Author Topic: Xiiq-dheer (Whooping Cough)  (Read 50604 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xiiq-dheer (Whooping Cough)
« on: July 17, 2008, 06:13:32 PM »


Waa maxay xiiq-dheertu?
Xiiq-dheerta, oo loona yaqaanno “whooping cough,” waa cudur la is qaadsiiyo oo ay keento bakteeriya. Waa cudur lagaga hortegi karo tallaal, oo aan halis badan ku hayn carruurta tallaalan iyo dadka waawayn, haseyeeshee khatar culus ku noqon kara dhallaanka yaryar.

Yaa u halis ah xiiq-dheerta?
Qof kastaa waa u halis inuu qaado xiiq-dheer, hayeeshee dhallaanka yaryar iyo carruurta aan tallaalnayni waa kuwa ugu halisaysan in uu ku yimaaddo cudurka xiiq-dheertu, oo khatar geliyo.

Waa maxay astaamaha xiiq-dheertu?
Waxa jira saddex marxaladood ama weji oo ay marto xiiq-dheertu. Wejiga kowaad (oo ah ilaa toddobaad ama laba toddobaad) waxay u bilaabantaa sidii duriga (hargabka), sanka oo qoyanaada, duuf farabadan, hindhiso, waxoogaa yar oo xummad ah, isla markaana hargabka ayaa sii xumaada. Wejiga labaad wuxuu ka kooban yahay qufac dheer oo aan la xejin Karin, kaasoo marmarka qaarkood qaylo dheer u keeana (yar ahaan dhallaanka) marka uu qofku neefsanayo. Qufacaasi wuxuu keenaa in qofka naqasku qabto, hunqaaco ama wajigiisu noqdo buluug hawada oo ku yaraatay awgeed. Inta u dhaxaysa qufacyada, qofku wuxuu u muuqdaa inuu fiican yahay. Marka qofku qufaca bilaabo wuxuu noqon karaa si aad u xun, isagoo aan waxba cuni Karin, cabbi Karin ama neefsan karin. Xilliga dhallaanku waxaa ku dhegi kara naqaska oo suuxaan (inay neefsan kari waayaan) ama/iyo inay dhiig rooraan (jirkooda oo buluug u ekaada). Wejiga qufacu wuxuu socon karaa lix ama in ka badan oo toddobaad. Wejiga u danbeeyaa waa marka astaamaha cudurka si fiican loo arko oo ah toddobaadyo ama bilo.

Goormaa astaamaha cudurka la arkaa?
Xilliga cudurku soo socdaa waa qiyaastii toddoba ilaa 10 maalmood, waxayse noqon kartaa ilaa 21 maalmood.

Sidee bay xiiq-dheertu u fiddaa?
Bakteeriyada keenta xiiq-dheertu waxay ku noolaataa sanka, afka iyo cunaha, waxaana lagu faafiyaa hawada marka qof bukaa uu hindhiso, qufaco amase hadlo. Dadka u dhow markaasi waxay neefsan karaan jeermiska.
Dhallaanku waxay had iyo jeer ka qaadaan xiiq-dheerta carruurta ka waawayn amase waayeelka.

Goorma iyo intee in leeg ayuu qofku faafin karaa cudurka?
Xiiq-dheertu waa cudur la isqaadsiiyo laga bilaabo xilliga hargabkeedu bilaabmo ilaa saddex toddobaad kadib marka hargabkeedu bilaabmay.

Sidee qofka loo baaraa?
Adeege caafimaad wuxuu baaraa xiiq-dheerta isagoo kasoo qaadaaya waxoogaa duuf ah sanka dabadiisa.
Shaybaar ayaa lagu sameeyaa duufkaas.. Xiiq-dheerta way adagtahay in laga baaro dhallinyarada (dada ku dhow qaangaadhka) iyo waayeelka iyadoon la samayn shaybaar waayo cudurku wuxuu isu ekaysiin karaa hargab xun (bronchitis) marka da’ahaas lagu jiro.

Waamaxay dawadiisu?
Xiiq-dheertu malaha dawo. Dhallaanku waxay u baahnaan karaan in isbitaal la dhigo iyo/ama in la siiyo kaalmo dheeri ah. Antibiyootig way caawisaa in laga hortago in cudurku faafo oo ay dadka kale qaadaan, waana laga yaabaa inay yarayso khatarnimada cudurka haddii la siiyo bilowga hore ee cudurka. Haddii qofku la kulmo bakteeriyada, antibiyootiggu ma joojiyo inuu qofku qaado xiiq-dheerta. Qofka lagu dawaynayo antiobiyootig waxay qaadsiin karaan dadka kale ilaa 5 maalmood oo dawada ah la dhammaysto. Qof kasta oo la kulmi kara bakteeriyada waa inla siiyaa antibiyootig si looga hortago inay qaadsiiyaan cid kale cudurka, haddii uu ku dhacoba, xitaa hadday tallaalan yihiin. Midda kale, waxaa muhiim ah in qofku nasto oo dareere badanna cabbo.

Qofka ay hore ugu dhacday ma qaadi karaa mar kale?
Haa. Qof ay hore ugu dhacday mar hore xiiq-dheertu, markale wuu qaadi karaa mustaqbalka. Lamana oga ilaa iyo inta uu qofku ka nabdoon yahay halista xiiq-dheerta.

Carruurta iyo dadka kale ma in laga joojiyaabaa iskuulka, xannaanada, shaqada iyo xarakaadka kale hadday qabaan xiiq-dheer?
Haa. Dadka qaba xiiq-dheerta waa in laga joojiyaa dhammaan xarakaadka ilaa shan cisho oo antibiyootig ah ay dhammaystaan. Dadka qaba xiiq-dheerta ee aan qaadan antibiyootig waa in laga joojiyaa hawlaha ilaa 21 maalmood lagasoo bilaabo markuu qufacu ku bilaabmay. Xataa qofkii la kulmay hargabka iiqdheerta waa in laga joojiyaa hawlaha ilaa uu shan maalmood oo antibiyootig ah dhammaysanayo.

Maxaa la samayn karaa si looga hor tago in cudurka xiiq-dheertu faafo?
Waxa jira tallaalo ka hortaga xiiq-dheerta. Tallaalka xilliga carruurnimo waxaa lala siiyaa carruurta kan gowracatada iyo teetanada isla mara (waxaa loogu yeedhaa DTaP). Shan qaybood oo tallaalka ah baa la siiyaa, lagasoo bilaabo markuu ilmuhu jiro laba bilood, si looga ilaaliya xiiq-dheerta. Tallaalku wuu anfacaa carruurta badankooda, laakiinse wuxuu marmarka qaarkood jabaa sannado ka dib. Tallaalka carruurnimo ee DTaP lama siiyo qofkii ah 7 sannadood iyo wixii ka wayn.
Tallaalka xiiq-dheerta ee dhallinyarada iyo waayeelka qudhiisa waxaa lala bixiyaa gowracatada iyo teetanada (Tdap). Waxaa dhallinta lagu taliyaa inay helaan qayb kaliya oo tallaalka ah da’da u dhaxaysa 11 ilaa 12 sannadood si ay uga badbaadaan xiiq-dheerta.
Waayeelka qudhoodu waa la siiyaa DTaP.

Faraxalasho joogta ahi way ka hortegi kartaa fiditaankan xiiq-dheerta.

Wixii faahfaain ama su'aalo dheeraad ah ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Warbixin Dheer oo muujinaysa xaaladda nafaqada ee magaalada Moqdishu (FSNAU)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 11266
Last post June 16, 2012, 04:23:19 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keena feera xanuunka muda dheer kuhaya?

Started by CabdiwaliBoard New Members

Replies: 0
Views: 17339
Last post December 25, 2009, 08:03:52 PM
by Cabdiwali
Sual:Quurada dheer maxa keeno?

Started by AbuJaasumBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10597
Last post June 04, 2012, 09:07:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiig badan iga asocdo mudo dheer?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7822
Last post January 02, 2013, 10:46:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo hiiq dheer?

Started by HusniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7570
Last post August 04, 2015, 10:25:40 AM
by SomaliDoc