Author Topic: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?  (Read 1567 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Saiid6666

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« on: December 23, 2010, 12:19:03 PM »
                                                  :osalaamu calaykum
walaal wiil yar oo aan dhalay ayaa waaxa qalooca ama wershe ah hal il indhihiisa mid waa caadi mida kalle ayaa dhanka sanka eegaysa waamaxay ma cudur wayn baa mise waa la daa wayn karaa iga soo siiya jawaab waafiya salaamu calaykum

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #1 on: December 24, 2010, 04:41:48 AM »
Weersho waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Squint".
Sida aad ka arkayso sawirkaan "Squint" waxaa la yiraahdaa markii qofku hal meel labadiisa indhood ay isla eegi karin, waxayna u badantahay caruurta.

Haddii cunugaaga uu ka weeynyahay 1 bil aadna ku argto weersho waa in aad la xiriirtaa takhtar indho sida ugu dhakhsiyaha badan maxaa yeelay weershaha waa la daaweyn karaa marka hore laakiin haddii in muddo saa lagu daayo waxay keeneysaa labada indhood mid in ay shaqada joojiso oo aragga daciifo, maxaa yeelay cunugga weershaha ah markuu wax eegayo labadiisa indhood laba meel oo kala duwan ayay fiirinayaan, laakiin maskaxda waxay amar ku bixinaysaa in la fiiriyo kaliya waxa uu marka cunuga daneynayo taasoo keeneysa in waxa kale aan waxba laga soo qaadin, haddii in muddo ah cunugu saa u isticmaalo indhihiisa hal il kaliya ayuu ku shaqaysanayaa.
Dadka weershaha noqda markii ay weynaadaan maskaxdane ay kortay waxay arkayaan laba sari halkii marba taasoo dhibaato keeneysa oo maahan sida caruurta oo kale.

weershaha waxaa jira laba nooc mid joogto ah iyo mid marmar ah, middda marmarka ah way sahlantahay.
Isha weershada ah markii ay fiirinayso gudaha oo sanka dhinaciisa ah waxaa la yiraahdaa caafimaad ahaan "esotropia" sida ka muuqda sawirkaan.

Weershaha waa wax la daaweyn karo yaraanta waxaana lagu daaweeyaa laba siyaabood, muraayado aragga lagu saxo, jimicsi indhaha loogu talgalay ama qalliin.
Dadka da'da ah oo ku waynaaday weershaha haddii indhaha loo saxo oo qallin lagu sameeyo waxaa dhib ah si lagu soo celiyo aragga, laakiin caruurta qalliinka lagu sameeyo iyagoo yar jaanis fiican ayay leeyihiin.

La xiriir takhtar indho sida ugu dhakhsiyaha badan.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa
SomaliDoc
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline BAXARSAF

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Isla mawduucaan ah Squin Eye
« Reply #2 on: February 16, 2011, 08:19:49 PM »
Dear, Doctors.

Waxaan wataa isla suaal ku saabsan mawduucaan aniga ayay i haysataa arinta waxaana weeye dadeyda 35 yr last 10 year ayayna igu dhacday, macnaha ishii arag ma jiro si tartibtartiib ayay u dhimatay u aragbeeshay, waxaana ku arkay Squin-kan weliba si aan aad ula yaabay , Dhaqtarki wuxu idhahay Ishaan Pressure ba dilay oo biyhii isha ah, waxna lagama qabankaro, isha kale waa caadi laakin waan cabiraa madanaana waa up pressure-ka Temalol eye drop & kaniin kale Vitimen ah % sunclasses, ayay i qoreen marka isha xaaladeeda waa sidaas, waxaa kusoo haray Squin-kan aroortii markaan soo tooso aad bey u leexsan tahay isha laakin saacado ka dib wey roonanaysaa oo aad lo fahmimaayo,

waxaan idinka codsanlahaa inaad tallo iga siisaan saamaynta ay ishan kale ku yeelankarto mustaqbalka tan kale Squinkan maxaa sababa earlly morning sidan ahaado hadhowna normal noqdo maxaase kula tacaalikaraaa << meelaha kulka ah markaan ku jiro xanuun gadaal ah ban dareemaa inta badan xaaladaha qabowga ah waa ok marka adinkaan idinka suagaya walaalayaaal,


Mahdi

Somalia

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #3 on: February 19, 2011, 06:00:53 AM »
Marka hore halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan pressure-ka isha oo kacsan
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0

Midda xigta haddii gulukoomada ay tahay mid xagla furan labada indhood hal mar ayay ku wada dhacdaa oo il kaliya maba ku dhacdo laakiin waxaa dadka wareeriyo in ay dhici karto labada indhood in aysan si isku mid ah aysan u saamayn taasoo laga yaabo in hal ay disho meesha isha kale uu pressure-ka uu kacsanyahay laakiin aysan heerka middaan aysan gaarin.

Haddii xagla xirantahay marka hore hal il ayay ku dhacdaa laakiin inta u dhaxaysa 40 illaa 80% isha kale way saameysaa oo gulukooma xaglo xiran ayaa ku dhacdo muddo inta u dhaxayso 5 illaa 10 sano.

Squint-ga subixii hore waxaa keeno iftiinka qorraxda maadaama isha iftiinka badan ay dhibsanayso.
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada