Diseases and Conditions > Cudurrada Haweenka

Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems)

<< < (2/3) > >>

SomaliDoc:
# Tani waa caadi.
# Ha yareen cabitaanka ama biyaha, laakiin isku day inaanad cabin wax badan ka hor wakhtiga jiifka.
# Kaadi marrar badan.
# Iska ilaali cabitaanada leh kafeyn.
# Samee jimicsiyada Kegel (la soco qoraal ku saabsan jimicsiga kegel) si aad u xoojisid oo u xukuntid muruqyada ku wareegsan siilka.
# Si aad u garatid meesha ay ku yaalaan muruqyadaasi, kaadida jooji oo dib u bilaw marka aad isticmaalaysid musqusha.
# Isku day inaad adkaysid muruqyada hadba in yar. Ka dibna si tartiib ah u sii daa.
# Marka aad adkaysid muruqyada, waa inaad dareentid aagga ku aadan ibta kaadida, ama meesha kaadidu ay ka soo baxdo, oo wax yar sare u kacaysa.
# Samee jimicsiyadaa marka aad fadhid, taagan tahay, soconaysid, baabuur wadid ama daawanaysid telefishanka.
# Samee jimicsiyadan 10 jeer, 5 ilaa 10 jeer maalintii.
# Wac dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid gubasho ama xanuun marka aad kaajaysid ama aad qabtid qandho.

SomaliDoc:
# Cab 6 ilaa 8 koob oo ah cabitaan maalin kasta. Dooro biyo, miir khudaar ama caano.
# Cun cuntooyiin uu ku badan yahay dufku (fiber) sida khudaarta iyo cagaarka aan la karin, xabuubka aan wax laga saarin (whole grain), siriyaalka uu ku badan yahay dufku (high-fiber bran cereal) iyo digirta qalashay ee la kariyay.
# Samee jimicsi haddii laguu oggol yahay.
# Ha isticmaalin dawada caloosha socodsiisa, dawo la galiyo malawadka ama dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan iyada oo dhakhtarkaagu kuu sheego inaad isticmaali kartid mooyaane.
# Wac dhakhtarkaaga haddii aanad caloosha adag ka fiicnaan gudaha 2 maalmood.
 

SomaliDoc:
Babaasiir/Bawaasiir

# Waa in saxaradaadu ahaato mid joogto ah oo jilicsan.
# Ha sameyn cadaadin ama riixid marka aad saxaroonaysid.
# Isticmaal duub qabow (cold compresses) si aad iskaga yareysid xanuun ama barar.
# Wac dhakhtarkaaga haddii xanuunkaagu sii kordho ama haddii dhiig-bax uu jiro.
 
Dhabar-xanuun Khafiif ah
# Naso marrar badan. Isticmaal furaash/joodari taageero leh. U jiifso dhinaca bidix iyada oo barkimooyin kuugu jiraan jilbaha dhexdooda, dhabarka xaggiisa dambe iyo caloosha hoosteeda.
# Toos u joogso. Ha isku yeelin tuur ama qalooc.
# Xiro kabo socod oo fiican oo cirib gaaban.
# Hal meel ha taagnaan mudo aad u dheer. Dhaqdhaqaaq samee.
# Kadaloobso si aad u soo qaadid alaab dhulka taala halka aad iska laabi lahayd dhexda. Ha iska laabin dhexda ama sinaha. Iska laab jilbaha.
# Samee jimicsi haddii uu dhakhtarkaagu kuu oggol yahay.

SomaliDoc:
Maroojis Lugta ah

# Maroojis lugta ahi waa caadi marka lagu jiro xilliyada dambe ee uurka.
# Kordhi cabitaanka, kaalshiyamta iyo bootaasiyamta ku jirta cuntadaada. Qaado cuntooyinka sida caanaha, caano-fadhiga ama yoogeer, muus/moos iyo miirka liin macaanta.
# Naso marrar badan iyada oo lugahaagu sareeyaan inta lagu jiro maalinnimada.
# Samee jimicsi haddii dhakhtarkaagu oggol yahay.
# Wakhtiga lagu maroojinayo lugta, toosi lugtaada oo cagtaada u laab xagga hore ee lugtaada.
# Gasho kabo socod oo fiican oo leh cirib gaaban.
# Wac dhakhtarkaaga haddii wakhti kasta hal lug kaliya ay ku xanuunayso, haddii ay jirto meel kulul ama cas oo ku taala lugta, ama haddii lugtu ku xanuunayso marka aad cagta u laabtid xagga hore ee lugtaada.
 
Xidido Dhiig oo Bararsan

# Xidido dhiig oo bararsan (varicose veins) waa xidido weynaaday oo aad ku arki karaysid lugahaaga.
# Iska ilaali lug-gashida (hose) ama lug-qabadka (girdles) leh cinjir kala jiidmaya.
# Iska ilaali inaad mudo dheer taagnaatid ama fadhidid.
# Qaado nasashooyin gaagaaban iyada oo lugahaagu ka sareeyaan wadnahaaga. U jiifso dhinaca bidix iyada oo barkimo kuu jirto lugaha dhexdooda iyo caloosha hoosteeda.
# Ha is weydaarin lugahaaga ama ha duugin lugahaaga ama cagahaaga.

SomaliDoc:
# Isbeddel ku dhaca dheecaanka siilku waa caadi xilliga uurka.
# Marrar badan mayr aagga dibadda ah ee siilka. Isticmaal saabuun aan lahayn barafuun ama cadar. Si fiican u dhaqdhaq.
# Ha isticmaalin hoos-galis (tampons), buufin siilka lagu buufiyo, budo ama warqad musqul oo leh midab ama catareysan.
# Gasho hoos-gashi (nigis/matante) ah cudbi. Iska ilaali lug-gashi (hose), lug-qabatooyin (girdles) ama surwaal kugu dhaqan.
# U tag dhakhtarkaaga haddii dheecaanku leeyahay ur xun, uu sababo cuncun ama uu jiro dhiig.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version