Author Topic: Findoob (Acne)  (Read 5210 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Findoob (Acne)
« on: July 04, 2009, 06:39:32 AM »
Fianankaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro oogeed oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo malax oo kale ah.

Inkastoo waxa toos u keeno finankaan aan la ogeyn laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay daawooyinka qaar, heerka hormoonnada qofka, bakteeriyo, qanjirrada finanka oo aad u shaqeeya iyo diiqada (welwelka iyo fekerka)
Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.
Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrad saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.

Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tanoo u badan gabdhaha).

Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finanka aad ka cabanayso.

SomaliDoc
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 32
  • Points: +0/-0
Re: Findoob (Acne)
« Reply #1 on: August 09, 2009, 05:06:49 PM »
A/S/C salaan kadib waxaan rabaa in aad war iga soo siisaan  finyaalkaas ka soo baxa wajiga  wax aan iskaka daaweeyo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #2 on: August 09, 2009, 11:48:42 PM »
Walaal haddii aad jeceshahay in aad iska daaweyso dhibaato maqaar u tag dhakhtar ku taqasusay cudurada maqaarka.

Mahadsanid
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 32
  • Points: +0/-0
Suáal: Barabaro madow oo wejiga ku samaysmay?
« Reply #3 on: August 20, 2009, 03:55:29 PM »
A/S/C salaanta islaamka kadib aad ayaad u mahadsantahey  run ahaantii aniga waan u tagey dhaqtar maqar waxuuna isoo siiyay kaniini uu yiri wajiga ayuu salida ka dhameynayaa nabrahana way dagayaan
alxamdulilaah horta waan ka reestay bararkii iyo nabrihii muuqmuuqdey  balse waxaa meesha ku harey  barobaro madoow kaas o  wajigana dooriyay marka maxaan  sameen karoo oo isaga saacidikaraa barabarahaas madoow?

MAHADSANID

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #4 on: August 26, 2009, 10:05:12 PM »
Fadlan ku laabo dhakhtarkii kuu qoray daawadaas.

Mahadsanid
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 32
  • Points: +0/-0
jawaab
« Reply #5 on: August 29, 2009, 05:53:54 PM »
 waxuu i soo siiayay boomaato ladhaho dornafit  ee waa sidee boomatadaas?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #6 on: August 30, 2009, 05:37:07 PM »
Magaca daawadaan waa magac ganacsi ee magaceeda rasmiga ii sheeg?
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Gentleman1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Findoob (Acne)
« Reply #7 on: September 27, 2009, 01:51:42 PM »
A/s w/w. Dhamaan wan idin salaamay dhaqatirta qimaha iyo qayaha badan wadna ku mahadsantihin sida hagar la'anta ad dadka ugu fa'ideynesin taasina wa mid ad bilad sharaf ku muteysan karta iyo ajar xaga alle idin kaga qoran. Inta kadib waxan donaya in macluumad la iga siyo cun cun xaga wajiga o marki an biyo wajiga ku dhaqo iyo marka an dhidido an daremo tankale aniga waxan ka cabanayay finka ilaa 13jirkeyga lakin hada wan karonahay alle mahadi waxan kalo donaya dawo baa'bin karta madmadow ga ku haray wajiga.washuk ran cala xusni acmalikum.thnx all of u.by gentle man1

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #8 on: October 25, 2009, 05:59:53 AM »
Xaaladdaada waxa ay u egtahay waxa loo yaqaanno "Aquagenic Pruritus" oo ay tahay macnaheedu cuncun ka dhasho biyaha (Water-induced Itch) kaasoo uu qofku dareemo sida aad sheegtay markii uu qubeysto ama weeseesto isagoo aanan isticmaalin saabuunno ama shaambooyin ay dhici karto in uu xasaasiyad ka qaaday.

Waxaa cuncunkaan badanaa laga dareemaa gacmaha, lugaha iyo xagallada. cuncunkaan wuxuu qofku hayaa illaa 1 saac ama ka badamba.

Waxaa loo isticmaaloo kareemyo loogu talagalay in cuncunka ay joojiyaan oo la marsado qubeeska ka dib ama waxaa kaloo la marsadaa saliidda caruurta (baby oil), laakiin waa in jirka qallajisaa qubeyska ka dib.

Kareemka waxaan ka heli kartaa farmashiyaasha  waxaana loo yaqaannaa "capsaicin cream" ama haddii aad weydo waxaad isticmaashaa kareem anana ku jirin maadada "Lanolin" (lanolin-free Aqueous cream).