Kasoo-baxu waa finan xanuun badan oo ay ka buuxsanto malaxi. Finankaasi waxay ku samaysmaan dubka/maqaarka/haragga hoostiisa marka bakteeriya ay bukaysiiso halka ay kasoo baxaan timaha xaaddu. Waa gunta tinta.
Finanka kasoo-baxa waxay ku samaysmi karaan meel kasta oo jirka ah, waxaase inta badan lagu arkaa wajiga, luqunta, kilinkillooyinka, salalka barida iyo laabatooyinka jilbaha.
Finka kasoo-baxa wuxuu ku dhammaadaa 14 cisho qiyaastii.
Calaamadaha Kasoo-baxa
Finan amase godad yaryar oo malax leh, kawaasoo:
• Si dhaqso leh ayay u koraan, sida caadiga ah 24 saacadood gudohood
• Waa casaan, huruud amase cirifka sare ka cad
• Waxaa ka soo baxa dheecaan ama malax marka uu finku bururo
• Way barartaa
• Way diirran tahay
• Xanuun bay leedahay
Waxaad ku dawaynaysaa
• Jirkaaga oo aad nadiifiso.
• Ha daloolin finka hana tuujin. Bakteeriyadu way kusoo fidi kartaa jirka u dhow finkan, oo keeni kartaa finan kale.
• Ku masax mara diiran oo nadiif ah dhowr jeer maalintii, kuna dawee si uu bararku uga dhaco.
U tag dhakhtar haddii aad isku aragto:
• In calaamaduhu sii xumaanayaan
• Finan aad iyo aad u xanuun badan
• Fin aan yaraanin oon baabini 14 cisho gudohood
• Fin aad u ballaaran
• Xummad, Qandho
• Finan badan
• Liidad cascas oo kasoo baxayay finanka. Taas macneheedu waxay noqon kartaa in xanuunku gaaray dhiiggaaga.
Wixii su’aalo ama walac ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc