Author Topic: Kasoo-bax (Boils or Furunculosis)  (Read 4372 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kasoo-bax (Boils or Furunculosis)
« on: May 30, 2008, 06:28:50 PM »
Kasoo-baxu waa finan xanuun badan oo ay ka buuxsanto malaxi. Finankaasi waxay ku samaysmaan dubka/maqaarka/haragga hoostiisa marka bakteeriya ay bukaysiiso halka ay kasoo baxaan timaha xaaddu. Waa gunta tinta.

Finanka kasoo-baxa waxay ku samaysmi karaan meel kasta oo jirka ah, waxaase inta badan lagu arkaa wajiga, luqunta, kilinkillooyinka, salalka barida iyo laabatooyinka jilbaha.

Finka kasoo-baxa wuxuu ku dhammaadaa 14 cisho qiyaastii.

Calaamadaha Kasoo-baxa
Finan amase godad yaryar oo malax leh, kawaasoo:
• Si dhaqso leh ayay u koraan, sida caadiga ah 24 saacadood gudohood
• Waa casaan, huruud amase cirifka sare ka cad
• Waxaa ka soo baxa dheecaan ama malax marka uu finku bururo
• Way barartaa
• Way diirran tahay
• Xanuun bay leedahay

Waxaad ku dawaynaysaa
• Jirkaaga oo aad nadiifiso.
• Ha daloolin finka hana tuujin. Bakteeriyadu way kusoo fidi kartaa jirka u dhow finkan, oo keeni kartaa finan kale.
• Ku masax mara diiran oo nadiif ah dhowr jeer maalintii, kuna dawee si uu bararku uga dhaco.

U tag dhakhtar haddii aad isku aragto:
• In calaamaduhu sii xumaanayaan
• Finan aad iyo aad u xanuun badan
• Fin aan yaraanin oon baabini 14 cisho gudohood
• Fin aad u ballaaran
• Xummad, Qandho
• Finan badan
• Liidad cascas oo kasoo baxayay finanka. Taas macneheedu waxay noqon kartaa in xanuunku gaaray dhiiggaaga.

Wixii su’aalo ama walac ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Findhig

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Kasoo-bax (Boils or Furunculosis)
« Reply #1 on: September 20, 2009, 02:52:32 AM »
Dr waxaan rabaa inaan wax kaa weeeydiy kaaso baxa (boil)

Dr waxaan iga soo baxay kasoo bax hada ka hor dhaqtar ayaan utagay daawo ayoow isi waan fiincaaday markale ayoow iga soo baxay waxoowna kasoo baxay meeshii horey ayoow mar kale kasoo baxay marka maxaa keeno arintaan oo dhoowr mark isku meel kasoo baxo hal meel.

waliba hal mar oo kaliya maaho waa markii sadexaad oo hal meel kasoo baxaa waxaa kale oo aan dareema yare mesha weey adkaatay barkii oow fiicnaaday wali waxa jiro adeeg yar ama meeshi oo yare adkaatay.

Bashir mohamed fidow
msc microbiolgy chennia indi a