Maxaa dhacaya haddii aan la daaweyn endometriosis ?
Endometriosis-ka fududi badanaa uma baahna daaweyn. Badanaa waxaa lagu siinayaa daaweyn kaa caawisa inay kaa yareyso astaamaha intii ay ‘daaweyn’ lahayd cudurka laftiisa.
Haddii aan la daaweyn, qaar ka mid ah endometriosis way roonaanayaan iyadoon waxba lagu sameyn laakiin badidoodu sidooda uun bay ahaanayaan. Qaar aad bay u xumaanayaan haddii aan la daaweyn.
Dumarka badidiisa leh endometriosis, astaamuhu way iska baaba’ayaan markay dumarku gaaraan xaalada dhalmo deyska. Go’aanminta in la daaweeyo iyo in aan la daaweyn endometriosis waxay badanaa ku xiran tahay isbarbardhigada khatarta daawada iyo saameynta endometriosis uu ku yeelanayo noloshaada.
Waa maxay daaweyntu?
Endometriosis waxaa loo daaweyn karaa waado ahaan (daawo ama daraagis) ama qaliin.
Mar marka qaarkood labada daawoba iyo qaliinkaba waa la isticmaalaa. Dumarka qaarkood sidoo kale waxay faa’iido ka helaan daaweyn kale oo taas bedel keed ah.
Daawooyinku waxay u dhaxeeyaan daawooyinka xannuunka jebiya (sida barasatamool iyo daawooyinka huritaanka lau daaweeyo non-steroidal anti-inflammatories) ee hormoonka lagu daaweeyo ee cadaadiya sameysanka ugxantan iyo caadadaba).
Waxaa la isticmaali karaa qaliin si loo gooyo ama gubo endometrioses. Qaliinka ugu caansan ee la isticmaalo waa laparoscopy (qaliinka dalool yar sameynta).
Haddii ay ugxan dhalayaashu ay ka kooban yihiin cysts ka endometriosis kuwan waxaa si wanaagsan loogu daaweeyaa qaliin maadaama aysan u ekeyn inay sidooda u baaba’aan dawona aan lagu daaweyn karin.
Daaweynta madhaleysnimda
Qaliinka waxaa laguarkay inuu hagaajinayo wax dhalida dumarka qaba endometriosis dudud. Daaweynta endometriosis aadka u daran, khaas ahaan haddii ay jirto cysts ugxan sidayaasha, sidoo kale wuxuu u eg yahay inuu hagaajinayo ilmo dhalista inkastoo aan tan si buuxda oo xaqiijin.
Daaweyntu ma muujin inay hagaajineyso ilmo dhalista.
Waxyaalaha kale ee dhaliya ma dhaleysnimada waa in la raadiyaa oo la daaweeyaa.
Xannuun ka daaweynta
Marka xannuunku yahay dhibka ugu weyn, daaweyntu waxay ujeedadeedu tahay inay kaa debciso astaamaha iyo inay xannuunka kaa yareyso. Daaweynta ugu weyni waa:
Ø Xannuun jebiyayaal sahlan (barsatamool iwm)
Ø Daaweynta hormoonka(kiniini iwm)
Ø qaliin.
Xannuun jebiyayaasha sahlan
Dumar badan ayaa dareemi doona waxoogaa ah in astaamuhu kaga jabaan daawooyinka ay farmasiga ka gataansida barsatamoolka (Panadol®) iyo kiniiniyada kale ee kaa dejiya huritaanka iyo xannuunka saa’idka ah ee (Ponstan®, Nurofen®, Naprogesic® iwm).
Daaweynta hormoonka
Daaweynta hormoonka waxaa loo isticmaalaa inay cadaadiyaan wareega caadiga ah ee caadada, kaasoo joojiya ama gaabiya koritaanka endometriosis. Habka ugu sahlan ee lagu heli karo tan waxaa weeye qaadashada “kiniiniga”( “the pill”). Daaweynaha kale hormoonka, ee lagu arkay inay wax ku ool yihiin xagga yareynta xannuunka la xiriira endometriosis, ayaa sidoo kale la heli karaa.
Dumarka qaarkii waxay arki doonaan waxyeelo ay leedahay daaweynta hormoonku.
Qaliinka
Qaliinka ayaa laga yaabaa in la sameeyo marka ugu horeysa si u caawiso sameynta wiisitada. Dumarka qaarkii waxaa lagu sameeyaa qaliin sababtoo ah ma doonayaan inay daawo qaataan amase sababtoo ah daawadu waxba uma tarin.
Ujeedada qaliinka laparoscopy (qaliinka –daloolka- furaha oo kale) waxaa weeye in la sameeyo wiisitada iyo in la daaweeyo dhammaan endometriosis muuqda. Kan waxaa lagu sameeyaa laysar ama dhaytarmi ( diathermy), kaas oo baabiinaya endometriosis isagoo gubaya. Bedel ahaan waxyaalaha ah endometriosis waa la jari karaa.
koox yar oo dumar ah oo leh astaamo daran oo aysan ka debcineynin daawadu ama daaweynaha kale ee qaliinka, qaliinka aadka uga balaaran sida hysterectomy iyo goynta ugxan sidaha ayaa laga yaabaa in laga fekero.
Mar marka qaarkood endometriosis wuxuu wax yeelaa gidaarada caloosha . markay tani dhalineyso astaamo waa weyn waxaa laga yaabaa in lagu taliyo in qaybta caloosha ah ee wax qabta la gooyo. Tani waxay ku lug yeelanaysaa qaliin calooleed waana wax aan caam ahayn.
Fursadaha daaweynta
Waxyaalaha aad tixgelinayso Waxba haddii aan la sameyn (daawo la’aan):
Faa’iidooyin:
§ wax waxyeelo daawo ahi ma jiri doonto
§ khatar qaliin ma jiri doonto
§ astaamaha waxaa laga yaabaa inay iskood u hagaagaan.
Faa’iido darada
§ astaamaha badidoodu way sii soconayaan
§ astaamaha qaarkood waxaa laga yaabaa inay sii xumaadaan.
Xannuun jebiyaha sahlan (Barasatamol, Nuurofen®):
Faa’iidooyinka
§ si sahlan baa loo helaa
§ waxyeeladu wax caam ah ma aha
Faa’iido darada
§ badanaa waxba ma tarto
§ khatar ah boog calooleed markaad qaadato Nurofen® iwm.
Daawooyinka sida Progesterone-ta oo kale ah:
Faa’iidooyinka
§ xannuunka oo yaraada
§ caado la’aan ama mid aan wakhti caadi ah lahayn
§ waxay yareysaa koritaanka endometriosis xaaladaha badidooda
§ qaar waa waxyaalaha dhalmada ka hortaga.
Faa’iido darada
§ waxyeelo – culeyska oo bata, qaab farxadeed iyo xanaaga oo aad yeelato, findoob, timaha oo kugu kordha, calool majiir, naaso jileec
§ astaamaha waxaa laga yaabaa inay soo noqdaan marka daaweynta la joojiyo
§ waxaa laga yaabaa inaysan cannuunka baabiin
§ ma hagaajiso ilmo qaadista
§ waa inaadan uur qaadin intaad daawo qaadaneyso
§ ma aha dhammaan waxyaalaha uurka ka hortaga.
Dhalmo deysnimada-daawooyinka dhaliya:
Faa’iidooyinka
§ wax caado ah ma leh
§ xannuunka oo yaraada
§ xaaladaha badidooda waxay joojisaa koritaanka endometriosis.
Faa’iido darada
§ waxyeelada – kuleyl, dhidid
§ lafaha oo ku dhuubta haddii la isticmaalo wax ka badan lix bilood
§ astaamaha waxaa laga yaabaa in la helo haddii daawada la joojiyo
§ waa inaadan uur qaadin intaad daawada qaadaneyso
§ ma aha uur ka hortage
§ waxaa laga yaabaa inuusan xannuunka baabiin.
Kiniiniga laysku daray ee uurka ka hortaga:
Faa’iidada
§ waa uur ka hortage
§ xannuunka oo yaraada
§ waxaa loo qaadan karaa inuu yareeyo ama joojiyo caadada.
Faa’iido darada
§ waxyeelada – yalaalugo, culeyska oo kordha
§ waa inaadan uur qaadin intaad qaadaneyso
§ khatar yar oo ah xinjirow lugaha ama lambabada.
Laparoscopy:
Faa’iidada
§ wiisito xaqiiq ah
§ daawoobitaan wakhti dheer qaata 70% oo dumar ah
§ looma baahna in la isticmaalo daawo wakhti dheer.
Faa’iido darada
§ looma daaweyn karo sidaan dhammaan endometriosis-ka
§ waxaa jirta khatar qaliinku leeyahay
§ waxaa laga yaabaa inuusan daaweyn xannuunka
§ endometriosis ku soo noqnoqda 30% oo dumar ah.
