Author Topic: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?  (Read 3366 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 25
  • Points: +0/-0
Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
« on: May 23, 2009, 10:19:20 PM »
Asc
bacda salaan waxaan idiinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad bulshada uga caawisaan qofkastaaba waxa uu u baahanyahay intaa ka bacdi waxaan u baahanahay inaad ii sheegtaan.
xanuunka kolba aariyada loo yaqaan ama hawada dadka jidhkooda gasha makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho markay qofka madaxa ka gasho?.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
« Reply #1 on: May 27, 2009, 05:47:23 AM »
Jawaabta ka sokow walaal koolba-aaryo maxaa u taqaanna?
Cudur noocee ah ayaau heysataa?

SomaliDoc
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 25
  • Points: +0/-0
Re: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
« Reply #2 on: May 27, 2009, 02:55:20 PM »
walaal waxay dadka qaarkood u yaqaaniin kolba-aariyada markay qofka dabayshu jidhka ka gasho khaasatan qofku isagoo meel kulul kasoo baxay oo dhididsan haday laydh ama dhaxan qabow ku dhacdo waxa lasheegaa inay dhaxantaasi ama dabayshaasi inay qofka jidhkiisa gasho oo xumad iyo xubno xanuun badana ku keento sida runtii ahna anigu waxaan arkay dad badan oo ka cabanaya.


waxaan rajaynayaa inaad sifiican ii fahanteen waxaana ka cudur daaranayaa markii hore oo aanan wax fahfaahin ka bixin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
« Reply #3 on: May 30, 2009, 04:18:27 AM »
Koolba-aaryada sida ay soomaalida u taqaanno maahan mid sax ah, cudurkani sida aad tilmaantay calaamadihiisa waxaa la yiraahdaa oofwareen/qaarjeex/neyumoonia.

Ma jirto hawo gasho qofka feerihiisa kuna socsocoto laakiin sida aad u sheegtay waa sida loo dareemo xanuunka saxda ah.
Qofka markii ay ku dhacdo neyumooniyada ama koolba-aaryada wuxuu dareemaa caburnaan, xanuun qanjaruufo oo kale ah oo gudaha laga dareemo, qandho, neefqaad iyo naqaska oo qofka ku dhego.

Xanuunka in aaryo ku dhex socoto qofka uu u malaynayo waa markii niyuumooniyada la socoto xanuunka loo yaqaanno "Pleurisy/Pleuritis" oo ah macnaheeda hurgunka ku dhaco xuubka sanbabada.

Koolba-aaryada waa "Pneumonia + Pleurisy".

Sidaa darteed maadaama aysan jirin hawo wareegeyso inkastoo qofku sidaa u dareemayo maskaxda waxyeello uma geysan karto oo macnaheedu tahay hawo maskaxda u gudbeyso ma jirto.

Qoraal ku saabsam Niyumooniyada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=615.0

SomaliDoc
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada