Ilka dawaco waxay soomalida u taqaannaa ilkaha ugu horreeya caruurta u soo baxda kaasoo laga aaminsanyahay in ilmaha shuban ku ridaan sidaa darteedne laga siibo.
Ilka dawacadu maahan cudur, illaa inta la ogyahayne ilkaha iyo shubanku isma keenaan laakiin way isku soo aadaan, badanaa caruurtu waxay u soo baxdaa ilkaha markii:
1- Difaaca jirka cunuggu hoos u dhaco, difaacaas uu kala soo baxay hooyadiis kadibne shuban ayaa ku dhaca caruurta.
2- Ilkaha way cuncunaan caruurta marka ay soo baxayaan taas oo uu jecelyahay in wax waliba afka lagalao ama ciridka ku xoqdo si cuncunka iskaga baabiyo kadibne uu infection caloosha ka qaado shubanne ku dhaco
3- Ilkaha marka ay soo baxayaan, ilmaha aad ayay dhareeraan kaasoo keenta saxaro jilicsan ama shubanba.
4- Waqtiga ilka soo baxayaan ama soo baxeenba waxaa caruurta badanaa lagu bilaabaa cunno adag taasoo keeni karta shuban maadaama caloosha aysan u baran cunnooyinkaas.
Qodobada aan kor ku soo sheegay waxay ka mid yihiin fasiraadaha ay ka bixiyaan takhaatiirta waxa shubanka iyo ilka soo bixidda isku aadiyay laakiin waxay ka wada simanyiin in ilkuhu aysan shuban keenin haddii la bixiyane sida dadka qaar ay sameeyaan in ay qalad tahay, shubanne sidaa uusan ku istaageyn.
Midda kale shubanka caruurta ku dhaca xilligaan maahan mid biyo kaliya ah oo ilmaha fuuqbax ku rida.
Halkaan ka akhriso qoraallo xiriir la leh su'aashaada:
http://somalidoc.com/smf/medical-stories-and-jokes/grandmother-killed-the-child!/
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1618.0.htmlhttp://somalidoc.com/smf/index.php?topic=741.0http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=592.0