkaartaada iyada ku saabsan

C. Dareenkaaga iyada ku saabsan.

Dadka inta badani waxay ogyihiin A iyo C. bal aynu eegno tusaalahan:

Ka soo qaad in ilmahaagu uu oohinta joojin waayey marka aad sameesay wax kasta oo aad u malysey inay caawinayso.

A. dhacdada – ilmuhu ma aamusayo.

B. afkaartaada – uma dulqaadanayo tan. Waan doonayaa in aan gilgilo. Waxaan ahay hooyo aan qiimo lahayn. Ma mudni in aan haysto (ilmaha).

C. Dareenkaaga – diiqad, denbiile.

La yaab maleh inaad xumaan dareentid! Waxa muhiim ah inaad sadexdaa arimood ogaatid. Sababtoo ah waxay wax ka bedeli karnaa malaha dhacda sidaynu wax uga bedelno sida aynu u dareemayno.

4. Dheeli tirka
“Dheeli tirku’’ waa farsamo ay fiicantahay inaad tijaabisid. Marka feker dhinaca xun ahi uu kugu soo dhaco u dheeli tir feker dhinaca fiican ah, tusaale:

Fekerka: “hooyo fiican ma’ihi”, waxa lagu dheeli tiraa: “dhakhtarka waxa uu yidhi waad fiicantahay, ilmuhu waa ladanyahay”

Runtii arintani odhanshaheedu waa ka hawl yaryahay falkeeda. Marka aad dhinaca xun wax eegaysid way adagtahay inaad dhinaca kale u rogto, laakiin isku tababarkeedu wuu hawl yareeyaa.

5. Tijaabi, xasuusana tafaasiisha
Baadhistu waxay ina tusaysaa in qofka diiqadaysani aanu xusuusan tafaasiisha dhacdooyinka, laakiin go’aan guud iska gaadho, sida “Weligey waxba kuma fiicnayn”. Tijaabi, iskuna tababar tafaasiisha si aad u xasuusan waayo- aragnimada iyo waqtiyada fiican. Buug xasuusta ayaa kaa caawin kara arintan. Liis garayso guulaha iyo dhinaca aad ku fiicantahay sida “inta badan ma habsaamo”, “Saaxiibtey ayaa i caawisay talaadadii”, “Lamaanahaygu wuu igu amaanay shaqadii wiigii hore aan qabtey”.

Gunaanad
Isticmaalka qorsheynta maalin kasta, qorista guulaha iyo waxaad ku fiicantahay, iyo qorista fekerkaaga iyo barbardhiga mid dhinaca fiican ah, waxay kaa caawinayaan la dagaalanka diiqada iyo afkaarta madow ee la socda.

6. Xalinta mushkiladda adag
Mar-mar waxa inaga tan bata waxyaalo aad u murugsan oo adag oo aynu sameeno. Siyaababaha ku caawin kara waxa mid ah inaad qorto talaabooyinka aad u baahantahay inaad qaado si hawsha u dhamaysid – ka dibna aad marba talaabo fashid.

Xataa xalilida dhibaato yar waxay kuula eekaan karaan wax aad u adag marka aad diiqadaysantahay. Hadii ay jirto dhibaato gaar ah oo aad rabtid inaad xalisho, waxaad eegi mar hore oo arin la mid ah aad xalishay, kadibna sidii oo kale u samee. Ama waydii saaxiib sidii uu arin la mid ah u sameen lahaa. Qor ikhtiyaar aad haysatid xataa kuwa nacasnimada kuula muuqda. Ka noqo fanaan arintan. Hadii inta xal aad haysaa badato, waxaad u dhowaaneysaa inad mid sax hesho. Marka aad ka fekerto faaiidada iyo khasaarha, dooro tii macquul ah.

7. Rumaysnaanta muddo dheer
Dadka qaarkood waxay muddo dheer rumaysanyihiin waxyaalo naftooda ku saabsan oo –khatar ah - sida, “Maihi qof maskax fiican” ama “maihi qof la jecelyahay”. Rumaysnaantu waa wax aynu hore u samaysaney oo ku xidhan waayo aragnimadeena hore, oo laga yaabo hadda inaa nad sax ahayn. Tijaabi inaad ka hortagto canaanta nafta, jooji hoos u dhiga naftaada, arrintantan burinaysa rumaysnaantan.

8. Xagee aan ka heli karaa kaalmo dheeraad ah?
Waxaanu rajaynaynaa inaad talooyinka iyo tijaabooyinka buug yar isticmaali karto. Waa inay kaa taageeraan ka gudubka diiqada umusha iyo naftaada iyo afkaartaada kantarooshid mar kale.

Haseyeeshee, hadii aad u malynayso inaad taageero dheeraad ah u baahantahay, ku noqo dhakhtarkaaga. Sidii aynu horeba u sheegnay waxa jira daaween kale.

Hadii aad u diiqadaysantahay, oo aad ku fekertey inaad ilmahaaga awgii isu dhaawacdo, waa inaad dhakhtarkaaga u tagtaa sida ugu dhakhsoha badan. Xasuusnow diiqada umushu waxay u dhego-nugushahay dawada, dadka inta badanina way ka ladnaadaan.

DHAMAAD
Mind – www.mind.org.uk
15 - 19 Broadway,
London,
E15 4BQ
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Re: Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression) Qeybta 5-aad
« Reply #4 on: May 04, 2008, 06:19:13 PM »