Hysterectomy iyo goynta endometriosis:
Faa’iidada
§ helitaanka daaweyn wakhti dheer qaadata in ka badan 90% oo dumar ah
§ inaadan u baahan daawo inaad isticmaasho
§ wax caado ah oo danbe inaadan helin.
Faa’iida darada
§ khataraha qaliinka oo ka weyn qaliinka laparoscopy
§ waxay baabiisaa ilmo qaadista
§ dumarka qaarkood waxay ka gadoodaan ilmagaleenka ay waayaan
§ waxaa laga yaabaa in loo baahdo HRT haddii ugxan sidaha la gooyo
§ waxaa laga yaabaa inuusan daaweyn xannuunka.
Daaweynta bedelka ah iyo dhameystirkaba
Waxaa jira daaweyn kala duwan oo laga heli karo oo dhameystiri karta daaweyntaada caafimaad ama bedeli karta daaweynta caafimaad. Ta ugu caansani waa daaweynta shiineyska ee caadada ah iyo diyaarinta geedaha wax lagu daaweeyo. Dumarka qaarkii waxay ku arkaan horumar xagga astaamaha ah tan laakiinse ma jirto caddeyn sayniseed weli oo leh daawada shiineysku waxay yareyn kartaa astaamaha ama waxay hagaajin kartaa ilmo qaadista .
Haddii aad isticmaasho daaweyn dhameystir ahaan ah waxaa wax garad wanaagsan ah inaad kala hadasho isticmaalkooda dhakhtarkaaga maadaama ay saameyn karaan daawooyinka kale ee laguu qoray.
Markayna daaweyntu wax ka qaban astaamaha
Daaweynta ugu danbeysa ee endometriosis waa hysterectomy – oo ah goynta ilmo galeenka (ilmogaleenka) iyo goynta ugxan sidayaasha iyo dhammaan endometriosis. Tani waa qaliin weyn oo micnihiisu yahay ma jiro doono uur qaadis suurto gal ahi. Nasiib darro, dumarka qaarkii weli waxay qabi doonaan astaamo xitaa markay cadahay in dhammaan endometriosis si hagaagsan loo daaweeyey.
Waxaa sidoo kale suurto gal ah marka daawooyinku ama qaliinku aysan hagaajin astaamaha, astaamuhu waxaa laga yaabaa inaysan astaamahani ahayn endometriosis awgii. Xaaladaan waxaa laga yaabaa inaad u baahato baaritaan dheeraad ah oo lagu raadinayo sababo kale oo suurto gal oo keenaya astaamaha. Dumarka qaarkii weligood uma helayaan sababta dhalineysa xannuunkooda waxaana loo daaweynayaa si looga yareeyo astaamaha oo loo hagaajiyo tayada noloshooda.
Haddii aysan ahayn endometriosis, maxay tahay?
Xannuunka lafaha miskaha waxaa dhalin kara tiro ka mid ah xaaladaha caafimaadka dumarka oo ay ka mid yihiin:
§ adenomyosis (waa xaalad uu laabatada gudaha ilmagaleenku god ku sameeyo muruqyada ilmo galeenka)
§ infekshinka lafaha miskaha sida Chlamydia
§ nabar unug (iskuxirka) uu dhaliyey qaliin hore
§ infekshinka ama cudur hore oo ah huritaanka miskaha
§ dhuumaha ilmo galeenka.
Xannuunka lafaha miskaha waxaa sidoo kale dhalin kara xaalado kale oo aan ahayn caafimaadka dumarka sida:
§ calaamad calooleed kukicineysa
§ cudur calooleed huraya (tusaale cudurka Crohn)
§ dhibaato kaadiheyseed sida infekshin soo noqnoqda ama huritaan.
Qofka dumarka ah ee qabta xannuunka lafaha miskaha waxaa laga yaabaa inaysan garan waxa sababaya jir ahaan, laakiin waxaa laga yaabaa inay mar marka qaarkood noqoto sababta ama inay sii xumeyso qodobo cilmi nafsiyeed oo ay ku jiraan waxyeelo jireed ama
galmo oo hore.
Ugu danbeyntii, waxaa laga yaabaa inay ku dhacdo dumarka uu muuqda inay leeyihiin caafimaad hormoon iyo taran oo caadi ah. Dhakhaatiirta waxaa laga yaabaa inaysan garaneynin waxa dhalinaya xannuunka.
SomaliDoc