Author Topic: Saamaynta Qaadka (Caafimaad iyo Bulsho Ahaan)  (Read 19695 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Saamaynta Qaadka (Caafimaad iyo Bulsho Ahaan)
« on: May 08, 2008, 02:04:40 PM »


Dadka qaarkiis, cunidda qaadku waa wax caadi ah oo waqtiga laysku dhaafiyo. Waxay ku raaxaystaan inay si hallaasi ah waqti ula qaataan saaxiibadood marka ay cunayaan qaadka. Hase yeeshee isticmaalka qaadku wuxuu dadka qaarkiis u keeni karaa dhibaatooyin. Sida daroogooyinka kale, isticmaalka xad-dhaafka ah ee qaadka waxay qofka u keeni kartaa dhibaatooyinka xagga caafimaadka iyo ladnaanta ah, iyo sidoo kale saamaynta ay ku leedahay dadka kale ee la nool sida qoyska.
Qaadku wuxuu qofka ka dhigaa mid feejigan oo firfircoon, hase yeeshee wuxuu kaloo keeni karaa dhibaatooyin badan oo caafimaad iyo hurdo la'aan, iyo sidoo kale dareenka maskaxda oo kacsan.
Cilmibaaristu waxay muujisay in isticmaalka qaadku uu leedahay saamayn bulshadeed oo fara badan oo ay ka mid yihiin dhalinta murannada qoyska iyo dhibaatooyinka la xirriira dhaqaalaha qoyska iyo carruurta.

Waa maxay qaadku?
Qaadku (waa nooc ka mid ah geedaha loo yaqaan Catha edulis Forsk) waa geed gaaban oo caleemo cagaaran leh oo noqda geed weyn. Caleemaha curdanka iyo curubyada geedka qaadka ayaa loo takhsiimaa in laga helo saamayn firfircoonaan iyo marqaan.

Maxay yihiin saamaynta jidheed ee qaadka?
Qaadku waa daroogo marqaan kiciye ah. Taa macnaheedu waa in qaadku marqaan geliyo in badan oo shaqooyinka jidhkeena qabto.
Isticmaalka qaadku wuxuu kordhiyaa heerka garaaca wadnaha, heerka neefsiga, heer-kulka jidhka iyo cadaadiska dhiigga, wuxuuna qofka ka dhigaa mid feejigan. Qofka cuna qaadka wuxuu kaloo noqon karaa mid kacsan, oo tabartiisu korodho, hadal badan, wuxuuna lumiyaa
rabitaanka cunnada. Guud ahaan, dadku waxay bilaabaan inay dareemaan saamaynta qaadka 20 daqiiqo ka dib cuniddiisa, ayadoo saamaynta ugu weyn la dareemo 3 saac cunidda ka dib.
Saamaynta aan la jeclayn ama aan la doonayn  ee ka dhalata cunidda qaadka waxaa ka mid ah dareenka oo kacsan, xasaasiyad, dareen caro iyo qaraxa rabshadda, dareenka buuqsanaanta, xanaaqa iyo kacsanaanta.
Saamaynta aan la doonayn ee jidheed iyo caafimaad ee la xirriirta cunidda qaadka ee joogtada ah waxaa ka mid ah:
# Adkaanta seexashada
# Ciniinimada (awood darrada galmada)
# Qarowga
# Dhibaatooyinka dheef-mareenka caloosha iyo mindhicirka sida calool-fadhiga iyo qaluulashada.
# Qowrarka afka iyo qaybaha kale ee gudaha afka
# Kansarka afka
# Miisaanka cunugga dhasha oo yaraada haddii hooyada ay qayisho
# Caanaha naasaha oo yaraada ee hooyooyinka cuna qaadka

Isticmaalka qaadka ee waqtiga muddada dheer ama xaddi aad u badan wuxuu kaloo keenaa dhibaatooyinka niyad-jabka, walaaca iyo xanaaq-dhawida. Waxay kaloo mararka qaarkood ay keeni kartaa in qofka ay ku dhacdo dhibaatooyinka nafsaaniga ah oo aadka u daran.

