Somali Medical Forums
Welcome, Guest. Please login or register.
July 25, 2014, 06:15:32 AM

Login with username, password and session length
Search:     Advanced search
12323 Posts in 4326 Topics by 11911 Members
Latest Member: Modathir
* Website Home Help Login Register
+  Somali Medical Forums
|-+  Diseases and Conditions
| |-+  Qaybta Su'aalaha (Moderator: SomaliDoc)
| | |-+  Su'aal: Waa Maxay Sickle Cell Anemia?
0 Members and 1 Guest are viewing this topic. « previous next »
Pages: [1] Print
Author Topic: Su'aal: Waa Maxay Sickle Cell Anemia?  (Read 4855 times)
Caaisha
Newbie
*

Points: +0/-0
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 3



Email
« on: January 04, 2011, 04:54:18 AM »

Asc waa indinsalamay dhamaan dhaqatirta wadna kumahadsan tahiin dida wanaagsan oo aad noga haqabtirteen mahideena caafimaad.
inta kadib waxaan raba inaan wax ka ogaado cudurka sickle-cell anemi muuxu yahay maxuse dhibi kara hadan la daweyn, mala daweynkara mase waa wax kula soconaya intaad noshahay oo dawa lahen?
waxaa leeyga sheegay cudurkaan 8 sana kahor waxaana qaataa kaniniyo fatamina ah iyo birta.
weli waxba iskama bedelin mararka qaar ma istic maalo kaniniga dhararka isoo qoro sababto ah madaba aan waxba iga bedeleyn iyo asigoo aad u qarar ma jirtaa daweyn fudud. ma ku dhici raa cudurkan caruur teyda ?
wax ma u dhiba uur qaditaan waxaan gursaday 2 sana kahor welina uur ma yeelan anigoo aad u jecel inana caruur dhalo. dhigeeyga oo hoos u dhacsan inta abdan awged madhalin karta inaan uur yelan karin?
mahadsanidin


Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: +1/-1
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 1350



WWW Email
« Reply #1 on: January 06, 2011, 01:17:23 AM »

Waa maxay cudurka sickle cell iyo thalassaemia major?

Cudurka sickle cell iyo thalassaemia major waa cuduro dhiigga ku dhaca ee la iska dhaxlo. Waxay saamayn ku leeyihiin haemoglobin’ka ku jiro unugyada cas ee dhiigga. Haemoglobin’ka waa muhiim sababtoo ah wuxuu jirka ku wareejiyaa oksijiinka. Dadka qaba xaaladahaan waxay u baahan doonaan xannaano gooni ah intii ay nool yihiin.
Waxaa xittaa jiro cuduro kale ee ku dhaco haemoglobin ee ka dhif badan. Badanaa kuwaani aad uma xuma.

Cudurka sickle cell
Dadka qaba cudurka sickle cell: Waxay lahaan karaan dhaawaca maqaarka iyo unugyada jirka iyo calaamado marxalado kala duwan ah; Waxaa ku dhici karo xannuun aad u xun, kaaso ku qasbaayo in isbitaalka la jiifiyo; Si fududne ayeey u bukan karaan.
Cudurka Beta thalassaemia major
Dadka qaba beta thalassaemia major waxay: Qabaan dhiig-yaraan aad u xun iyo waxay u baahan yihiin in dhiig lagu shubo afar ilaa lix toddobaad walba iyo la siiyo daawoyin kale.

Sidee ayaa cuduradaan la isku dhaxlaa?
Sickle cell iyo thalassaemia waa cuduro layska dhaxlo. Qoysaska ayaa iska dhaxlo.
Haddii labada waalid qabaan hiddo-wadayaasha sickle cell ama thalassaemia, waxaa jiro fursad sare (halkiiba afar, ama 25%) in cunuggooda ku dhici doono cudurka sickle cell ama thalassaemia major.
Haddii hal waalid kaliya (hooyada ama aabaha) qabo hiddo-wadaha sickle cell ama thalassaemia, waa yar yahay fursada in cunugooda ku dhaco cudurka sickle cell ama thalassaemia major. Laakin ilmahaas wuxuu noqon karaa sidaha cudurka. Kaasi waxaa loola jeeda in ilmahaa sida aabaha iyo hooyada lahaan doono hiddo-wadaha sickle cell ama thalassaemia, laakin hiddo-wadaha caadi ahaan dhibaato uma keeni doono. Haweenada caadi ahaan sideyaasha ah waxay dhibaato kala kulmi karaan uurka. Tusaale ahaan, waxaa suurtogal ah inay ahaadaan kuwo dhiig-yaraan ku dhaco.

Yaa ku saamaysmi doono?
Qof walba wuxuu ahaan karaa sidaha sickle cell ama thalassaemia.
Fursadaha in aad tahay sidaha sickle cell ama thalassaemia waxuu kor ugu kaca kooxo gaar. Waxaa kani loola jeedaa inaad ahaan karto sidaha cudurka haddii qoyskaaga, ayadoo loo fiirin imisa jiil, ay ka yimaadeen dalalka badda Mediterranean (tusaale ahaan, Cyprus, Talyaaniga, Boortugal, Isbain), Afrika, dalalka Karibiyaanka, Bariga Dhexe, Hindiya, Bakistaan, Koonfuurta Mareykanka ama Koonfuurta ama Koonfuur Galbeedka Aasiya.
In la ahaado sidaha sickle cell ama thalassaemia dhif ayuu ku yahay dadka ka yimid, ama qoyskooda ka yimid dalalka urub sida (UK iyo Ireland)

Baaritaanka
Baaritaanka wuxuu ka kooban yahay tijaabada dhiigga, kaaso la samayn karo waqti horey ee uurka.
Baaritaanka waxaa la siiyaa oo kaliya haweenada qaba fursad sare inay sidaan cudurka sickle cell ama thalassaemia. Eeg ‘Yaa baaritaanka la siiyaa?’ si aad u eegto haddii aad ku jirto kooxda.
Ayadoo qayb ka ah xannaanadaada dhalidda ka hor, waxaa lagu siin doonaa tijaabo dhiig caadi ah (xisaabta buuxa ee dhiiggaaga) si loo eego heerka haemoglobin’kaaga iyo loo ogaato haddii aad qabtid dhiig-yaraan. Xisaabta buuxa ee dhiigga wuxuu xittaa eegi karaa nooc thalassaemia.
Haddii xisaabta dhiiggaaga u sheego inaad noqon kartid sidaha thalassaemia, shaybaarka waxay xittaa dhiiggaaga ka baari karaan cudurka sickle cell iyo thalassaemia.

Yaa baaritaanka la siiyaa?
Waa in baaritaanka lagu siiyaa haddii:
• adiga ama lammaanahaada qabtiin taariikh qoys ee cudurka sickle cell ama thalassaemia;
• adiga, lammaanahaada, qof walba ee qoyskaaga ka mid ah, ama qof walba ee qoyska lammaanahaada, ayadoo loo eegin inta jiil dib loo eego, ka yimaadeen qayb walba ee aduunka aysan ka eheyn dalka Ingiriiska iyo Ayrland;
• adiga ama lammaanahaada aadan ogeen taariikhda qoyskiina – tusaale ahaan, adiga ama lammaanahaada qof kale idin soo koorsadey; ama
• aad qabtid dhiig-yaraan aan la macneyn karin.

Waa maxay faa’idoyinka tijaabada baarista cudurka sickle cell iyo thalassaemia markii uur la qabo?
Haddii aad tahay sidaha cudurka sickle cell ama thalassaemia, waa muhiim in la ogaado inaad heli kartid nooca saxda ah ee xannaanada intii aad uur ka qabtid.
Haweenada og in cunuggooda qabo fursad sare inay dhaxlaan cudurka sickle cell ama thalassaemia major waxaa lagu samayn karaa tijaabada cudur-aqoonsiga si ay u ogaadaan haddii ilmaha uurka ku jiro uu cudurka saamayn ku leeyahay. Kani waxaa lagu samayn karaa labada tijaabo cudur-aqoonsiga ee kala ah chorionic villus sampling (CVS) ama amniocentesis. Haddii uu ilmaha ku saamaysmay, haweenka uurka leh waxay go’aan ka gaari karaan haddii ay rabaan inay uurka sii wadaan ama ay joojiyaan.

Waa maxay faa’iido-darrada samaynta tijaabada cudur-aqoonsiga sickle cell iyo thalassaemia markii uur la qabo?
Samaynta baarista wuu ku wel-welin karaa haddii aad ogaato inaad tahay sidaha cudurka sickle cell ama thalassaemia. Dhowr haweeno waxaa la siin karaa tijaabada cudur-aqoonsiga si loo eego haddii uu ilmaha saamayn ku yeeshey. Inkastoo tijaabada cudur-aqoonsiga sababi karo dhicis, haweeno badan waxay kani u arkaan inuu yahay go’aan dhib ah. Dhowr haweeno waxay rajeeyaan inaysan tijaabada baarista sameynin sababtoo ah sameynta go’aankaan waa dhib.

Miyaan sameeya tijaabada dhiigga ee lagu ogaado sickle cell iyo thalassaemia?
Adiga kaliya ayaa go’aan ka gaari karo haddii aad rabtid in baaritaanka lagugu sameeyo. Dhowr haweeno waxay rabaan inay ogaadaan haddii ilmahooda qabo sickle cell ama thalassaemia, kuwo kalena ma rabaan. Sameynta baarista wel-wel ayuu kugu bilaabi karaa sababtoo ah natiijada wuxuu sababi karaa in baaritaanyo kale lagugu sameeyo.

Natiijada maxey ii sheegi doontaa?
Haddii natiijada baaritaanka muujiyo inaadan eheen sidaha cudurka, waa dhif in ilmahaada qaado cudurka sickle cell ama thalassaemia major. Inkastoo baaritaanka aad sax u yahay, tiro yar ee natiijo ayaa aahaan karo kuwo aan cad eheen. Haddii uu kani dhaco, waxaa lagu siin doonaa baaritaan kale.
Haddii baaritaanka muujiyo inaad side tahay ama side ahaan kartid, waxaad awoodi doontaa inaad la hadasho kaaliye caafimaad ee takhasuusan ama takhtar, waxayna ku siin doonaan macluumaad dheeraad ah. Waxay kugu tallin doonaan in aabaha ilmahaaga u sheegto inuu asagaba dhiig iska qaado si loo eego haddii uu side yahay. Haddii natiijada baaritaankiisa muujiyo inusan side eheen, waa dhif in ilmahaada ku dhaco cudurka sickle cell ama thalassaemia major.

Maxaa dhacaayo haddii aabaha cunuggeyga uu asagaba yahay sidaha cudurka?
Haddii baaritaanka muujiyo in aabaha ilmahaaga uu yahay sidaha cudurka, waxaa jiri karo halkiiba afar fursad (ama 25%) in ilmahaaga ku dhaco cudurka sickle cell ama thalassaemia major. Markaa waxaad go’aan ka gaari kartaa haddii aad rabtid in baaritaanyo dheeraad ah lagugu sameeyo si loo hubiyo in ilmahaaga cudurka qabo iyo inkale. Baaritaanyadaan waxaa lagu magacaaba tijaaboyinka cudur-aqoonsiga. Haddii aad go’aansato inaadan baaritaanyo kale sameynin, ilmahaaga waxaa la baari karaa markuu dhasho si loo ogaado haddii uu u qabo cudurka sickle cell ama thalassaemia major. Kani waxaa loola jeedaa in haddii uu cudurka saamayn ku yeeshay waqti horey loo bilaabi karo daaweynta.

Waa maxay tijaaboyinka cudur-aqoonsiga?
Chorionic villus sampling (CVS) iyo amniocentesis
CVS iyo amniocentesis waa tijaaboyin cudur-aqoonsi. Waa habab sax ah ee lagu baaro cudurada sickle cell iyo thalassaemia major. Haddii aad go’aansato in lagugu sameeyo tijaabada cudur-aqoonsiga, adiga iyo aabaha ilmahaaga waxaa idinla siin doonaa tijaabo dhiig si uu shaybarka u baxsho cudur-aqoonsi sax ah.

Waa maxay CVS?
CVS waa habsooc uu takhtarka ka soo qaadayo mandheerta qayb yar markii aad uur leedahay. Unugyada mandheerta waxaa markaa lagu baari doonaa shaybarka si loo eego koromosoomka ilmahaaga. Waxaa caadi ahaan CVS lagugu samayn karaa markii aad gaarto 11 ilaa 14 toddobaad ee uur ah. Hase-yeeshe, xaalado gaar ah waxaad samayn kartaa 14 toddobaad ka dib.
Haddii lagugu sameeyo CVS, waxaa jiro 2% halis inuu kugu dhaco ilmo-dhicis (halkiiba 50 haween ee uur leh wuxuu ku sababa ilmo-dhicis).

Waa maxay amniocentesis?
Amniocentesis waa habsocod ee lagu baxsho 15 ilaa 20 mililiitar (waa seddax ama afar qaado) ee dareerka ku heeraran ilmaha uurka ku jiro (kani waa dhacaanka ilmo-galeenka). Unugyada ilmahaada waxay ku jiraan dareerahaan, waxaana lagu baari karaa shaybaar.
Waxaa la samayn karaa markii aad gaarto 15 toddobaad ee uur ah.
Amniocentesis wuxuu leeyahay halisyo. 100kiiba hal haween ee uur leh wuxuu ku sababa ilmo-dhicis (1%).

Waa maxay natiijoyinka ka imaan kara tijaabada cudur-aqoonsiga?
Haddii aad qabtid CVS ama amniocentesis, natiijada wuxuu muujin karaa: In ilmahaada dhibaatadaan qabin; ama Ilmahaada qabo cudurka sickle cell ama thalassaemia major. Markaa waxaad go’aan ka gaari kartaa haddii aad rabtid inaad isku diyaariso dhalidda cunug qabo cudurka sickle cell ama thalassaemia major ama joojiso uurkaaga.
CVS iyo amniocentesis waxaa xittaa lagu ogaan karaa cillaado kale ee koromosoom iyo waxaad macluumaad ka badan ka heli kartaa buug-yarayaasha CVS iyo amniocentesis.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan labadaan cudur waad na soo weydiin kartaa
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada
Pages: [1] Print 
« previous next »
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 2.0.8 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!