Maxay yihiin saamaynta bulshadeed ee qaadka?
Isticmaalka qaadku wuxuu kaloo keeni karaa dhibaatooyin bulshadeed, gaar ahaan markii si joogto ah loo isticmaalo ama xaddi badan laga isticmaalo. Haddii ay qofka ka haysato dhibaato xagga isticmaalka qaadka waxay kaloo saamayn kartaa qoyskiisa, saaxiibadiisa, shaqada,  iyo dhaqaalahaba.
Isticmaalka qaadku wuxuu dhalin karaa dhibaatooyin qoyseed iyo kuwa dhaqaneedba, gaar ahaan marka cunidda qaadku ay qaadato barjayn muddo dheer sidaasna uu qofkii waqti badan uga maqnaado xaaska. Dhibaatadan waxaa sii xumayn kara haddii uu qofkii marka u yimaado guriga uu iska seexdo halkii uu waqti la qaadan lahaa xaaskiisa, ama asagoo la kacsan hurdo la'aanta ama ay carro iyo xanaaq saaran yihiin ka dib barjayntii qaadka.
Xubnaha qoysku waxay ka xumaan karaan markii uusan qofku garwaaqsanayn dhibaatooyinka cuniddiisa qaadku ay keenayso.
Isticmaalka qaadku waxay kaloo keeni kartaa dhibaatooyin xagga shaqada iyo iskuulka. Dadka cuna qaadka waxaa laga yaabaa inaysan sidii laga rabey u shaqayn ama wax u baran sababtoo ah way daallan yihiin waana kacsan yihiin. Tan waxay kaloo keenaysaa xaaladaha shaqada aan ammaanka lahayn, gaar ahaan wadidda baabuurta ama ku shaqaynta mashiinnada culus.
Dadka qaadka cunaa waxay qaataan fasax jirro oo badan sababtoo ah way daallan yihiin ka dib barjayntii dheerayd ee qaadka ama sababtoo ah waxay la xanuunsan yihiin dhibaatooyinka caafimaad qaarkood oo la xirriira isticmaalka qaadka.
Dhibaatooyin dhaqaale ayaa dhaca haddii kharashka lagu gato qaadka ay tahay inaysan soo harin wax lacag ah oo ku filan in lagu soo gato cunto ama lagu bixiyo biilasha. Tanna waxay u keentaa walwal dheeraad ah qoyska.
Waalidiinta cuna qaadka waa inay ka fiirsadaan dhaqanka ay horseedayaan. Carruurtu waxay ka bartaan in badan oo dhaqankooda iyo dabeecaddooda ah eegidda iyo dhagaysiga dadka muhiimka u ah noloshooda. Haddii uu ilmuhu arko xubno qoyskooda ka mid ah oo qaadka cunaya, waxaa dhacda inay ayaguna isku dayaan sidaas oo kale.

Qofku ma noqon karaa mid u-barta qaadka?
Wali lama ogaan inay qofka ku walfo qaad cunista (Khat Addiction). Si kastaba ha ahaatee, dadka aadka u cuna qaadka (muqayaliinta ah) waxay dareemaan astaamaha u-barashada iyo la qabsashada haddii ay joojiyaan qayilaadda.
Haddii uu qofku caadaystey ku shaqaynta qaadka, wuxuu noqon karaa jidh ahaan mid ku xiran qaadka. Dadka aadka muqayiliinta u ah waxaa la arkay inay la kulmaan astaamaha u-barashada sida daal xad-dhaaf ah iyo tabar la'aan, ku adkaanshaha inay qabsadaan howl maalmeedkooda iyo xoogaa gariir ah dhowr maalmood ka dib marka ay joojiyaan cunidda qaadka. Astaamahaas way dhici karaan sababtoo
ah jidhku wuxuu u bartay inuu helo qaad, haddana waa inuu u-bartaa inuu shaqeeyo la'aantiisa.
Haddii uu qofku dareemo inuu u baahan yahay inuu cuno qaadka si uu ula qabsado noloshiisa una noqdo mid faraxsan, waxaa laga yaabaa inuu nafsad ahaan noqdo mid ku xiran qaadka.
Qofkaas wuxuu dareemi karaa inuusan la qabsan karin xaaladaha qaarkood sida kulannada bulshada ama wareegga dheer ee shaqada haddii uusan cunin qaadka. Joojinta cunidda qaadka waxay u keeni kartaa qofkaas nafsad ahaanta ku xiran qaadka inuu dareemo walaac iyo dhirifsanaan. Wuxuu kaloo qofku dareemi karaa go'doon, gaar ahaan haddii uu qofku u bartay inuu saaxiibadiis kala qaybgalo fadhiyada barjaynta cunidda qaadka.

Yaraynta waxyeellooyinka la xirriira cunidda qaadka
Tilmaamahan soo socda waxay noqon karaan kuwo gacan ka gaysta xaaaladda muqayiliinta:
# Haddii aad tahay qof si joogto ah u cuna qaadka, isku day inaad yarayso xaddiga aad ka qaadanayso, ayadoo nasashooyin macquul ah u dhaxeeyaan fadhiyada.
# Iska ilaali cabbitaannada ay ku jiraan kaafaynka sida Cola iyo koofiga. Biyo ku baddelo cabbitaannadaas.
# Iska ilaali khamriga ama daroogooyinka kale ka hor, ama ka dib fadhiga cunidda qaadka. Isku daridda daroogooyinka waxay noqon kartaa mid khatar ah.
# Haddii aad sigaarka cabto, iska yaree tirada sigaarka aad cabbayso intaad qaadka cunayso. Iska ilaali fadhiyada cirriiriga ah waxaadna furtaa dariishadaha si ay hawada fareeshka ah u soo gasho.
# Waxaad cuntaa furuud badan, khudaarta iyo cuntooyinka kale ee caafimaadka leh, waxaadna hubisaa inaad wax cunto ka hor iyo ka dib fadhiyada cunidda qaadka.
# Isku day inaad iska ilaaliso cunidda qaadka habeenkii waqtiga dambe, hana qaadan kiniiniyada hurdada in dhakhtarkaagu kuu qoro maahee.
# Iska ilaali inaad muddo dheer qaadka ku takhsiinto cankaaga, maaddaama ay tani kordhin karto khatartaada inuu afka kaaga dhaco infekshan ama is badel ku dhaco unugyada canka taasoo kansar kuu keeni karto.
# Haddii aad uur leedahay, iska ilaali inaad cunto qaadka, maaddaama ay tanna u keeni karto khatar caafimaad ilmahaaga uurka ku jira.
# Sida ugu ammaanka badan oo laysaga ilaaliyo dhibaatooyinka cunidda qaadka waa in layska daayo cunidiisa.

Waxbaro!
http://somalidoc.com


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Waa maxay Qaadku?
« Reply #1 on: May 08, 2008, 10:17:19 PM »
Thanks Waxbaro for useful posting.
Education Opens the Doors

Offline Pllisken

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Waa maxay Qaadku?
« Reply #2 on: May 11, 2008, 02:49:48 PM »
WAA  MAXAY  QAADKU?

Dad  badan oo ku xeel dheer aqoonta Qaadka ayaa sida soo socota ku  Qeexay.
Qaadku waa  geeda Maanka  doorsha oo caleemihiisa la calaashado, oo  aan  miro iyo ubaxba  bixin.
Qaadku waa geed la beero oo marba marka ka danbeesa  aa u waynaada oo caleemihiisa laga ganacsado oo la calaashado,   Wuxuu ka mid yahay dhirta maanka doorisa sida  xashiishka iyo  Afyuunka.
Qaadku waa geed maanka doorsha  aadna  sun u ah khamriga  ka wax yeelo badan.
Qaadku waa geed mukhadir ah caafimaadkana u daran  sababtuna waa  maadada loo yaqaano (cathine)  ama  kaathiin.
Qaadku waa geed ka baxa Bariga Afrika ( soomaliya,itoobiya, keenya  iyo muuzanbiiq ) dhacana  xagga kookaynta iyo aafyuunka dhexdooda.
Qaadku waa mukhadir cunistiisu ku faaftay dalka oo dhan  waana  maandooriye dadka caqligii ka qaaday  dhibna u gaystay hadii la eego  xag dhaqaale akhlaaqdeeda  bulshadeeda iyo tacliimeed.
Qaadku wuxuu keena  "Araq"  ama  hurdo la,aan  wuxuu dhib u geystaa dareemayaasha  waana "mukhaddir" wuxuu kale uu dhib u gaystaa  maskaxda iyo lafdhabarta  ama lafduudka ( spinal  cord ) waxaa Qaadku ku jirta maadooyin badan oo mukhaddir  ah  oo ay ka mid tahay tannins oo si gaar ah wax u yeesha  dheefshiidaha.
Qaadku waa  mukhaddir fudud oo laga helo  geed noocyo kala duwan leh,  dhererkiisuna mar mar gaadho lix mitir.
badanaaba  aqoonyahanada  wax ka qora Qaadka waxay aragtidoodu ku aruursan tahay in qaadku yahay maado caqliga  doorisa oo waliba khatar  aad u daran leh.

Qaadku waa "shaydaan  geed  loo  ekeysiiyay" .
Qaadku waa geed  qofka cuna  ka dhiga  qof ku firfircoon  cunista qaadka  oo nashaad galiya .

Mukhaddir?

Waa maado kasta  oo wax dabicii ah  ( sida  Qaadka, xashiishka  afyuunka    iyo kooka )  ama la sameeyo oo soo saarta  canaasiir  ( elements ) neerfayaasha kiciya ama dajiya oo hadaan loo isticmaalin caafimaad ahaan iyo warshadayn  keeni karta caadaysi oo khatar galisa gaar ahaan bulshada iyo caafimaadka iyo nafta.

Waa maado kasta oo hadii la qaato ama la cuno ama la cabo u keenta jirka  dhib iyo shido caqliga iyo miyirka tebisa oo keenta " Qaayibid " Qaawaaninnta diinteena ay xaaraatimiinsay waxaana ugu caansan maadooyinkaas la xaaraatimeyay  Xashiishka  ,  Afyuunka   , Morfiinka  ,Hiroowiinka ,Kookeynta     iyo   QAADKA

waxaa ka mid ah astaamaha lagu garto ruuxa qaayiba  ama cuna  Qaadka sidan soo socota......
# ka fogaanshaha uu ka fogaado dadka ama bulshada ( isolation).
# rafaad, bas iyo is daryeelid la┬┤aan  (  gaar ahaan xaga nadaafada ).
# wahsi iyo hamaansi joogto ah.
# waji kaduudu  dhidid  iyo  faro gariir.
# cunto yari, dhubnaan ( weydnimo) iyo calool istaag.
# Xanaaq deg deg ah .
# Aqoon raa din la,aan  iyo shaqo  goyn goyn.
# T,V  horfariisi.
# Been  dhjagar iyo  khiyaamo  hanti lagu raadsho.

XANUUNADA  QAADKU  LEEYAHAY.

Hadii  aad loo raad raaco dadka qaadka ka hadla  waxay ku soo aruuruieen  Xanuunadiisa ama ay ku soo kordhiyeen sidan...

1. Gastric: oo ay sababto maadada "Tennins" waana maado wax toobta  Qaadkuna waa (7-14%).
2. Mushkilada jinsiyeed ( Sexual problems     -reduces saxual drive- ).
3. Wadne xanuun.
4. Kalyo xanuun ( kidney diseas).l
5. Cunto xumi iyo cunto diidmo ( Anorexia & reduction of appetite ).
6. Calool istaag ( constipation ) ay ka dhalan karto  Baabaasiir.
7. Hurdo xumi ( sleeping discorder ).
8. Neerfe  kicin gaar ahaan hab dhiska jidhka ee dhexe.
9. Hadal tiro iyo nacasnimo aan meelna jirin.
10.Calool xanuun  iyo  Af qalayl markasta ah  iyo  haraad .
11.Kaadi aan xad lahayn (Diuresis ) oo ka dhalata cabida badan  ee qaadka la socota.
12.jir kulayl iyo dhidid joogto ah. ( sweating )
13.Manida oo qubata (  Badanaaba  dadka qaadka cuna waxay ka sheegtaan inaysan raali galin karin  Dumarka u dhaxa gaar ahaan Da,da u dhaxaysa 35____40.   Taasina waxay keeni kartaa  dhibaato bulshadeed ).
14.Dhalida  caruur wayd ah. ( daciif ah ).  iyo indhaha oo waawaynaada qofka cuna.
15.Waali iyo qufac daran iyo cabsi la,aan iyo isla wayni iyo raaxo la,aan.

DALALKA  QAADKA U AQOONSADAY INUU MAANDOORIYE YAHAY IYO KUWA ISKU DAYAY INAY JOOJIYAAN

DALKA 
SOOMAALIYA
JABOUTI
KENYA
YAMAN
MASAR
SACUUDIGA
ITOOBIYA 
SUUDAAN
SANADKA
1921,1956,1939,1957,1982
1921
1934,1945,1950
1957
1958
1957
1960
1957


BAARITAAN LAGU SAMEEYAY QAADKA

Laga soo bilaabo dhamaadki qarnigii sagaa iyo tobnaad waxaa si is daba joog ah loo baadhay, waxyaabah uu ka koobanyahay geedka qaadka loo yaqaan, sanadkii 1887kii,   ayaa laba nin oo lakala oran jiray  FLUCKIGER &GEROCK  Ogaadeen in geedkaas ay ku jirto maado loo yaqaan  "Cathine".

Waxay taasi keentay dareen wayn oo ku dhashay aqoonyahanada  dhirta caqliga doorisa  iyo in ay xil iska saaraan baaritaan dhab ah oo ku saabsan geedka Qaadka,                        Sanadkii 1974kii,  ayaa cilmi baaris qoto dheer oo ay maalgalisay ururka Qaramada midoobay ( UN )oo lagu daraaseeyay Geedka qaadka xag baayooligi,Kiimiko,  Baayoo kimisteri ayaa lagu ogaaday in maado kale oo ka khatarsan "Cathineka"  ay ku jirt qaadka maadadaas oo loo yaqaan "Cathinone".

Labadaas baaritaan waxaa ku cad in Qaadku maandooriye yahay laguna sheegi karo "Mukhaddir" waana  caqli-dooriye aan ka duwanayn maskax dooriyayaasha kale sida ( Xashiishka,  Aafyunka, Hiiroowiinka iyo Kookeynka ).

Yaraanta iyo badnaanta ( Concentration ) labadaas maado oo kala ahaa  ( Cathine )  iyo ( Kaathinoon ) waxay xiriir la leedahay

1: Nooc qaadka.
2: Cimilada.
3: Ciidda uu qaadku ka baxo.
4: Da,da geedka.
5: Xilliga la guro.
6: Dalka uu ka baxo.
7: Waxyaalo kale.

Q/Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom